Puntland oo faahfaahisay goobaha lagu beegsaday duqeymaha cirka ee uu amray Trump

Xigashada Sawirka, HCAP
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in uu bixiyay amarka cirka looga duqeeyay sarkaal weerarrada qorsheeya iyo kuwo kale oo ka tirsan kooxda IS ee Soomaaliya.
"Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa", ayuu Madaxweyne Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
"Weerarka waxaa lagu burburiyay gododkii ay ku noolaayeen, waxaana la dilay argagixiso badan kuwaas oo aan marna dhibaateyn doonin shacabka."
Dhanka kale, qoraal uu soo dhigay barta X xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyay weerarka Mareykanka ee lagu beegsaday hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda IS ee qeybaha waqooyi ee dalka.
Maamulka Puntland ayaa dhankooda sheegay inay ugu mahadcelinayaan saaxiibbada caalamiga ee Soomaaliya sida ay u garab istaageen dagaalka ay kula jiraan kooxdaasi.
Ciidamada Puntland ayaa horey guulo ugu sheegtay inay ka gaareen dagaalkaas oo sida uu sheegay madaxweynaha Puntland galay wajigiisa labaad iyadoo wajiga kowaad ee dagaalku uu socday muddo ku dhow bil.
Puntland ayaa wajigii koowaad ee dagaalka sheegtay inay Daacish ka qabsadeen dhul ballaaran oo ay kaga sugnaayeen buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari ayna ka qabsadeen fariisimo ay ku lahaayeen aagagaasi.
Goobaha duqayntu ka dhacday

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Warfaafinta Puntland
Sida uu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, goobo muhiim ah ayuu sheegay in duqaynta dhanka cirka ee Maraykanku fuliyey ay haleeshay bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen kooxda Daacish.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaa ku daray in xogta wali la aruurinayo basle la isku raacsanahay in labo iyo tobban gooobood la duqeeyey oo ku yaalla buuraha Cal-miskaad.
'Meelaha la duqeeyey ayaa kala ah, Godka Illinma-Yare, oo ku yaalla Rasa baqo, godka ceel- baxay oo ku yaalla Raq-raq, Casaasa oo Sheebaab ka tirsan, saddex god oo ku yaalla meesha la dhaho Dhasaam, god ku yaalla meesha la dhaho Geel ma qaade, god madow meesh ala yiraahdo oo Curaar ku yaalla Dandamale, god ku yalla Aasaas, waxa kale oo la duqeeyey Goomashe oo Curaar ku yaalla, waa 12 goobood intaasi waa la xaqiiyey in hollacu ka kacay meelahaasi," ayuu BBC-da u sheegay wasiirka Caydiid Dirir
Wasiir Caydiid ma xaqiijin tirada dadka lagu dilay duqayntaasi, basle wuxuu sheegay in dhibaato badan ay gaartay kooxdaasi. Sidaas oo kale ma jiro war ka soo baxay Maraykanka oo looga hadlay khasaaraha ay gaysteen duqaymaha ay ka fuliyeen Buuraha Cal-miskaad.
''Waxaa kale oo la sheegayaa in duqayntu markii ay ka joogsatay wixii noolaaday inay meelo kale u baxsanayeen oo ka sii cararayeen," ayuu intaas raaciyey Caydiid Dirir.
Wasiir Caydiid, wuxuu sidoo kale sheegay in duqayntii lala eegtay kooxda Daacish ay tahay mid dhaawacaysa.
''Mooraal ahaan waa dhaawacaysaa, qalab ahaanna waa dhaawacday, iyadoo awalba dhulka inta ilaa 300km laga saaray oo laga adkaaday dad badana laga laayey tani meeshay ku ururreen oo la filay in dagaal ka dhaci karo haddii cirka laga duqeyey oo saadkii laga burburiyey oo dhulkii ay ku gabanayeen la burburiyey, dhibaato weyn baa gaarta halis weyn ayey gaarsiisay," ayuu intaasi raaciyey.
Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin ilaa hadda cid rayid ah oo wax ku noqotay duqayntaasi sidoo kalana dadka rayidka horrey loo siiyey wacyi galin inay ka fogaadaan goobaha dagaalada ka socdaan.
Wax ka ogow Daacishta Soomaaliya iyo xilliga la asaasay

Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda IS amaba Daacish ayaa dunida caan ka noqotay sanadihii 2010meeyadii, gaar ahaanna gudaha dalalka Ciraaq iyo Suuriya, balse haatan wuxuu joogitaankeedu ku badan yahay qeybo ka mid ah Afrika.
Laanta Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii 2015 aasaasay koox ka goosatay al-Shabaabta gacan-saarka la leh al-Qaacida - kuwaasoo ah kooxda jihaad-doonka ugu weyn ee Soomaaliya ka jirta.
Daacishta Soomaaliya ku sugan waa kuwo aad u daran oo bulshada dhac u geysata inta badanna fulisa weerarro yar oo aan joogto ahayn, sida laga soo xigtay Xafiiska Mareykanka ee Agaasimaha Sirdoonka Qaranka.
Ciidamada Mareykanka ayaa dilay hoggaamiyihii IS, Bilal al-Sudani, iyo 10 kale iyagoo ku jiray god buuralley ah oo waqooyiga Soomaaliya ah sanadkii 2023, kadib howlgal uu amray madaxweynihii xilka ka degay ee Mareykanka Joe Biden.













