Maxay salka ku haysaa xurgufta ka dhex qaraxday Elon Musk iyo Ilhaan Cumar

Ilhan iyo Musk

Elon Musk ayaa maalmahan aad u dhalleecaynayey Ilhaan Cumar oo Koongareeska Maraykanka ku metesha Minnesota kana tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, asal ahaan Soomaali-Ameerikaan ah, ka dib sida uu sheegay Elon markii ay talooyin siisay muhaajiriinta sharci-darrada ah.

Talooyinkaas oo uu sheegay inay ku saabsan yihiin sida ay dadkaasi uga fogaan lahaayeen baadhitaanka ICE (Hay'adda Socdaalka iyo Caddaaladda).

Musk, oo ah milyaneer iyo saaxiibka "koowaad" ee dowladda, ayaa baraha bulshada ee X (hore Twitter) ku baahiyey muuqaal muujinaya hadal ay jeedinayso Ilhan oo meel gaar ah kula hadlaysa dad Soomaali ah, iyada oo u sheegaysa qaabkii ay 'uga baxsan lahaayeen sharciga muhaajiriinta aan sharciyeysnayn" waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ilhaan Cumar, oo 42 jir ah, ayaa u sheegtay sida uu muujinayo muuqaalka Musk, Soomaalida aan waraaqaha sharciga ah haysan ama kuwa aan hadda si sharci ah aan u joogin dalkaas in ay qaadaan tallaabooyin gaar ah haddii ay la kulmaan saraakiisha ICE.

"Waxaan u sheegayaa dadka Soomaalida ah in haddii ICE ay isku daydo inay su'aalo ku weydiiyaan, aanay waajib kugu ahayn inaad ka jawaabto su'aalahooda. Kaliya sheeg in aad la talin sharci haysato oo aanad ka jawaabi karin," ayay tidhi Omar sida muuqaalkaas oo afsoomaali ahaa, laguna turmay Ingiriisi.

"Shaacinta magacaaga, xaaladaada socdaalka, iyo sida aad ku gashay dalka ma aha waajib. Baro sharciga oo naftaada diyaari, kana taxaddir inaad siiso macluumaad aadan rabin inay ogaadaan," ayay tidhi.

Ilhaan

Xigashada Sawirka, ilhan Omar/ Facebok

Musk ayaa muuqaalkaas oo uu qof kale soo baahiyey isaguna asxaabtiisa la wadaagay, isagoo ku qoray "Waxay jebinaysaa sharciga. Si cad oo toos ah."

Ilhaan oo iyana dhankeeda ka jawaab celisay, ayaa sheegtay in muuqaalka uu Musk la wadaagay uu yahay mid wax laga bedbeddelay, waxayna ku adkeysatay inay wax qalad ah aysan sameyn.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Hey, Elon. Qof kasta oo dalka joogaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ogaado xuquuqdiisa. Tani waa sharci," ayay mar kale ugu soo jawaabtay.

"Waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay kaabid aqooneed oo dhanka sharciyadeena ah, iyadoo la tixgelinayo inaad jebinayso si aad u xaddo xogta xasaasiga ah ee Ameerikaanka. Farriin Gaar ah. Muuqaalkani waa la tafatiray, aniguna xafladdaas ma joogin" ayey qoraalkeeda ku tiri Ilhaan Cumar.

Muuqaalkan soo baxday ayaa sababay in xildhibaan Brandon Gill oo laga soo doorto Texas uu ku baaqo in Ilhan Omar la celiyo, isagoo sheegay in aan "waligeed loo oggolaanin inay dalka soo gasho."

Gill, oo ah 30 jir iyo xildhibaan ka socda gobolka Texas ee xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku yidhi barta X: "Ameerika waxay noqon lahayd meel wanaagsan haddii @IlhanMN dib loogu celiyo Soomaaliya."

Ilhaan, oo dalka Maraykanka ku soo gashay 1995-kii iyadoo qaxooti ah, ayaa noqotay muwaadinad sharci ah markii ay 17 jir ahayd 2000-kii. Waxay ka mid tahay xildhibaanada gobolka Minnesota tan iyo Janaayo 3, 2019.

Muranadii u dhaxeeyay Trump iyo ilhaan

Ilhan iyo Trump

Xigashada Sawirka, .

Markii uu dalka Mareykanka madaxwayne ka ahaa doorkii hore Donald Trump ayaa waxaa marar badan dhex maray iyada iyo Trump muran dhanka afka ah.

Xildhibaan Ilhaan ayaa si wayn u dhaliili jirtay siyaasadaha madaxwayne Trump.

Markii la dhaariyay lhaan Cumar waxay farta ku fiiqday arrimo ay ka mid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Madaxweyne Trump ayaa bishii April ee 2019 boggiisa Tweetarka ku qoray 'hadal jeejees ah' oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar.

Xilli uu jeedinayay khudbad ayaa ka hor inta uusan billaabin waxaa uu yiri 'Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa'iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa'iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa.

Madaxwayne Trump ayaa mar waxaa uu Ilhan Cumar ugu baaqay inay iscasisho ama ay isaga baxdo guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Kongres-ka.

Ilhaan ayaa ugu jawaabtay "Waxaad la timid naceyb waligaaba kuugu jirtay oo aad u qabto Yuhuuda, Muslimiinta, muhaajiriinta, dadka madowga iyo dadka loogu yimid Mareykanka, waxaan wax ka bartay dad hadalkeygu uu nolashooda saameeyay ee adigu gormaad wax ka baran?". Sidaasi waxaa barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhaan Cumar.