Yaa ka dambeeyay iska hor imaadka Garowe ee khasaaraha dhaliyay?

Xigashada Sawirka, Puntland TV
Xaalada Magaalada Garoowe ayaa hadda deggan kadib markii maanta uu ka dhacay iska hor imaad dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay ciidamo la sheegay in ay la socdeen nin Youtuber ah oo lagu magacaabo Kabtan Ayuub iyo rag kale oo hubeysnaa.
Iska hor imaadka oo ka dhacay Barxadda Garoowe ayaa la sheegay inay ku ku dhinta hal qof laba kalana ay ku dhaawacmeen.
Maamulka gobolka Nugaal oo BBC-da la hadashay ayaa dhacdadaas ku eedeeyay dad uu ku sheegay inay yihiin xilal doon hase yeeshee mucaaradku way iska fogeeyeen in arrintaa ay ku lug lahaayeen.
“Baraxadda Garowe ayaa waxaa maanta ka dhacay xoogahaa is rasaaseyn ah, dhisamasho iyo dhaawacna waa jiraan niman shufto ah oo shoobaristeyaal ah ayaa arinkaas sameeyay oo u madda oo dhan ay garaneyso, ilaa xalay iyo maantana nabad doonadana waa ku jireen waana u maarawaayeen, ” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da.
Dhanka kale guddoomiyaha ayaa tibaaxay in sababta dhacdada ay ka dambeyso ka dib markii ciidankii booliska ee waardiyeeynayay barxadda iyo niman “shufta ah” oo dabaq saaran ay yirahdeen Kabtan Ayuub ma istaagi karo barxadda sidaasna ay xabbadaha ku bilaabeen.

Xigashada Sawirka, Facebook
Dhinaca kale mucaaradka oo ay BBC-da la hadashay ayaa gaashaanka u daruuray eedeynta guddoomiyaha ee ah in dhacadada ay ka dambeeyeen niman xilal doon ah.
“Arrintaan wax qeyb aanu ku leenahay ma jirto mana jirto sabab allaale iyo sabab aanu uga mid noqon karno ma jirto, dadka magaalada ayaanu kala mid ahayn oo waxaanu maqalnay sanqarta xabadda,” Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Dhoore.
“Waa niman taageersan aragtida dowladda shalayna ka soo horjeeday aragtidooduna xor u ah cidda ay doonaan taageeri karaan, sabab aan kaga soo horjeedsannaa, ula diri karno u dhaawici karno ma jirto, waxaanu nahay baritoole dadka dalka xukumaya, dadku waa noo siman yihiin mid naga fikir duwan iyo midaan isku aragti nahayba, midda kale mucaaradka Garowe oo keliya ma joogo, Baran buu joogaa Qardho buu joogaa Boosaaso buu joogaa marka haddii ay diiddan yihiin soo dhaweynta Kabtan Ayuub meelaha kaleba waa ku diidi lahaayeen marka anaga dalad mucaarad ah baanu nahay marka sabab aan ku diidno dad dhalinyaro ah oo dadkooda soo dhaweeynayaan ma jirto,” ayuu Cabdiraxmaan Maxamed.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maamulka gobolka Nugaal ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay mucaaradka u diidan yihiin in ninkan Garowe loogu soo dhaweeyo ay tahay inuu horay muucaaradka baraha bulshada wax u sheegay.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in hadda ninkan loo baacsanaya mar buu Facebook wax ii sheegay ayna taas dowladda ka shaqeynin hase yeeshee Cabdiraxmaan ayaa eedeeyntaas ganafka ku dhuftay.
Horayna waan u sheegay mucaaradka meel walba oo uu soo maray wuu joogaa, tan labaad ninka na dhaliila ama wax naga sheega ma ah inaan ka hortageyno hadaanu wax ka sheegeyno horay baanu uga jawaabi lahayn dhaleeceyntii uu na dhaleeceeyay, inagaa wax ka oran lahayn, inanku waa nin dhalinyaro ah oo xor u ah in dadkiisii iyo dalkiisii la joogo marka ma jitrto sabab aanu irahno qofkii na dhaliilayay xabad baanu ku rideynaa. Arrintan dolwaddan oo xilligeedi dhammaad yahay oo laga kari la’yahay dooarasho qabo ayaa marmarsiyo ka dhiganeysa waxaan maqli jiray habar dhali weyday allaylehe ku waalatay, annaga waxaan shaqo kuma lihin.
Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Puntland oo dhanka kale ka hadashay iska hor imaadka Garowe ayaa sheegtay inay masuuliyad darro weyn ah in muwaadiniinta reer Puuntland u dhintaan si micno darro ah.
“Waxaa foolxumo iyo masuu'liyad darro weyn ah in muwaadiniinta reer Puuntland u dhintaan si micno darro ah iyadoo laga baaqsan karo falalka liddiga ku ah amniga iyo badqabka muwaadiniinta. Falkii maanta ka dhacay caasumada Puntland ee Garowe wuxuu ahaa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna Dallada Bulshada Rayidka ka digaysaa ku xad gudubka xuquuqda iyo sharafta dadweynaha, iyadoo waajib ay tahay in lala xisaabtamo falalka gurracan cidda masuuliyadeeda leh.”













