Waa tuma kalkaalisada dishay todobo caruur ah ee ku durtay sunta?

Xigashada Sawirka, SWNS
Maalinkii Jimcaha ayaa Lucy Letby lagu helay dambiga ah inay dishay todobo caruur ah, xilli ay ka shaqaynaysay isbitaal ku yaalla dalka Ingiriiska.Taas oo ka dhigaysa dilaagii ugu darnaa ee caruurta xilligaan casriga ah.
Sidoo kale haweeneydaan 33 jirka ah ayaa lagu eedeeyay isku day dil oo ay kula kacday lix caruur ah, iyada oo ka shaqayneysay isbitaalka Countess of Chester intii u dhaxaysay bishii June 2015 kii ilaa bishii June 2016 kii. Letby ayaa si ula kac ah aaryo ku dartay caruurta, qaarkood ku qasabtay caano, halka laba cunugna ay ku sumeysay insulin.
Kalkaalisada ayaa diiday inay dhagaysato xukunkii laga soo saaray dacwadaheda kaas oo soo maray dhagaysiyo kala duwan.
Eedeysanaha ayaa lagu waayay siku day di lee laba caruur ah oo kale.
Intii lagu guda jiray kiiskeda oo soo bilowday sanadkii 2022 kii ayaa dacwad oogayaashu waxay ku tilmaameen Letby inay tahay qof qalooc badan oo fursad gaad ah, taas oo marin hababisay dadkii ay wada shaqaynayeen si ay u qariso falalkeeda qaarijinta ah. .
Haweeneyda ayaa la xukumay kadib laba sano oo baaritaan ay wadeen booliska Cheshire kadib markii ay ka war heleen kororka dhimashada iyo xaaladaha dhimashada u dhaw ee caruurta taas oo aan wax sharraxaad ah laga bixin.
Hanaanka maxkamadeynta kalkaalisadaan ayaa qaata muddo toban bilood ah, kaas oo la aaminsan yahay inuu yahay kiiskii ugu mudada dheeraa ee maxkamadaha Ingiriiska.

Xigashada Sawirka, CHESHIRE POLICE
Waa tuma Lucy Letby?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bilowgii maxkamadda Letby waxay iska diiday guud ahaan 22 kii eedeymo ee loo soo jeediyay.
Si ay u gaaraan go’aankooda ayaa xeerbeegti ka kooban todobo haween ah iyo afar rag ah waxay ka Shireen kiiska muddo 110 saacadood ah kadib markii ay horay usoo dhagaysteen cadeymo fajaciso ah oo la soo bandhigayay toban bilood.
Balse maxaynu ka naqaanaa haweeneydaan dishay caruurtii lagu aaminay inay xanaaneyso kuwana ay ka badbaadeen?
Letby waxaa la dhalay afartii Janaayo 1990 kii, waxayna ku barbaartay Hereford oo ku taalla England. Waxay la soo kortay hooyadeed iyo aabaheed oo lagu kala magacaabo John iyo Susan, kuwaas oo goobjoog ka noqday Oktoobartii la soo dhaafay dacwada iyo eedeymaha loo haysto gabadhooda.
Waxay ka tagtay koleej kadib markii ay dhamaysay dugsiga sare iyada oo xulatay barashada maadooyin ay isleheed waxay ka caawinayaan inay gaarto hiigsigeeda iyo himiladeeda.
“Mar walba ayaan jeclaa inaan caruur la shaqeeyo” ayay Letby u sheegtay qaaliga, iyada oo intaas ku dartay inay dooratay maadada ka caawin leheed inay hesho xirfadaas.
Waxay ahayd qofka kaliye ee jaamacad ka aaday qoyskeeda, iyada oo kalkaalisonimo ka baratay jaamacadda Chester muddo saddex sano ah.
Intii ay waxbarashada ku jirtay marar badan ayay fursado shaqo barad ah heshay. Waxaa ugu badnaa kuwa ay ka heshay isbitaalka Countess of Chester.
Waxay noqotay kalkaaliso buuxda bishii September ee sandkii 2011kii iyada oo shaqo saacado dhamaystiran ah ka bilowday isbitaalka bishii janaayo ee 2012 ii, ka hor inta aan loo gudbin qaybta xanaaneynta ballaaran balaaran ee caruurta sanadkii 2015 kii.
Letby waxay u sheegtay maxkmadda in wixii xilligaas ka dambeeyay ay u badnayd xanaaneynta caruurta aadka u xanuunsan ee qaybtaas la keeno.
Sidoo kale waxay sheegtay in ay hagtay shan ilaa lix ardey kalkaaliyenimo baranayay, sidoo kalana ay si xanaano leh u haysay boqolaal caruur dhalatay ah intii lagu guda jiray sanadihii 2015 kii ilaa 2016 kii.












