Youtuber caan ah oo barankiyada sameeya oo loo doortay xildhibaan

Xigashada Sawirka, Reuters
Youtuber caan ah oo u dhashay jasiiradda Qubrus ayaa loo doortay xubin madax-banaan oo baarlamaanka Yurub ah.
Fidias Panayiotou waxa uu hore isku tilmaamay inuu yahay “xirfadle ah wax khaldan sameeya”, qaar ka mid ah barankiyada aadka la yaabaka u ah ee uu sameeyay waxaa ka mid ah inuu isku dayay inuu marxabeeyo ama uu laabta geliyo 100 qof oo caan ah – oo uu ku jiro Elon Musk. Waxyaabaha kale waxaa ka mid ah inuuuu toddobaad kujiray naxash.
Ninkan 24-jirkan waxaa bartiisa Youtube ku xiran in ka badan 2.6 milyan oo macaamiil ah. Inkastoo Fidias Panayiotou aanu lahayn khibrad siyaasadeed hadana waxa uu helay codadka qofka saddexaad ee ugu badan isagoo helay 19.4% boqolkiiba.
"Waxay ahayd naxdin waxa dhacayna waxay ahaayeen, mucjiso," ayuu yiri Mr Panayiotou.
Wuxa uu warbaahinta dowladda ee CyBC u sheegay: "Xisbiyadu waa inay digniin ahaan arrintan u qaataan oo ay is casriyeeyaan sidoo kalana dhegaystaan dadka."
Sannadkii hore Mr Panayiotou ayaa lagu qasbay inuu raaligelin bixiyo ka dib markii uu caro ka abuuray Japan muuqaal dhanka YouTube-ka ah oo uusan bixinin lacagta tareenka lagu raacayo iyo biilka quraacda ee hoteelka 5 weyn.
Muuqaalka, oo aad loo daawaday ayaa waxaa aragatiyo kala duwan ka dhiibtay malaayiin qof. Waxaana laga arkay isaga oo ku safraya guud ahaan Japan oo raacaya tareenka caanka ah ee sida rasaasta u sameysan, isaga oo ka fogaanaya inuu lacagta bixiyo iyo isaga oo ku dhuumanaya musqulaha oo iska dhigaya qof xanuunsan.

Xigashada Sawirka, Supplied
Laakin Axadii, waxa uu guusha uu gaaray ugu dabaal degay kulan ka dhacay fagaaraha Eleftheria ee caasimadda jasiirada Nicosia, halkaas oo uu ku yiri: "Waxaan galeynaa taariikhda. Ma ahan oo keliya Qubrus, laakiin caalamka oo dhan."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay Politico, Mr Panayiotou wuxuu ku dhawaaqay bishii Janaayo inuu u tartami doono doorashada.
Isagoo ka soo muuqday Telefishin Alpha Qubrus - halkaas oo uu soo xirtay labis dadka ka yaabiyay, oo ahaa surwaal gaaban, jaakad suudh ah iyo saddex garabaati - wuxuu qirtay inuusan waligiis codeynin, wax yar oo ku saabsan siyaasadda iyo Midowga Yurub uu ogyahay, laakiin in uusan sii wadi karin xukunka. "Nerds" ee Brussels.
Markii Mr Panayiotou uu gudbiyay musharaxnimadiisa bishii April, waxa uu qirtay in hadafkiisu aanu ahayn in la doorto balse uu ku dhiiri galinayo dhalinyarada si ay ugu biiraan siyaasada.
Jasiiradda Mediterranean-ka waxa ku nool dad gaadhaya 900,000, kuwaas oo in ka badan 683,000 oo ka mid ah loo diwaangeliyay inay ka qaybqaataan codbixintii dhammaadka todobaadka.
Dadka u soo baxay Qubrus ayaa wax yar ka hooseeyay 59% - ilaa 45% doorashadii 2019.
Marka loo eego falanqaynta xogta codbixinta ee ay samaysay shabakada wararka ee Philenews, Mr Panayiotou ayaa ku guulaystay 40% codadka dadka da'doodu u dhaxayso 18-24 iyo 28% codadka dadka da’doodu u dhaxeyso 25-34.
Lix xildhibaan oo reer Qubrus ah ayaa la doortay.
Mr Panayiotou ayaa kaalinta saddexaad ka galay xisbiga muxaafidka ah ee DISY (25%) kaas oo sii haystay labadiisii xildhibaan, iyo xisbiga shuuciga ah ee AKEL (22%) oo waayay mid ka mid ah labadiisii xildhibaan.
Codbixiyayaasha Qubrus waxay sidoo kale doorteen xubin ka tirsan baarlamaanka oo ka socda xisbiga ultranationalist ELAM (11%) iyo xisbiga dhexe Diko (10%).













