Sida ay qoyskan ugu dhacday labo geeri oo ka dhalatay youtuber la soo dhaweynayey

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Qoyskii ay ka baxday Allaha u raxmadee Kowsar Cabdi Sheexo oo ku dhimatay rasaas ay is waydaarsadeen ciidamo galbinayey Youtuber iyo kuwo diiddanaa in lagu soo dhaweeyo Garoowe ayaa BBC-da u sheegay inaysan ku qancin sida wax u dhaceen iyo tallaabada ugu dambayn lagu xalliyey xiisaddaas balse si nabadgalyada loo ilaaliyo ay dan bideen.
Cabdi Sheexo Cilmi Gurey oo ah aabbaha dhalay gabadha dhimatay ayaa xusay in sida wax ugu dhaceen barxadda Garoowe ay foolxumo ku ahayd dowladda iyo dadka deggan gobolka.
“Maalmo ka dib marxuumadda waa la aasay, waxaana sidaa u samaynay inaysan wax ka wayn dhicin oo ammaanka waxyeello gaarto. Way ku adkayd qoyska sida wax u dhaceen kuma qanacsanayn sida lo maareeyey laakiin qaab siyaasad ahaan ayaa laga eegay balse waxaan aakhirkii u aragnay inay sidaan xalka tahay oo dan ayaan bidnay,” ayuu yiri Sheexo.
Kowsar ayaa ku geeriyootay israsaaseyn toddobaddii bishan ku dhexmartay ciidamo gelbinayay YouTuber iyo kuwa kasoo horjeeday gudaha magaalada Garoowe. YouTuber ayaa lagu heystaa in uu horey ugu gefay siyaasiiyiin kasoo jeeda magaalada.
Guddiga amniga ee gobolka Nugaal ayaa mucaaradka Puntland ku eedeeyey inuu ka danbeeyey rabshadda ka dhacaday magaalada, iyagoo dhankooda mucaaradku ay dowladda ku dhaleeceeyeen inay si siyaasadaysan u adeegsatay ninkan baraha bulshada caanka ah.
Afar cisho ayey xiisadi ka taagnayd aaska marxuumadda ka dib markii qoyskeedu diideen in la aaso inta la aqoonsanayo cida riday rasaasta gabadhoodu ku dhimatay.
Cabdi Sheexo Cilmi waxaa uu BBC-d-da u xaqiijiyey in mid ka mida murashaxiinta Puntand uu qaaday bixinta magta marxuumadda muddo bil gudaheeda si looga fogaado isku dhacyo kale oo dhacdaas ka dhasha.
Allaha u naxariistee marxuumada ayaa ifka ugu tagtay saddex wiil iyadoo xilligii rasaastu haleeleysay ku sugnayd barxadda Garoowe halkaas oo dhacdadu ka dhacday.
Geerida labaad ee qoyska ku dhacday

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoyska waxaa kalo oo ku dhacday geeri kale oo ka dhalatay dhimashada Kowsar taas oo ahayd in gabar kale oo ay habar wadaag yihiin oo lagu magacaabo Iqro Cabdirisaaq Aadan ay naxdinta geerida walaasheed owgeed ugu dhimatay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
“Iqro waxay ahayd qof xanuunka sonkorta qabta markii ay maqashay geerida walaasheed Kowsar ayey koomo gashay 72-saacadood ka dibna waa geeriyootay marka waxay ahayd laba geeri oo qoyskeena xanuun weyn gaarsiyey” ayuu intaas raaciyey Cabdi Sheexo.
Sheexo aayaa sheegay in dowlada aysan qaadin wax talaabo ah oo danbiilayaasha wax looga qabanayo marka laga reebo liis magacyo ah oo ay sii daayeen guddiga nabad galyada ee gobolka Nugaal.
Guddiga ayaa magacaabay ilaa lix ruux oo ay xuseen inay ahaayeen kuwa riday xabadda ay ku geeriyootay Kowsar kuwa kalana dhaawacyo ay ka soo gaareen.
Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland ayaa dhankooda ka hadlay iska hor imadkii Garowe kuna tilmaamay mas'uuliyad darro weyn in muwaadiniin ay u dhintaan si micno darro ah.
Sidee ayey wax u dhaceen

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Sida ay saraakiisha dowladu sheegeen rab hubaysan ayaa Talaadadii fuulay dabaq ku yaala bartamaha magaalada Garoowe gaar ahaan agagaarka barxada si ay u hor istaagan Kabtan Ayuub oo ah youtubter caan ka ah baraha bulshada kaas oo doonayey in dad taageersani ku soo dhaweeyaan magaalada.
Ciidamo la socday ninkan ayey rasaas i waydaar sadeen taas oo ay ka dhalatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Dowladda ayaa ku eedeysay mucaaradka inay ciidamo hubaysan ku dhex haystaan Garoowe oo ay ku khalkhal galinayaan ammaanka sida uu xusay taliyah ciidanka booliska S/guuto Muumin Cabdi Shire
“Waxaan qaadaynaa tallaabo kasta oo an awoodno si aan ugu hortagno inaysan falalka liddiga ku ah ammaanka u dhicin sida dhacdadii lagu dilay gabadhii miskiinta ahayd oo an waxb galabsan mana oggolaanayno in ammaanka la khalkhal galiyo” ayuu yiri Taliye Muumin.













