Sheekada markii mas loo adeegsaday sida hubka oo qof lagu dilay

Toddobaadkii la soo dhaafay nin u dhashay dalka Hindiya, ayaa lagu xukumay xabsi daa'in ka dib markii lagu helay dambiga ah inuu dilay xaaskiisa isagoo ku diray mas. Soutik Biswas iyo Ashraf Padanna ayaa gunta dhacdadaasi si wada jir ah uga diyaariyay warbixintan.
Bishii Abriil ee sannadkii hore, Suraj Kumar oo 28-jir ah ayaa bixiyay 7,000 rupees oo u dhiganta $ 92 doolar si uu u soo iibsado maska nooca loo yaqaan kobra oo ah ka mid ah masaska ugu halista badan dunida. _ Dalka Hindiya waxaa caado ah in waalidka gabadha ay bixiyaan lacagta yaradka oo la siiyo ninka wax guursanaya.
Ka ganacsiga masaska waa sharci -darro gudaha Hindiya, sidaa darteed Suraj wuxuu si qarsoodi ah uga iibsaday nin soo qabta masaska, oo la yirahdo Suresh Kumar, oo ku sugan gobolka koonfureed ee Kerala.
Suraj wuxuu dalooliyey weel caag ah si ay hawo u soo gasho, wuxuuna geliyay maskii , ka dibna wuxuu ku wuxuu ku geeyay guriga.
Saddex iyo toban maalmood ka dib, wuxuu weelkii ku riday bac wuxuuna u dhaqaaqay gurigii soddohdiis, oo qiyaastii 44 km u jira, halkaas oo xaaskiisa Uthra ay kaga soo kabanaysay qaniinyo kale oo mas qaniinay, taas oo la sheegay in uu isla isaga ka dambeeyay.
Suraj iyo Uthra waxay kulmeen laba sannadood ka hor, iyagoo adeegsanaya adeeggga dillaalka guurka. Suraj aabihiis wuxuu ahaa darawal gaari, hooyadiisna waxay ahayd guri joog. Uthra, oo Suraj ka yarayd saddex sano ayaa ka soo jeedday qoys aad uga nolol wanaagsan kan Kumar oo aabbaheed wuxuu ahaa ganacsade halka hooyadeedna ay ahayd maamule dugsi oo hawlgab ah.
Markii lamaanahan ay is guursadeen, Suraj wuxuu ka aqbalay meherka ay waalidiinta Uthra bixinayaan oo ahaa 768 garaam oo dahab ah oo qiimihiisu ahaa $ 32,000 oo doolar. Waxa kale oo uu bishii 8,000 rupees ka helayay waalidkeed "si uu u daryeelo gabadhooda", sida ay baarayaashu sheegeen.
Goobta ay arrintu ka dhacday waa guriga waalidiinta Uthra oo ay dib ugu loogu soo laabatay markii laga soo saaray isbitaal, halkaas oo looga daweeynayay qaniinyada abeesada.
Waxay isbitaalka ku jirtay muddo 52 maalmood ah iyadoo saddex qalliin martay si loo daweeyo lugta uu maska ka qaniinay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka dibna habeenkii 6 -da May, dambi-baarayaashu waxay yiraahdaan, iyadoo Uthra ay weli soo kabanayso, waxay Suraj ka aqbashay galaas cabitaan ah oo lagu daray dawooyinka hurdada keena. Markii ay seexatayna Suraj wuxuu soo saaray weelkii uu ku waday maska kobraha ah, ka dibna wuxuu ku riday sariirti ay jiiftay xaaskiisa balse maskii ma uusan weerarin Urtha oo dhinac kale ayuu u dhaqaay, Suuraj waxaa uu ka daba tagay maska waxa uuna markale u weeciyay dhanka xaaskiisa... nasiib wanaag maskii ayaa hadane dhinac kale u dhaqaaqay.
Suraj wuxuu isku dayay mar saddexaad - wuxuu soo qabtay maska wuxuuna dhigay dhanka madaxa Urtha gaar ahaan meel u dhow gacanta bidix ee Uthra. Maska oo careysan ayaa laba jeer qaniinay gabadha. Kadibna wuxuu galay khaanad qolka ku dhex-taal oo habeenkii oo dhan ku sugnaa.
"Maska Kobra ma qaniintamo ilaa aad ka xanaajiso mooyaane," ayuu yiri Mavish Kumar, oo ah dhakhtar ku takhasusay cilmiga dhirta.
Suraj wuxuu dhaqay galaaskii cabitaanka uu ku siiyay, wuxuuna sidoo kale burburiyey ushii uu ku maareeynayay maska. wuxuu tirtiray diiwaankii wicitaanka ee taleefankiisa gacanta, sida ay baarayaashu sheegeen.
Markii Uthra hooyadeed ay subaxdii dambe soo gashay qolka, waxay boliiska u sheegtay inay aragtay gabadheeda oo sariirta jiifta "afkeeduna furan yahay, gacanteeda bidixna dhinac ka laalantahay".
Waxay sheegtay in Suraj uu sidoo kale qolka ku jiray.
"Maxaad u hubin weyday inay soo jeeddo iyo in kale?" Hooyada oo magaceedu yahay Manimekhala Vijayan ayaa weydiisay wiilka ay soddohda u tahay.
"Ma aanan dooneynin inaan hurdada ka kiciyo," ayuu ku yiri Suraj soddohdii.

Xigashada Sawirka, Sreedhar Lal
Qoyska ayaa Uthra ula cararay isbitaalka, halkaas oo dhaqaatiirta ay u sheegeen inay u dhimatay sumeyn waxayna u yeereen booliska.
Baaritaanka ayaa lagu ogaaday inuu qaniinay maska kobra oo waxaa lagu arkay laba meel oo uu ka qaniinay iyo suntiisuba.
Iyagoo ka jawaabaya cabashada waalidiinta Uthra, booliska waxay Suraj xireen 24 -kii May isagoo lala xiriirinayo geerida aan caadiga ahayn ee xaaskiisa. Kadib baaritaan socday 78 maalmood iyo eedeymo ku saabsanaa in ka badan 1,000 bog oo qoraal ah, ayaa maxkamaddu bilaabatay.
In ka badan 90 qof, oo ay ku jiraan dhakhaatiirta ku taqasusay xamaaratada. Xeer -ilaalintu waxay dhistay dacwadda iyada oo adeegsanaysa diiwaannada wicitaanka Suraj, taariikhda internet -ka, sawirka mas kobra ah oo dhintay oo laga soo saaray beerta iyo caddeyn ah inuusan iibsan hal mas oo keliya oo ay laba ahaayeen. Baarayaasha ayaa sheegay in Suraj uu sidoo kale iibsaday maskii kale ee qaniinay Uthra bilo kahor inta aysan dhiman.
Suresh oo ahaa ninkii maska soo qabtay ayaa ku soo jeestay Suraj oo qirtay inuu ka iibiyay labada mas.

Xigashada Sawirka, Sreedhar Lal
Shirqoolkii Maska ee koowaad
Suraj, oo wakiil ahaan uga shaqaynayay bangiyada maxalliga ah, ayaa la kulmay Suresh oo ah ninka soo qabtay masaska bishii Febraayo ee sannadkii hore.
Kadib 27-kii Febraayo, Suraj ayaa maskii uu soo iibsaday ku sii daayay gurigiisa gaar ahaan dabaqa koowaad ee gurigiisa, wuxuuna xaaskiisa ka codsaday inay u kacdo xagga sare si ay u soo qaaddo taleefankiisa gacanta.
"Uthra waxay aragtay maska oo ku urursan guriga kadibna waa ay qeylisay, sidaasi hooyadeed ayaa booliska u sheegtay. Suraj intuu soo kacay ayuu maskii ul ku soo qabtay, markaasuu guriga ka baxay ka dibna waxa uu ku celiyey weelkii".
Habeenkii 2-dii Maarso, Suraj ayaa mar kale isku dayday dil. Waxa uu wax ugu daray dawooyinka hurdada, wuxuuna maskii ku sii daayay qolka hurdada iyada oo hurda.

Xigashada Sawirka, Sreedhar lal
Markan, baarayaashu waxay yiraahdeen, maskii waxa uu weeraray xaaskiisa. Uthra ayaa soo toosay iyadoo xanuun la qaylinaysa ka dib markii uu maskii lugta ka qaniinay, Surajna wuxuu daaqadda ka tuuray maskii.
Vijayasenan Vidhyadharan, oo ah Uthra aabeheed ayaa yiri "Dhacdooyinka qaniinyada masaska waxay ku badan yihiin gobolka Kerala, marka ma aanan ka shakin. (Qiyaastii 60,000 oo qof ayaa u dhinta qaniinyada masaska Hindiya sannad kasta.)
Waxay qaadatay in ka badan laba saacadood habeenkaas in la helo isbitaal bixiya daryeel caafimaad oo muhiim ah oo la xiriira qaniinyada masaska. Uthra waxay la il daranayd barar iyo dhiig bax. Saddex qalliin oo maqaarkalooga sameeyay ka dib, waxay ku soo noqotay gurigeeda waalidkeed oo ka kaboobnaa laba dabaq.
Suraj wuxuu la joogay wiilkiisa iyo waalidkiisa oo ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal Pathanamthitta. Hase yeeshee mar kale ayuu maleegayaa shirqool uu ku doonayo inuu mas kale ku diro si ay u dhimato.
Anoop Krishna, oo ka mid ah baarayaasha ayaa yiri "Intii ay xaaskiisa ku jirtay isbitaalka, Suraj wuxuu ka dhex raadinayay internetka sida loo maareeyo masaska iyo barashada sunta masaska."

Xigashada Sawirka, Sreedhar Lal
Baarayaasha ayaa sheegaya in Suraj uu qorsheynayey dilka tan iyo markii uu dhashay wiilkiisa, Dhruv, sanadkii 2019. Taariikhdiisa isticmaalka internet-ka ayaa daaha ka qaaday inuu baaray masaska sunta khatarta ah leh.
Suraj ayaa la sheegay inuu saaxiibbadiis u sheegay in xaaskiisa ay ku riyootay inuu ku dhacay habaarka maska" sidoo kalana "loogu talagalay inay ku dhimato qaniinyada maska".
Dhab ahaantii, Suraj waxaa ka go'anaa inuu dilo xaaskiisa, xado lacagteeda, uuna guursado naag kale, ayay baarayaasha sheegeen.
"Si taxaddar leh ayuu u qorsheeyay wuxuuna ku guuleystay isku daygii saddexaad," ayuu yiri Apukuttan Ashok, oo ah hoggaamiyaha sarkaalka booliiska ee baaritaanka.
Dacwad -oogaha guud Mohanraj Gopalakrishnan ayaa ku tilmaamay kiiska "mid muhiim u ah baaritaannada booliiska ee Hindiya, marka xeer -ilaaliyeyaashu ay go'aan adag ka qaadan karaan in xayawaan loo adeegsaday sida hubka oo dil lagu fuliyay".
Suraj waxaa lagu xukumay xabsi daa'im laba jibbaar ah. Sida laga soo xigtay Gopalakrishnan, wax qoomamo ah ma uusan muujin Kumar markii uu xukunka ku dhacay ka dib.











