Dhacdooyinkii muranka dhaliyay ee ay ku lug lahayd Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo ak tirsan Congreska Mareykanka

Xigashada Sawirka, ILHAN OMAR/FACEBOOK

Ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray xilli ay ka qeyb galayeen mudaaharaad ay ku taageerayeen xuquuqda ilmo iska soo rididda kaasi oo ka dhacay Washington DC.

Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa dadka lagu xiray xilli ay dibadbax ka dhigayeen meel u dhaw Maxkamadda Sare.

Qoraal ay barteeda Tweetar-ka soo dhigtay ayay Ilhaan ku xaqiijisay xarigeeda. "Maanta waxa la i xiray aniga oo ka qayb qaadanaya dibadbax shacab," ayay Ilhaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Tweerar-ka. Ma aha markii ugu horreysay oo ilhaan Cumar ay ku lug yeelato muran dhanka siyaasadda ee Mareykanka. Tan iyo intii ay siyaasadda Mareykanka ku soo biirtay waxay Ilhaan noqtay mid si wayn looga hadal hayo dalka Mareykanka iyada oo ku lug yeelatay arrimo muran badan dhaliyay.

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonaa 5 arrin oo ay ku lug lahayd Ilhaan Cumar.

Muranka ka dhashay mowqifkeeda Israa'iil

Bishii June ee sanaddii 2021 ayaa waxa ay Ilhaan Cumar si kulul u weerartay xukuumadda Israa'iil iyo waliba Mareykanka.

Ilhaan ayaa si kulul uga hadashay weerarada ay dadka ku dhintaan ee ay Israa'iil ka geysato Daanta Galbeed iyo waliba kuwa uu Mareykanka ka gaystay qaar ka mid ah dalalka Islaamka.

Xilligaasi waxay barteeda Twitterka ku soo qortay "waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israa'iil, Afgaanistaan, iyo Taaliban." "Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo caddaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha," ayay qortay, xilli ay su'aalo waydiinaysa Xoghayaha Arimaha Dibada Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga guddiga Aqalka Wakiilada.

Hadalkeeda ayaa xilligaas ku soo beegmay todobaadyo uun kadib markii dagaalkii u dhaxeeyay Xamas iyo Israa'iil lagu soo afjaray xabad joojin. Hadalka xildhibaan Ilhaan ayaa waxaa ka dhashay muran badan islamarkana waxaa u jawaabay qaar ka mid ah xubna ay ka wada tirsan yihiin aqalka Congreska oo iyagu ka carooday in ay israa'iil iyo Mareykanka la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamaas. .

Sannadkii 2019-kii, waxay sidoo kale Ilhaan raalli-galin ka bixisay hadal ay sheegtay oo ahaa in siyaasiyiinta u janjeera Israa;iil ay lacag sabab u tahay taageeradooda Israa'iil.

Ilhaan Cumar oo ak tirsan Congreska Mareykanka

Xigashada Sawirka, ILHAN OMAR/FACEBOOK

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Booqashadii Ilhaan ee Pakistan

Ilhaan ayaa bishii April ee sanadkan booqasho ku tagtay gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan ka maamusho. Laakiin arrintan ayaa qabsatay warbaahinta kaddib markii ay caro ka muujisay dowladda Hindiya.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa dhankeeda sheegtay xilligaasi inaysan ka warqabin booqashada Ilhaan ee Pakisan.

Mid ka mid ah la taliyeyaasha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, Derek Sholet, ayaa yiri, "Tani waa booqashdeeda aan rasmiga ahayn.

Marka la eego isbeddelka ku yimid siyaasadda dowladda Mareykanka, booqashadeedu wax shaqo ah kuma lahan siyaasaddeenna midna."

Maalmo kaddib, xildhibaanad kale oo Aqalka ku matasha xisbiga Jamhuuriga, Marjorie Taylor Greene, ayaa Ilhaan Cumar ku tilmaantay "Jihaad Doon".

Markii ay Pakistan tagtay waxa ay la kulantay Ra'iisul Wasaaraha dalkaas Shahbaz Sharif, Madaxweyne Arif Alvi iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Waxa ay sidoo kale durbadiiba la kulantay Ra'iisul Wasaarihii xilka laga qaaday ee waddankaas, Imran Khan.

Arinta booqashadeeda Pakistaan ayaa waxaa ka dhashay muran badan gudaha dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar

Xigashada Sawirka, ILHAN OMAR/FACEBOOK

Muranadii u dhaxeeyay Trump iyo ilhaan

Markii uu dalka Mareykanka madaxwayne ka ahaa Donold Trump ayaa waxaa marar badan dhex maray iyada iyo Trump muran dhanka afka ah.

Xildhibaan Ilhaan ayaa si wayn u dhaliili jirtay siyaasadaha madaxwayne Trump.

Markii la dhaariyay lhaan Cumar waxay farta ku fiiqday arrimo ay kamid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Madaxweyne Trump ayaa bishii April ee 2019 boggiisa Tweetarka ku qoray 'hadal jeejees ah' oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar.

Xilli uu jeedinayay khudbad ayaa ka hor inta uusan billaabin waxaa uu yiri 'Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa'iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa'iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa.

Madaxwayne Trump ayaa mar waxaa uu Ilhan Cumar ugu baaqay inay iscasisho ama ay isaga baxdo guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Kongres-ka.

Ilhaan ayaa ugu jawaabtay "Waxaad la timid naceyb waligaaba kuugu jirtay oo aad u qabto Yuhuuda, Muslimiinta, muhaajiriinta, dadka madowga iyo dadka loogu yimid Mareykanka, waxaan wax ka bartay dad hadalkeygu uu noolashoodu saameeyay ee adigu gormaad wax ka baran?". Sidaasi waxaa barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhaan Cumar.

Trump iyo Ilhaan

Xigashada Sawirka, JP

March 24, 2019: Ilhaan Cumar iyo weerarradii 9/11

 Ilhaan Cumar waxay ka qeyb-qaadatay xaflad lacag loogu ururinaayay Muslimiinta Losels, halkaas oo laga dhigay dibedbaxyo looga soo horjeedo.

Dibedbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay "hal-ku-dhagyo ay ka mid ahaayeen "Ilhaaney Naarta gal".

Hasayeeshee, arrinta aad loo hadal hayay ayaa ahayd khudbaddii ay goobtaas ka jeedisay.

Waxay sheegtay in Muslimiinta loola dhaqmo muwaadiniin darajada labaad ah sababtana ay tahay "dad baa horey wax u sameeyay".

Trump wuxuu soo qaatay muqaalka Ilhaan Cumar oo hadleysa, wuxuuna ku dhex-daray muuqaal kale oo ku saabsan weerarkii 9/11.

Wuxuu hadalka Ilhaan Cumar u fasiray inay yareysanayso weerarradaasi, taasi oo sababtay in Ilhaan Cumar loogu hanjabayo dil.

Ilhaan Cumar iyo howlgalkii ay Milatariga Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 1993-kii.

Warbixin cusub oo lasoo saaray sanadkii 2019-kii ayaa muujineysa in Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeyn culus oo ku saabsan inay buunbuunisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay howlgalkii ay Milatariga Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 1993-kii.

Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha loo yaqaanno Black Hawk ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabay "Black Hawk Down", oo laga malatay sida ay wax u dhacayeen.

Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo "kumannaan", sida ay qortay warbaahinta Fox News.