Masiixiyiin quraanka ku jeexjeexayay dal muslim ah dhexdiis iyo falcelin ka dhalatay

Xigashada Sawirka, Reuters
Kumanaan Muslimiin ah oo ku nool dalka Pakistan ayaa dab qabadsiiyay kaniisado iyo guryo ay lahaayeen dadka masixiyiinta ah, kadib markii ay sheegeen in labo nin ay u gafeen qur’aanka Kariimka ah , sida ay booliisku sheegeen.
Weerarada ayaa ka dhacay deegaanka Jaranwala ee gobolka bariga Punjab.
Warka ka soo baxay booliska ayaa intaa ku darayaa in ilaa afar kaniisadood la gubay, halka dadka deegaanka ay sheegeen in illlaa ku dhawaad dhismayaal toban gaadhaya oo ka ag dhawaa kaniisadahadaas ay waxyeelo soo gaadhay.
Boqolaal boolis iyo ciidamo dheeraad ah ayaa la soo dhoobay gobolka Punjab ee dalka Pakistaan kaddib markii gubitaanku baahay, halka sida oo kalena la soo sheegayo in la dhacay guryo bada.
Rabshadaha ayaa ka dhashay eedeymo loo jeediyay labo nin oo masiixiyiin ah oo lagu eedeeyay in ay fal xun kula kaceen quraanka kariinka magaalada Jaranwala.
Ra'iisul wasaaraha ku meel gaadhka ah ee Pakistan, Anwar ul Haq, ayaa dhalleeceeyay qalalaasahaas, wuxuuna ku baaqay in tallaabo adag laga qaado kuwa falkan geystay.
Tobaneeyo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay booliisku xabsiga u taxaabeen.
Guddiga Xuquuqul Insaanka ee dalka Pakistan ayaa sheegay in maamulka gobolka uu ku guul darreystay inuu ilaaliyo dadka laga tirada badan yahay, kolka ay tahay dhanka diimaha.

Xigashada Sawirka, Pakistan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Rueters Booliiska dalka Pakistaan ayaa waxa ay dacwad ku soo oogeen labo nin oo masiixiyin ah oo lagu eedeeyay in ay bogag ka mid ah kitaabka quraanka kariimka ay jeexjeexeen islamarkana ku qoren erayo aflagaado ah.
Muuqaallo la soo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad mudaaharaadaya oo burburinaya dhismayaal masiixiyiin ah halka booliisku ay u muuqdaan kuwo daawanaya.
Dadka dhibaatada geystay ayaa u badnaa dad ka tirsan xisbi siyaasadeedka Islaamiga ah oo lagu magacaabo Tehreek-e-Labbaik Pakistan (TLP), sida ilo ka tirsan dowladda ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
TLP ayaa diiday inay wax lug ah ku lahayd hawlahaas.
Baadariga lagu magacabo Azad Marshall, oo ku sugan magaalada Lahore, ayaa sheegay in bulshada Masiixiyiinta ay "aad uga xanuunsadeen oo ay ka murugoodeen" dhacdooyinkaAS.
Aflagaadada iyo gefka loo geysto diimaha ayaa dalkaasi qofka lagu helaa uu la kulmi kulmaa ciqaab adag oo gaadhsiisan heer uu ku muteysanay karo dil.
Ma jirto cid waligeed loo dilay arrintan, balse tobanaan qof oo lagu eedeeyay inay diinta islamka u gafeen ayaa waxaa dilay dad careysan oo iskuood isu abaabulay.













