Corona Fayras; Maxaa ka jira in dhimasho uusan sababin Corona Fayras ay aad ugu badatay Nigeria?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Nigeria ayaa baaritaan ku sameysay caabasho ay shacabka soo gudbiyeen oo ku saabsan dhimasho aad ugu badatay dalkaas, taasoo la sheegayo inuusan sabab u ahayn Corona Fayras.
Arrintan ayaa laga soo tabiyay gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaas ee Jigawa.
Dowladda gobolkaas ayaa khubaro caafimaad oo ka kooban shan dhakhtar u dirtay halkaas si ay xog uga soo gudbiyaan ka hor inta uusan dhammaanin isbuucan.
Warbixin ay guddigaas soo saareen maanta ayey ku sheegeen inay wax caddeyn ah u waayeen sare u kac ku yimid tirada dhimashada ee gobolka Jigawa, sidaas awgeedna aysan taageeri karin sheegashada ka timid dhinaca shacabka.
Khubaradan ayaa baaritaan u kuurgalid ah kasoo sameeyay magaalada Hadeja.
Madaxa kooxda baaritaanka sameysay ayaa sheegay in 92 ruux ay ku geeriyoodeen siddeed maalmood gudahood, taasoo qeyrul caadi ah.
Natiijada baaritaanka ayaan meesha looga saarin in dhimashada uu sabab u yahay xanuunka Corona Fayras, maadaama aad dadkaas badankood baaritaan lagu sameynin.
Maxay tahay qeylo dhaanta?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dadka deegaanka ayaa si weyn uga cawday xaddiga dhimashada oo aad sare ugu kacay xaafadaha qaar.
Dhakhaatiirta ku sugan Jigawa ayaa markii hore sheegay in dadka intooda badan ay halkaas ugu dhintaan xanuunnada kala ah neefta, sokorowga iyo dhiig-karka.
Kooxda baaritaanka loo diray, oo uu ka mid ahaa wakiil ka socda Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxay diiradda saarayeen inay ogaadaan waxa keenayay dhimashada iyo inuu Corona Fayras sabab u yahay.
Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta ee Jigawa, Nura Basirka, ayaa sheegay inuu walaac soo food saaray kaddib markii 16 ka mid ah dhakhaatiirta gobolka uu soo ritay Corona Fayras, sidaas darteedna uu dhammaan xubnaha ururka ku amray inay cudurka iska baaraan.
Ilaa hadda gobolkaas waxaa si rasmi ah looga soo tabiyay 39 kiis oo corona ah iyo hal dhimasho oo ka timid xanuunkaas.
Guud ahaan Nigeria waxaa laga helay 3,000 oo kiis, tirada ugu badanna waxaa heysata magaalada Lagos.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda Nigeria dabcisay xayiraaddii ay kusoo rogtay magaalooyinka waaweyn ee waddanka, taasoo horseedday in dib loo billaabo dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga dalka ugu dhaqaalaha badan qaaradda Afrika.
Hase ahaatee ururka dhakhaatiirta ayaa tallaabada dowladda ku qeexay "mid aan laga fiirsanin".
Magaalada ganacsiga hoyga u ah ee Lagos, waxaa laga dareemayaa in saxmadda gaadiidka aysan badneyn, taasoo muujineysa in dad badan ay wali guryaha isku celinayaan.
Isbuucii lasoo dhaafay, madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa sheegay in go'aannada xayiraadda ay sababeen "hoos u dhac dhaqaale oo baaxad leh".
Xayiraadda Nigeria ayaa lagu dhawaaqay shan isbuuc ka hor, iyadoo ujeeddadu ahayd si cudurka loo xakameeyo.












