Maxaa ka jira in saacaddan ay saadaaliso qiyaamaha?

Xigashada Sawirka, THOMAS GAULKIN, BULLETIN OF THE ATOMIC SCIENTISTS
Saacadda la sheegay inay qiyaamaha muujinaysaa iyo sida ay bani-aadmigu ugu dhow yihiin dhammaadka adduunka, laakiin saacaddan xaggee ka timid, sidee baan u akhrinaa, maxaase ka baran karnaa? Cilmi-baare SJ Baird ayaa sharaxaya.
Waxa aan markii ugu horaysay ogaaday in ay jirto saacada qiyaamaha markii aan dugsiga ku jiray bartamihii sagaashamaadkii oo uu macalin i baray. Macallinkan ayaa fasalkayga uga warramay jahawareerka weyn ee taariikhda, isaga oo sharraxay in haddii wax kasta oo mar ka dhacay adduunka hal meel la isugu keeno ay noloshu soo bixi doonto horraanta Maarso, noolaha unugyada badan ayaa soo bixi doona bisha November. Aadamuhu kama soo muuqan doonaan muuqaalkan ilaa 23:30 habeenimo ee sanadka cusub.
Ka dibna waxay is barbar dhigtay qaybtan wayn ee taariikhda iyo sida uu u gaaban yahay mustaqbalka bini'aadanka, waxayna noo sheegtay sida koox saynisyahano ah oo Maraykan ah ay u maleeyeen in ay inoo hadhsan yihiin dhawr daqiiqadood ilaa aynu ka gaarno saqda dhexe.
Waa sheeko la yaab leh, oo sannado badan waxaan u maleeyay in tani ay tahay ka dhigan tahay saacada qiyaamaha: Fallaarahaka taagan saaacadda ayaa waxay u taagan yihiin wakhtiga ka haray dhamaadka adduunka, laakiin waxaa soo baxday in taasi aysan ahayn mid sax ah.
Maanta, saynisyahannada mas'uulka ka ah Saacadda Qiyaamaha waxay ku daabici doonaan bogga Bulletin of the Atomic Scientists go'aankooda sannadlaha ah ee ku saabsan sida ay fallaaraha ugu dhow yihiin saqda dhexe, markii shan iyo toddobaatanaad.
Sannad kasta, wargeyskan waxa uu iftiiminayaa khatarta iyo masiibada soo food saartay bini'aadamka, oo ay ku jiraan hubka wax gumaada, burburka deegaanka iyo tignoolajiyada qaska ah.
Sannadkii 2020-ka, madaxa shabakadda Bulletin, Rachel Bronson, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in saacaddu ay ku dhowdahay dhammaadka adduunka - iyadoo ay ka harsan tahay 100 ilbiriqsi oo keliya. Laakiin si aad u fahanto macnaha dhabta ah, waa in aad fahanto qisada Saacada Qiyaamaha, halka ay ka timid, sida aynu u akhrinay, iyo waxa ay nooga sheegayso xaalada cakiran ee bini'aadmigu leeyahay.

Xigashada Sawirka, Alamy
Dejinta Dhaqdhaqaaqa saacada
Xawliga iyo dhibaatooyinka ay tignoolajiyada nukliyeerku ku horumartay ayaa ah wax lala yaabo, xitaa kuwa sida dhow ugu lug leh horumarintiisa. Sannadkii 1939-kii, saynisyahanno caan ah oo la kala yirahdo Albert Einstein iyo Leo Szilard waxay madaxweynaha Mareykanka u gudbiyeen horumar lama filaan ah oo ku yimid tignoolajiyada Nukliyeerka oo aad u awood badan, taasoo keeni karta cawaaqib xumo goobta dagaalka.
Tani waxay ahayd mid aad muhiim u ah in la iska indho tiro. Welwelkii ugu horreeyay ee cilmiyeed ee ah in hubka Nukliyeerka uu awood u leeyahay inuu soo afjaro aadanaha ayaa waxaa kiciyay saynisyahano ka qayb qaadanaya tijaabooyinkii ugu horreeyay ee Nukliyeerka.
Akhrinta Saacadda
Laakiin waa maxay macnaha waqtiyadan iyo dhaqdhaqaaqyadan? In kasta oo ay fududahay in la sharaxo saacadda qiyaamaha qaabkii uu macalinkaygu igu sameeyay, odoroska wakhtiga u harsan bini'aadmiga, wakhtigan aad ayay u adagtahay in la saadaaliyo, faa'iido ma yeelanayso haddii ujeedadaadu tahay inaad ka hortagto qiyaamaha, halkii aad ka filan lahayd.
Hase yeeshee akhrinta ugu macquulsan ayaa ah in saacada qiyaamaha loogu talagalay inay muujiso heerka khatarta ah ee hadda soo food saartay bini'aadamka, qaarna waxay mar hore isku dayeen inay qiimeeyaan arrintan.
Sannadkii 2003, Martin Rees, oo ah cilmi baare reer Ingiriis ah oo ku takhasusay cilmiga cosmology-ga iyo Cirbixiyeenka, ayaa yiri: "Waxay ila tahay in 50 boqolkiiba oo keliya ay tahay fursadaha ilbaxnimada ee ee hadda aan haysano gaar ahaan dhammaadka qarnigaan."
Kaydka khatarta qiimaynaha oo uu soo ururiyey cilmi-baare ka tirsan jaamacadda Oxford, ayaa hadda ka kooban in ka badan 100 saadaalin oo ay sameeyeen saynisyahano kala duwan oo arrintan daraaseynaya. Si kastaba ha ahaatee, qiyaasahani waxay noqon karaan kuwo faa'iido leh.
Taa baddalkeeda, ilaaliyaasha xirfadleyda ah ee aniga oo kale ah ayaa si ka duwan u fasira dhaqdhaqaaqa saacada Qiyaamaha. Ujeeddadeedu maaha inay noo sheegto heerka ay gaarsiisan tahay khatarta soo food saartay bini'aadamka, balse waa inay inoo sheegto sida aan ugu guulaysanayno ka jawaabista khatartaas.
Tusaale ahaan, sannadkii 1962-dii, waxaa guud ahaan la isku raacay in Xiisaddii Gantaalada Kuuba ay tahay dagaalkii ugu dhawaa ee abid ka dhaca dunidan oo la isku adeegsado Nukliyeer, balse markii ay dhacday dhacdadaasi saacadda ma aysan dhaqaaqin.
Dhanka kale, Heshiiskii Mamnuucidda Tijaabada Nukliyeerka ee 1963-dii saacaddu dib ugama soo noqon saqda dhexe shan daqiiqo oo buuxda.
Asxaabtayda waxay inta badan ii soo jeediyaan xog gaar marka xiisaha siyaasadeed ee caalamka sare u kacaan, sida khalalaasahii diblomaasiyadeed ee 2017 ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, ama burburkii heshiiskii Nukliyeerka ee Iran 2018-kii.
Si kastaba ha ahaatee, waa inaan guud ahaan ka niyad jabiyaa iyaga. Maaha dhacdooyinkan oo kale in aan waqtigeena intiisa badan ku bixinno. Dhab ahaantii, waa isbeddel caadi ah oo ku yimaada siyaasadda caalamiga ah iyo diblomaasiyadda.










