Dal Muslim ah oo sanadkan celiyay qoondadiisa Xajka

Xigashada Sawirka, Reuters
Markii ugu horreysay muddo 75 sano ah, dalka Pakistan ayaan sanadkan Sacuudiga u celinaya qeyb kamid ah tirada looga qoondeeyay Xajka.
Wasaaradda diinta ee Pakistan ayaa xaqiijisay in sideed kun oo sanadkan looga qoondeeyay Xajka ay dib u celisay kadib markii la waayay dad diyaar u ah in ay soo gutaan tiirka kamid ah tiirarka Islaamka.
Sababta ugu weyn ee ay Muslimiinta Pakistan u awoodi la’ yihiin Xajka sanadkan ayaa lagu sheegay dhaqaalo xumida baahsan ee ka jirta dalkaas, gaar ahaan sicir bararka xooggan.
“Tallaabadan lagu joojiyay Xajka sanadkan ayaa looga gol leeyahay in Pakistan ay u baaqato lacag dhan 24 milyan oo dollar oo ay xukuumadda ku kabto Xujeyda,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan wasaaradda diinta ee dalkaas.
Pakistan ayaa sanado badan ka codsanaysay Boqortooyada Sacuudiga in loo badiyo tirada Xujeyda loo qoondeeyo, maadaama ay ka mid tahay dalalka ugu dadka badan dunida Islaamka.
Sacuudiga ayaa sanadkan Pakistan siiyay tiro ka badan intii uu u qoondeyn jiray waayihii hore, waxaana la filayaa in haatan tiradaas ay Islamabad celisay loo wareejin doono waddamo kale.
Pakistan ayaa sanadkan la siiyay 179,000 Xujey ah, waxaana tiradaas si siman u qeybsada dowladda iyo shirkadaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhaqaalo xumida Pakistan
Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa kala shaqeynaysa xukuumadda Pakistan hannaan lagu baritaarayo dhaqaalaheeda, kaaso ku kordhin doona qaanta lagu leeyahay.
Lacagta dalkaas ee loo yaqaan Pakistan rupee ayaa kamid ah kuwa ugu qiimaha hooseeya caalamka marka la eego sanadkan 2023.
Heerka sicir bararka Pakistan ayaa bishii April ahaa 36.4%, oo ah kan ugu sarreeya Koonfurta Aasiya. Shacabka ayaa awoodi la’ waxyaabaha muhiimka u ah noolashooda.
Dowladda Pakistan ayaa sanadkan u baahan 284 milyan oo dollar si ay u kabto Xujeyda dalkeeda, hase yeeshee waxa ay wasaaradda maaliyadu sheegtay in ay heli karto keliya 90 milyan oo dollar, sida u uku warramay wargeyska Gulf News.

Xigashada Sawirka, AFP
Lacagta sanadkan ka bixi doonto qofka ka soo xajinaya Pakistan ayaa lagu sheegay 4,300 oo dollar, taasoo 75% ka badan tii sanadkii hore. Sababta ayaa lagu sheegay qiimo dhaca ku yimid lacagta dalkaas.
Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in sanadkan uu Xajka noqon doono mid caadi ah, kadib markii sanadihii la soo dhaafay loo baajiyay ama la yareeyay tirada Xujeyda maadaama uu jiray xanuunka Covid-19.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa waddamada caalamka u qeybisa tirada Xujeyda, iyadoo loo eegayo Muslimiinta ku nool dal kasta.













