Qaraxii garoonka Kaabuul: 'Waxaan indhahayga ku arkay wax u eg maalinta qiyaamaha'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadkii ka badbaaday ayaa ka hadlay argagaxooda kadib markii qaraxyo mataano ah lala beegsaday dad badan oo bannaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul ku sugayay daadgureynta. Inta badan goob-joogeyaasha ayaan la magacaabin sababo la xirira ammaankooda.
'Waxaan arkay qiyaamaha'
Qof reer Afgaanistaan ah, oo hore ula soo shaqeeyay hay'ad horumarineed oo caalami ah, haystana fiisaha Maraykanka, ayaa ka mid ahaa kumanaan qof oo saacado ku sugayey bannaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul markii uu qaraxu dhacay.

Xigashada Sawirka, EPA
"Waxay ahayd sida iyadoo uu qof dhulka ka soo jiidaya cagahayga . Muddo ayaan u malaynayay in dhagahayga qarxeen waxaana iga lumay maqalka," ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
"Waxaan arkay maydad iyo qeybo ka mid ah xubnaha jirka bini'adamka oo hawada u duulaya sida duufaan baco qaadaysa oo kale. Waxaan arkay maydad, qaybo ka mid ah jirka oday waayeel ah iyo dhaawacyo badan oo rag, haween iyo carruur ka kooban oo daadsan goobta ay qaraxyada halkeeyeen."
"Suuragal ma aha in qiyaamaha lagu arko noloshaan adduunka balse maanta waxaan arkay wax qiyaamaha u eg, indhahayga ayaana ku arkay".
"Meel kasta waxaa daadsan meydad iyo dhaawacyo xitaa bullaacadaha, waxaadna arkeysaa biyo qulqulaya oo isu beddelay dhiig,"

Xigashada Sawirka, AFP
"Jir ahaan, waan fiicanahay ... laakiin uma malaynayo in dhaawaca maskaxeed iyo naxdinta aan ka qaaday qaraxaasi ay weligood ii oggolaan doonaan inaan ku noolaado nolol caadi ah."
'Argagax guud'
Goobjoogayaal kale ayaa ka hadlay aafada goobta ka dhacday qaraxa ka dib.
"Markii ay dadku maqleen qaraxa, waxaa jiray argagax guud," ayuu yiri nin la yiraahdo Milad, oo bannaanka garoonka diyaaradaha isaga iyo xaaskiisa iyo saddex carruur ah ku sugnaa.
"Taalibaanku waxay markaas bilaabeen inay kor rasaas u ridaan si ay u kala eryaan dadkii badnaa. Waxaan arkay nin ordaya oo gacanta ku haya ilmo dhaawaca ah ."
"Marnaba, ma doonayo inaan tago gegida diyaaradaha mar kale. Mareykanka, daadgureyntiisa iyo fiisooyinkiisuba ha dhintaan, ayuu yiri.
'Waxaan sameeyay intii karaankeyga ah si aan iyada u caawiyo'
Nin kale, oo hore u ahaa turjubaan la socday ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, ayaa u sheegay warbaahinta CBS News sida uu isugu dayay inuu badbaadiyo cunug dhaawacmay, oo qiyaastii shan jir ahaa.
"Waxaan arkay dad badan oo dhaawacmay iyo kuwa oo dhulka jiifa. Waxaan halkaas ku arkay ilmo yar waan u tegey ka dibna waan qaaday oo waxaan geeyay isbitaalka."
"Balse nasib darro waxay dhimatay aniggo gacmaha ku haya," ayuu yiri. "Taasi waa mid qalbi-jab ah, marka waxaan dhihi karaa waxa hadda socda waa qalbi-jab, dalkaanna wuu burburay."
"Waan isku dayay," ayuu turjumaankii yiri isagoo sii wata hadalkiisa. "Waxaan sameeyay intii karaankeyga ahayd si aan u caawiyo iyada."
'Marar dhif ah ayaan aragnay xaalad sidan oo kale ah'
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad ka badbaaday qaraxa oo quus taagan oo dhaawacyada daadgureynaya iyaga oo adeegsanaya qaab kasta oo la heli karo, oo ay ku jiraan gaari gacanka iyo takaasi.
Mid ka mid ah dadkii gacanta ka geystay in dhaawacyada la geeyo xarumaha caafimaad ayaa warbaahinta Tolo ee Afgaanistaan u sheegay in dad badan uu awoodda qaraxa ku tuuray dhulka ama biyaha.
"Waxaan halkaan ka qaadnay dhaawacyadii - fiiri, dharkaygu gabi ahaanba waa dhiig."

Xigashada Sawirka, AFP
Xarunta qalliinka ee Kabul, oo ay maamusho hay'adda samafalka caafimaadka ee degdegga ah, ayaa sheegtay in 60 qof lagu keenay wax ka yar laba saacadood.
Isku-duwaha caafimaadka ee isbitaalka ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ee kooxda in bukaanku "argagaxsanaayeen, indhahooduna ay gebi ahaanba lumeen. Marar dhif ah ayaan aragnay xaalad sidan oo kale ah".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan













