Maxaad ka taqaan kiniisaddii mar ugu weyned Afrika ee ku taallay Soomaaliya?

Kinisad
Qoraalka sawirka, Kinisadda Muqdisho

Kinisadda waxay ka mid aheyd astaamaha magaalada lagu aqoonsado marka dusha laga sawiro.

Kinisadii caanka aheyd ee Soomaaliya, Mogadishu Cathedral, waxaa magaalada laga dhisay sanadkii 1928-kii, waxayna aheyd tii ugu weyn qaaradda Afrika balse wixii ka dmabeeyay 1991-kii markii ay dhacday dowladii dhexe waxaa soo gaaray burbur weyn.

Baadarigii ugu dambeeyay kiinsaddu laheyd waxaa la oran jiray Salvatore Colombo kaas oo la dilay 1989-kii xilli uu kinisadda dhexdeeda khudbad ka jeedinay.

Baadari Colombo oo 66 jir ahaa markii la dilay waxaa lagu aasay Muqdisho. Dagaalkii sokeeye markii uu dhacay kaddib ayaa qof soo bixiyay meydkiisa wuxuu kala baxay dahabkii ku xirnaa ilkahiisa. Lafihii ka haray meydkiisa waxaa markii dambe la geeyay oo dib loogu aasay magaalada Milan ee Talyaaniga.

Dilka baadari Colombo wa mid aan weli la xalin. Mana jirin baadari kale oo isaga ka dambeeyay oo loo soo magcaabay kiinsadda.

Kinisad

Xigashada Sawirka, bbc

Maxaa keenay Soomaaliya in Kinisad laga dhiso

Kinisadda waxaa naqshadeeda sameeyay Antonio Vandone oo ahaa injineer naqshadaha kaas oo u dhashay talka talyaaniga.

Soomaaliya waxay aheyd dal Muslim oo gumeysi aan Islaam aheyn uu xoog ku yimid. In kinisad laga dhisana waxay ka dambeysay amar uu bixiay Cesare Maria De Vecchi oo ahaa ninkii xukumayay goboladii koonfureed ee Soomaaliya ee Talyaanigu uu haystay ee Italian Somaliland.

Ujeedkiisu wuxuu ahaa sidii uu sare ugu qaadi lahaa diinta Masiixiga. Cesare Maria wuxuu doonayay in dad badan oo Soomaali ah ay qaataan diinta Masiixiga. Si loo helo taas wuxuu dhisay kinisad aad u weyn taas oo loo ekeysiiyay kuwii ku yaalay Talyaaniga gaar ahaa Sicily.

Dad gaaraya 8,500 oo diinta masiixiga aaminsanaa ayaa ku noolaa soomaaliya 1950-kii.

Askartii Taylaaniga ee guursaday Soomaalida waxay keentay in ay kordhaan dadka waalidkod Soomaali iyo Talyaaniga yahay ee diinta Masiixiga aaminsan.

Kaddib markii uu hoos u dhacay saameyntii uu Talyaniga ku lahaa Soomaaliya bartamihii qarnigii 20-aad waxay keentay taas in ay hoos u dhaceen dadkii Masixiigi ahaa ee Soomaaliya ku noolaa.

Kinisadda ayaa mar aheyd astaan minaaradaheeda ay ka muuqdaan Muqdisho balse markii ay burburtay waxay deegaan u noqotay barakacayaal.

Qorshooyin la doonayo in lagu dayactiro kinisada aya soo baxay sanadkii 2013-kii balse ma jiraan wax dib u dhis ah oo laga bilaabay