Kalkaaliso sii dhimaneysa ayaa walaasheed ku tiri: "raadkeyga soo raac"

Areema Nasreen iyo Kazeema Afzal

Xigashada Sawirka, Kazeema Afzal

Kalkaaliso caafimaad oo lagu magacaabo Areema Nasreen ayaa waxay ka mid ahayd shaqaalaha ugu da'da yaraa ee NHS ee u dhintay coronavirus. Ku dhowaad hal sano ayaa ka soo wareegatay geerida Areema, balse walaasheed ayaa ka hadlaysa sida ereyadii Areema ee ugu dambeeyay ay u beddeleen nolosheeda.

Markii ugu dambeysay ee Kazeema Afzal ay aragto walaasheed oo nool, waxaa loo diyaarinayay in loo gudbiyo qeybta la dhigo bukaannada qalabka neefsashada caawiyo lagu xidho ee isbitaalka. Waxay iyadoo la xanuunsan Covid-19 ku jirtay isbitaalkii ay iyada iyo walaasheed kasoo shaqeynayeen ilaa markii ay dhowr iyo toban jir ahaayeen.

"Waxay ii haatisay gacanta, waxayna igu tiri waan ku jeclahay,"

Balse Areema oo 36 jir ahayd waxay rabtay in fariintii ugu dambaysay ay u dirto walaasheed, iyada oo u sheegtay dhakhaatiirtii qolka kula sugnayd.

"Waxay tiri, "walaashay.... waxaad isku daydaa inaad dadaashid. Waxaan rabaa inaad raadkayga raacdo,"

Kazeema waxay sheegtay in "erayadaas ayey ahaayeen kuwii ugu dambeeyey ee ay walaasheed tiraahdo."

Labaduba waxay ahaayeen kuwo aan kala maarmin, waxayna ku soo koreen deegaanka Walsall, oo ka tirsan West Midlands, halkaas oo ay halkaas ku wehlisay walaashood ka yar Ash.

Areema waxay saddex sano oo kaliya ka weyneyd Kazeema, laakiin "waxay noo ahayd sida hooyo oo kale," ayay tiri.

"Hooyaday way ogayd inay aadi karto wadan kale, sidaas darteed Areema ayaa booskeeda noo buuxin jirtay."

Noloshoodu waxay u egtahay midba midka kale. Markii Areema iyo Kazeema ay weli dhallinyarada ahaayeen, waxay u safreen Baakistaan ​​halkaas oo qoysaskoodu ugu qorsheeyeen guur.

Areema Nasreen iyo Kazeema Afzal

Xigashada Sawirka, Kazeema Afzal

Arooskooda hal maalin ayuu dhacay iyagoo kala guursaday labo wiil oo walaalo ah, waxayna si wada jir ah u noolaayeen muddo lix bilood ah. "Si wadajir ah ayaannu usoo wada kornay," ayay tiri Kazeema. "Markii aannu guursannay horay dhakhso ayaan ilmo u dhalnay."

Gabdhahaan walaalaha ah waxay mid kasta dhashay 3 caruur ah oo xitaa canugoodii ugu dambeeyay hal maaliin ayay wada dhaleen.

Labadooduba waxay jeclaayeen inay shaqeeyaan. Markii ay Areema billowday shaqo ay ka heshay isbitaalka ku yaalla magaaladooda ee lagu magacaabo Manor sanadkii 2003 xilli ay 19 jir ahayd, walaasheedna durba raadkeeda ayey soo raacday.

Gabdha weyn waxay mar kasta riyadeeda ahayd inay mar uun noqoto kalkaaliso caafimaad, nasiib wanaag iyadoo taageero ka heleysa ninkeeda Fasil Tahseen waxay noqotay qofkii ugu horreeyay qoyskeeda oo jaamacad ku biira. Sannadkii 2019-kii, waxay noqotay kalkaaliso.

Areema Nasreen and her husband Fasil Tahseen

Xigashada Sawirka, .

Riyadeedii way u rumowday, ayay tiri Kazeema oo dumaashigeed ku ammaantay sida uu xaaskiisa ugu caawiyay inay ka mira dhaliso hadafkeedii kalkaalisonimo.

Gabadh reer Aaasiya ah oo guurkeeda ka dib wax barata way adagtahay balse ninkeeda ayaa caawinayay ilaa intii ay jaamacadda ka baxaysay.

Areema aad ayay ugu soo baxday shaqada kalkaalisonimo, sababtoo ah waxay ahayd qof aad u qalbi jilisan. Walaasheed ayaa sheegtay in mar kasta ay reerkooda oo deggan Pakistan caawin jirtay oo ay lacag u diri jirtay. "Haddii uu qof u baahdo biyo way usoo iibin jirtay."

Areema waxay caan ka ahayd isbitalka qeybta AMU. Waxay halkaas ka shaqeyneeysay muddo 3 bilood ah markii ay bilaabeysay inay ka sheegato dhabar xanuun.

"Weligeed horay uma xanuunsan, ayay tiri Kazeema. Marka ay tiraahdo aad baan u daallanahay waxaanu u malayn jirnay inay aad u shaqeysay uun. ka dib waxaa dhacday inay qufac bilowdo."

Areema

Xigashada Sawirka, Kazeema Afzal

Waxay ahayd bishii Maarso 2020-kii, xilligaasi oo aanaan wax badan ka ogeyn calaamadaha Covid-19. Areema waxay sii wadatay shaqdeeda iyadoo fileysa inay iska caafimaadi doonto.

"Shaqadii ugu dambeeyay ee ay gasho waxay ahayd markii ugu darnayd," ayay tiri walaasheed. "Waxaan u sheegnay inay guriga aaddo balse waxay doonaysay inay iska sii joogto. Neefsashada ayaa dhibeysay."

Markii xanuunkeeda uu ka sii daray, qoyskeeda waxay u direen ambalaas. Natijada baaritaan labo maalmood qaatay ka dib waxaa soo baxday wixii ay ka baqayeen.

"Waxay iisoo dirtay farriin ah inuu ku dhacay Covid-19." Areema waxay ku sii jirtay isbitaalka. Maalmo yar ka dib xaaladdeeda ayaa ka sii dartay, waxaa loo sii gudbiyay qeybta daryeelka deg-degga ah ee ICU."

Kazeema waxay markiiba u carartay dhanka isbitaalka oo aan sidaa uga fogeyn.

"Waan kufay intii aan ordayay oo jug ayaa isoo gaartay laakin orodkaygii maan joojin." ayay tiri

Labada gabdhood ayaa wada joogay ilaa Areema lagu xiro qalabka neefsashada.

The text messages from Areema to her sister

Xigashada Sawirka, Kazeema Afzal

Qoraalka sawirka, Kazeema waxay baraha bulshada soo dhigtay farriimihii ugu dambeeyay ee ay walaasheed isdhaafsadeen

Markii ugu horreysay ee lagu xiray qalabka neefsashada waxay u muuqatay inay soo roonaaneyso. Balse markii dabe xaaladdeeda way ka sii dartay.

"Markiiba waxaa isoo dhacay taleefoon, waxaana la igu yiri waanu ka xunahay- anna waxaan ku iri ma waxaad ii sheegi rabtaan inay walaashey dhimaneyso?'

"Waxay dhimatay iyadoo ku jirta laabta seeygeeda."

Kazeema ayaa sheegtay inaysan la yaabin hadalladii ugu dambeeyay ee walaasheed. "Waan ogaa, inay dhihi doonto sidaasi, sababtoo ah waxay ahayd qof dadka kale mudnaanta koobaad siiya oo ka fakara."

Labada gabdhood ee walaalaha ah waxay marar badan ka wada hadleen sidii walaashood ka yar ay u raaci laahyd raadkooda.

Balse iyadu wax rajo ah kama lahayn arrintaas maadaama aysan wali dhameyeynin shahaadada dugsiga sare ee GCSEs.

"Waxaan ku oran jiray 'ma gaari karo heerkaas, aniga sidaas dhan uma xafiirsani' markaas ayey i dhihi jirtay 'maya maya waad gaari kartaa'"

Erayadaasi waxay noqdeen kuwo aan maskaxdeeda ka bixin tan iyo xilligaas. Inkastoo xanuunka geerida walaasheed uu dhaawac u geystay maskaxdeeda haddana Kazeema waxay ku dhiirratay inay noqoto kaalkaaliso caafimaad weliba qeybtii ay Areema ka shaqeyneysay.

Areema Nasreen

Xigashada Sawirka, Kazeema Afzal

Toddobadkan, waxay machadka Walsall ka bilaabeysaa tababar caafimaad oo waddada u xaari doona inay noqoto kalkaaliso dhameystiran.

Deeq waxbarasho ayaa loo sameeyay xusuusta Areema, si loogu maal geliyo shahaadada kalkaalinta caafimaad ee loogu talagalay qof ku haminaya xirfad ku saabsan daryeelka caafimaadka laakiin aan awoodin kharashka ku baxaayo waxbarashada. Qofka ugu horreeya ee hela ayaa dhawaan lagu dhawaaqi doonaa.

"Magaca Areema wuu sii noolaanayaa", ayay tiri Kazeema. Waxay mar walba jeclayd inay noqoto kalkaaliso caafimaad waana ku faraxn nahay dhamaanteen.