Dhegeyso: Ilhaan Cumar oo quus ka muujisay amarrada Trump ee soo galootiga

Qoraalka Codka, Trump ayaa hore u ballan-qaaday in musaafurinta soo galootiga ay u noqon doonto waxa ugu horreeya ee uu ahmiyad siinayo

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa waxaa uu saxiixay amarro fulineed oo la xiriira socdaalka iyo muhaajiriinta, kuwaas oo shacabka Mareykanka ay ku kala aragti duwan yihiin.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka oo wareysi gaar ah siisay BBC-da, ayaa dhaliishay arrimaha la xiriira musaafurinta muhaajiriinta, inkastoo ay quus ka muujisay ka hortaggeeda.

Dhanka kale, waxay Ilhaan sheegtay inay diyaar u tahay la shaqeynta madaxweynaha, haddii uu ka shaqeynayo danaha shacabka.

Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga Ilhaan oo faahfaahsan: