Maxaad ka ogtahay dadka Xajka ku soo guta qaab tahriib ah, iyo waxa ay la kulmaan?

Xigashada Sawirka, ASHRAF AMRA/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK
"Waxay soo galeen qoyskaygu markii waagu beryay, waxaa sidaasi yiri Saber oo ah wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Masar oo hooyadiis iyo walaashii ay sannadkan xajka ku tageen fiisaha booqashada, kaas oo aan loo oggolayn inuu lagu galo magaalada barakeysan ee Makkah inta lagu jiro Xilliga xajka, sida ku cad awaamiirta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga.
Ninkaan oo aam ugu yrrayno magaca Saber oo aan ahayn magaciisa saxda ah , ayaa BBC-da u sheegay in koox ka tirsan difaaca madaniga ah oo ay la socdaan booliiska Sucuudigu ay garaacayeen albaabada dhammaan guryaha ku yaalla magaalada Makah 4:30 subaxnimo, ciddii diidda in albaabka ay furto ayay “ku jabinayeen” sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaa ku daray: "Nimanku waxay galeen qolka dumarka iyaga oo aan ixtiraamin asturnaantooda , waxayna ku kaxeysteen qoyskeyga iyo kuwa kale waxayna geeyeen Al-Shumaisi," oo ah meel duleedka ka ah Makkah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ah booliiska la faafiyay muuqaalkoda iyagoo albaabada garaacaya ka hor inta aanay si xoog ah u gelin guryaha. Waxaan isku daynay inaan la xiriirno mas’uuliyiinta Sacuudiga ee ay arrintani khuseyso si aan jawaab uga helno, balse wax jawaab ah kamaanu helin.
Sida laga soo xigtay Agaasimaha Amniga Dadweynaha Sacuudiga, ahna Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Xajka, Sarreeye Guuto Muxumed bin Cabdullah Al-Bassami, tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah sugidda amniga xajka iyo hubinta dadka halkaa tagaya.
Waxaa uu mas'uulkaan intaa raaciyay in ilaa 98,000 oo baabuur ay ku xad-gudbeen shuruucda, iyadoo in ka badan 171,000 oo qof oo reer Sacuudi ah oo aan deganayn Makkah Al-Mukarrama, dib loo celiyay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga ayaa sidoo kale go’aamisay in qofka haysta dal ku galka booqasho ah nooc kasta ha lahaadee aanu ku soo geli karin ama ku joogi karin magaalada Makah, laga bilaabo bartamaha bishan inta lagu guda jiro gudashada xajka
Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in fiisaha booqasho ee nooc kasta ah in"aan loo tixgalinayn ogolaansho ah in ay gutaan waajibaadka Xajka." .
Wasaaradda ayaa ugu baaqday martida Boqortooyada ee haysta dal ku gal booqasho ah in aanay aadin makkah oo imika ay howlaha Xajku ka socdaan.
Maxaa dadka qaar u aadaan Xajka "fasax la'aan"?

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkastoo malaayiin Muslimiin ah ay u hiloobaan xajka sanad walba, kaliya laba milyan oo Muslimiin ah ayaa awood u leh inay xajiyaan hal sano gudaheed, maadaama Masjidka Xaramka uu qaadi karo tiradan marka loo eego tirakoobka rasmiga ah ee sanadkII 2022-ka.
Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, Tawfiiq Al-Rabiah, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Sacuudiga, in ilaa iyo dhammaadka bishaan June ay imaanayaan ilaa hal milyan iyo laba boqol oo kun oo xujey ah oo ka kala socda dalal kala duwan oo caalamka ah.
Si kastaba ha ahaatee, tirakoobyadan kuma jiraan tirada dadka ku soo galay qaab ka duwan habka-raacyada ay diyaariyeen mas’uuliyiinta Sacuudiga .
BBC-da, ayaa darseysa muuqaallo dhowr ah oo ay baraha bulshada ku faafiyeen dad u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanah Jordan iyo Masar , kuwaas oo ah tiro ka mid ah dadka xajka u tagay fasax la’aan oo ay xireen ciidamada ammaanka Sacuudiga islamarkana ay tarxiileen.
Waxa kale oo noo suurto gashay in aanu waraysi la yeellano tiro ka mid ah dadkii tallaabadan laga qaaday. dadka aan wareysanay ayaa door biday in ay adeegsadaan magacyo aan kuwooda ahayn iyaga oo amnigooda u baqaya.
Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Awqaafta ee Urdun ay bayaan ay soo saartay uga digtay muwaadiniinta “in ay ku hungoobaan ololeyaal been abuur ah iyo xayaysiisyo been abuur ah oo loogu sheegayo dadka in loogu hagaajinayo dal ku gal ay Xajka ku gudan karaan,” .
Sharciga Masar ayaa sidoo kale ku soo rogaya ganaax aan ka yareyn hal milyan oo gini oo u dhiganta $21,000 qofkii Sacuudiga ku galo safarro uu ku soo gudanayo waajibaadka Xajka islamarkana uu safarkaasi hareer marsan yahay hab-raaca Sacuudiga u dajiyay safarada xajka.
Xilli maamulka Sacuudiga ay dejinayaan shuruuc lagu qaabilo wufuudda xujeyda ah ee ka kala imaanaya dalal kala duwan oo caalamka ah ayaa waxaa jira sababo badan oo qaarkood ku riixaya in ay qaataan habab kala duwan oo ay ku gudanayaan waajibaadka xajka, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin arrimaha dhaqaalaha iyo da’da.
“Qiimaha xajku aad buu u badan yahay”, waana ta ku kaliftay Abdel Xamiid in uu xajka tago isaga oo aan haysan ogolaansho rasmi ah, maadaama uu sheegay in kharashka dalkiisa Masar uu ka badan karo 300,000 oo Pound oo u dhiganta ($6,300), halka qiimaha xajka ruqsad la'aanta ah uu yahay nus qiimahaan ah.

Sida laga soo xigtay Mu’asasada Qaranka ee Fududeynta Xajka, oo xiriir la leh Wasaaradda arrimaha Bulshada Masar, Barnaamijka Xajka dadka Dhulka ka gala ee ugu jaban sanadkan uu gaaray 191,000 Giniga Masar, una dhiganta ilaa 4,000 oo doollar, halka qiimaha dadka diyaaradaha ku taga Sacuudiga uu ahaa 226,000 Pound oo lacgta Masar ah.
Dalka Urdun, kharashka Xajku waa ilaa 3,000 Diinaar, oo u dhiganta ($4,200), halka kharashka xujayda "lagu tahriibiyo" - dal ku galka booqashada, uu yahay ilaa kun diinaar oo ah (qiyaastii 1,400 doollar.
Qiimahaan ayaa waxaa uu dad badan ku qasbaa in ay door bidaan in qaab dhulka ah ay ku galaan Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka.
Saber ee ah nin dhalinyaro ah oo reer Masar ah, dhibaatada hooyadii ma ahayn mid dhaqaale , waayo waxay isku dayday qiyaastii shan sano ka hor inay xajka ku tagto bakhtiyaanasiib, laakiin arrintaa ma dhicin.
Bakhtiyaanasiibka rasmiga ah ee Xajka dalka Masar ayaa ah mid ka jaban kan dalxiiska ee Xajka, maadaama uu ku bilaabanayo 150,000 Pound-ka Masar ah oo u dhiganta 3,150 doollar, oo aysan ku jirin tigidhada duulimaadka.
Saber waxa uu ka warramayaa sida ay hooyadii ugu hamuun qabtay xajka, waxanu yiri: “Hooyaday sannad kasta waxa ay shaashadaha ka daawataa xujeyda iyada ilmeysa mar kasta tiraahadana fursadii way iga luntay oo waxan doonayaa inaan xajiyo ka hor inta aan dhiman ,”.
Waxay arrintan aakhirkii ku kalliftay. in ay iyada iyo gabadheedabu ay raadsadaan fiisaha booqdahada si ay u soo gutaan waaibaadka Xajka.
Arrintu waxay ku sii adkaanaysaa dadka ku nool Sucuudiga, sida ay sheegtay Saciido, oo ah haweenay Masar u dhalatay oo halkaas ka shaqaysa, kuna wareertay kharashka ku baxa dib u cusboonaysiinta degenaanshaha, wiilkeeda iyo gabadheeda, kuwaas oo dib ugu laabtay Masar si ay u soo dhamaystaan waxbarashadooda, iyo kharashka fiisaha Xajka, maadaama ay sheegtay in kharashka dib-u-cusboonaysiinta degenaanshaha hal qof oo sannadkii uu gaarayo ugu yaraan $1,280, iyada oo aan la xusin kharashka fiisaha Xajka.
Si kastaba ha ahaatee, kharashka dhaqaale ma aha sababta oo kaliya ee ay dadka qaabka tahriibka Sacuudiga ugu soo galaan, balse waxa jirta sidoo kale arrinta da'da sida uu sheegay Muxamed oo74 sano jir ah.
Saciida oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in qarashka badan uu “ku qasbay inay khiyaamo sameyso” iyadoo wiilkeeda iyo gabadheeda u soo saartay fiisaha booqashada oo ay qiimo jaban ku bixineyso si ay u gutaan waajibaadka Xajka.
Wargeyska Okaz ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa bishii Febaraayo ee la soo dhaafay ka soo xigtay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada, in Kharashka ugu hooseeya ee Xajka ee dadka deggan iyo Muwaadiniinta uu yahay ilaa 4,000 Riyaalka Sacuudiga, una dhiganta Kun Dollar.
"Muxammad" wuxuu isku dayay lix sano ka hor inuu dal-ku-gal rasmi ah oo Xajka ah ka helo waddankiisa, Urdun, balse wuu ku guul-darreystay, isla sidaas oo kale ayaa xaaskiisii ku dhacday, markaasay waxay caawimo ka raadsadeen mid ka mid ah ololeyaashii guryaha ka dhistay xaafad u dhow magaalada Maka, iyagoo ku xiray shuruud ah inaanay ka bixin halkaasi muddo 26 maalmood ah, ilaataariikhda Xajka laga gaarayo la qabanayo.
Halka Cabdul Xamid uu sheegay inuu ka soo safray Masar oo uu Sucuudiga ku tagay fiisaha booqashada, oo uu Makka ka soo galay waddo aanay cidina wadin, balse waxa lagu qasbay in uu gebi ahaanba go’doon ku noqdo guri dabaq isagoo cabsi ka qabo in booliiska Sucuudigu ay xiraan.
Waxa uu BBC-da u sheegay: "Xitaa meesha aan joogo kama baxayo, mas'uulka halkan jooga ayaa wax walba oo aan u baahdo dibadda iiga keena."
Maaddaama hadda la adkeeyay nidaamka lagu galo magaalada Makka, rag badan ayaa billaabay in ay safraan iyaga oo aan xiran dhar ixraamka, sida aan ku aragnay baraha bulshada. Shareecada Islaamku waxay qabtaa in ragga looga baahan yahay inay xirtaan dharka “Ixraamka” oo ah dhar aan tolnayn, dhar cad, qofkii ku xad gudbana sabab kasta ha ahaatee waxaa laga rabaa inuu bixiyo “Kafaaro gud”. Dhanka dumarka, waxay xirtaan waxay doonaan.
Saciido oo xajka soo gudatay sanadkii hore, waxay sheegtay in ay bixisay lacag ay qoyskeeda ku keentay Makka si sharci darro ah, waxayna ku tiirsanayd dad ay garanayso oo deggan Makka.
Dhibaatooyiinka ay la kulmaan dadka qaabka sharcidarada ku xajiya

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Xujeyda sharcidarrada ku gala ma haystaan teendhooyin ay ku hoydaan, taasoo ka duwan xujayda caadiga ah, taas oo ku khasabta inay seexdaan masaajidda iyo waddooyinka iyada oo heerkulku uu gaaro 45 digrii sanadkan.
Haweeney ku nool halkaasi ayaa nala hadashay, iyadoo sheegtay in maamulka Sacuudigu ay magaalada Makka ku siiyaan basas lacag la’aan ah, balse mararka qaar ay si lama filaan ah u maraan goobaha ay booliiska dadka ku baaraan.
Cabdul Xamiid waxa uu sheegay inuu ka bilaabayo gudashada waajibaadka xajka, halkaas oo uu ka raaci doono bas kiro ah oo loo ogol yahay inuu galo goobaha barakeysan, si uu u dhexgalo dadka xajka ee caadiga ah isaga oo u sii maraya masuulka howshaan ka caawinaya waxaana ku baxaya lacag dhan 500 oo Riyaal oo ah lacgta Sucuudiga una dhiganta $130 oo doollar.













