Maxaa ka jira in xalay ay haweeney ilmo yar oo ninkeedu dhalay ku gubtay Hargeysa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa ku baahay baraha bulshada war sheegaya in haweeneey ay ku gubtay ilmo yar gudaha magaalada Hargeysa, kadib markii la baahiyay muuqaal laga duubay afaafka hore ee hoyga ay ka dagan tahay haweeneydaas magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Haweeneydaan ayay sheegeen qaar kamid ah dadkii muuqaalka baahiyay inay gubtay ilmaha oo uu dhalay seygeeda.
Arrintaan ayaa waxaa soo fara galiayay booliska Somaliland, iyaga oo booqday halkii la sheegay inay dhacdadu ka dhacday.
Balse waxaan ogaanay wax ka duwan xogtii lagu baahiyay baraha bulshada ee ku saabsaneed haweeneyda iyo dhacdadaba.

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Sidee wax u dhaceen?
Sida ay BBC u sheegeen booliska Somaliland, gaar ahaan qaybta ka hawlgasha magaalada Hargeysa, xalay waxaa xaafadda gantaalaha ee magaalada Hargeysa ka dhacay dhacdo ku saabsan ilmo dad ku gubtay. Da' ahaan waxay boolisku sheegeen inay la kulmeen wiil jira dhawr iyo toban sano oo la sheegay inuu gubtay.
Boolisku waxay sheegeen inay baaritaan sameeyeen iyaga oo kaa shanaya goobjoogayaal ku sugnaa xaafada, sidoo kalana wareysi la yeeshay aabaha dhalay wiilka iyo haweeneyda uu qabo ee lagu eedeeyay falkaan.
Xogta ku saabsan gubashada wiilka ayay sheegen in markii hore uu soo gaarsiiyay aabaha dhalay wiilka oo ku eedeeyay xaaskiisa inay ka dambeysay.
Balse baaritaan ay sameeyeen ka dib waxay sheegeen boolisku inay gaareen natiijo kale, taas oo ah in wiilku uu ku gubtay dab ay ku ciyaarayeen isaga iyo wiilal kale oo ay isku da' ahaayeen.
Sidoo kale boolisku wuxuu noo sheegay in aabaha wiilku uu qirtay in uu xog qaldan soo gaarsiiyay booliska, balse uu dib ka ogaaday xaqiiqada.
Sida ay boooliska BBC u sheegeen dhawaac fudud ayaa soo gaaray ilmaha yar, qoyskiisu geeyeen isbitaal, si looga dabiibo gubashada soo gaartay, sacado koban oo uu kujiray kadibna isbitaalka ayaa laga soo saaray, wuxuuna hadda dib loogu soo celiyay gurigiisa.
Dhanka kale haweeneyda ayaa boolisku sheegeen inay goor dhaw dhashay ilmo yar, sidaas daraadeedna ay ku sugan tahay gurigeedii.
Haweeneyda ayaan isku daynay marar badan inaan la xariirno, balse waxaa naloo sheegay inaysan haatan hadli karin.

Xigashada Sawirka, Booliska Somaliland
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kiisaska nuucaan ee ah la xariira qoysaska ayaa ah kuwa marar kala duwan laga soo tabiyay magaalada Hargeysa, balse mararka qaar ayay noqdaan kuwa culus oo ku lug leh dambiyo halis ah.
Bishii la soo dhaafay ciidanka dab damiska jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa howlgal ay fuliyeen waxa ay suuli kagasoo saareen ilmo yar oo la sheegay in hooyadii dhashay ay tuurtay.
Xaafadda Cabeeye ee magaalada Hargeysa oo ah halka ay dhacdadu ka dhacday ayaa waxaa inta badan ku nool dad aan soomaali ahayn oo kasoo safray dalal kale.
Ciidanka Dab demiska Hargeysa oo helay wicitaanka deg dega ah ayaa durba gaaray guriga lagasoo tebiyay dhacdada iyagoo ay u suura gashay in soo saaraan ilmaha yar balse nasiib darro xilligaasi ilmuhu muusan nooleyn maadama uu saacado suuliga ku jiray.
Mid kamida shaqaalaha ka hawlgala xafiiska warbaahinta ayaa yiri, “Waxaanu warka ka helnay waxaa lala soo xiriiray lambarka gurmadka degdega ah ee 990 oo ay la soo xiriireen dadka deriska la’ah guriga ay wax ka dheceen, intaa kadiba ciidamada Dabdemisku waxay si degdeg ah ku tageen goobta, isla markaana ay bilaabeen hawlgalka”.
Caruurta musqulaha lagu rido ayaan iyaduna ahayn mid ugu ku ah Hargeysa. Dabdamiska ayaa sheegay in in badan ay soo noqnoqotay oo ciidamada Dabdemisku la kulmeen iyadoo ciidamadu caruuro musqulo lagu riday iyagoo nool ka soo saaray xiliyo hore.
Booliska Somaliland iyo maxkamadaha ayaa si joogta ah ula falgala bil walba kiisaska la xiriira qoysaska.













