Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga oo baaritaan lagu sameynayo kadib markii la sii daayay sarkaal Liibiyaan ah oo lagu eedeeyay dembiyo dagaal

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in la geliyay baaritaanno dhanka garsoorka ah oo ku saabsan sida la yaabka leheed ee Talyaanigu u sii daayay muwaadin Liibiyaan ah oo loo raadinayay dambiyo dagaal oo uu gaystay kaasi oo ay doondooneysay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.
Farriin muuqaal ah oo lagu faafiyay baraha bulshada Talaadadii, Meloni waxa ay ku sheegtay in ay dacwad oogayaashu uga shakiyeen in caawin dhaqaale ay ka gaystay sii deynta ninkaan.
Osama Najim oo sidoo kale loo yaqaan Almasri - waa madaxa booliiska garsoorka Liibiya iyo agaasimaha xarun xabsi oo ku taal Mitiga, oo u dhow Tripoli.
Mr Najim waxaa lagu xiray Talyaaniga 21-kii Janaayo waxaana si lama filaan ah loo sii daayay maalmo ka dib "sababo farsamo oo sharci ah awgeed", wasaaradda arrimaha gudaha Talyaaniga ayaa sidaa sheegtay.
Maxkamada ICC oo sheegtay inaan lagala tashan ayaa si deg deg ah u soo saartay amar kale oo lagu soo xirayo Mr Najim, waxayna ka dalbatay madaxda Talyaaniga inay sharaxaad ka bixiyaan.
Muuqaalka ay soo duubtay Meloni waxay ku sheegtay in maxkamadda racfaanka ee Rome ay sii deysay Mr Najim sababtoo ah waaranka ICC-da looma dirin wasaaradda caddaaladda ee Talyaaniga.
"Markaas, si aan loogu sii dayn dhulka Talyaaniga, waxaan go'aansannay inaan ka saarno oo aan isla markiiba ku celinno waddankiisii, annaga oo duullimaad gaar ah ku qaadnay," ayay tiri Meloni.
Todobaadki hore, wasiirka cadaalada Carlo Nordio ayaa sheegay in Mr Najim loo eryay "khatarta" uu keenay awgeed - faallo ay ku jees jeeseen mucaaradka.
Go'aanka lagu sii daayay Mr Najim waxaa si weyn u dhaleeceeyay mucaaradka iyo hay'adaha sida Amnesty International, oo sheegtay in Mr Najim uu galay dambiga "xadgudubyo argagax leh oo uu geystay oo aan si buuxda loogu ciqaabin".
Muuqaallo muujinaya dad aad u faraxsan oo soo dhaweynaya Mr Najim markii uu ka soo degay diyaarad ay leedahay dowladda Talyaaniga oo ku sugan Tripoli ayaa dhaliyay buuq gaar ah.

Xigashada Sawirka, @MarcoFattorini /X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Meloni waxay sheegtay in wasiirka arrimaha gudaha Matteo Piantedosi iyo wasiir ku xigeenka arrimaha sirdoonka, Alfredo Mantovano, iyagana la geliyay baaritaan. In baaris lagu sameeyo Talyaaniga macnaheedu maaha in eedaymaha rasmiga ahi ay qasab tahay inay lagu helo.
Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga, ayaa muujisay caro, iyadoo tilmaantay in tallaabadaan baaritaanka ah laga leeyahay arrimo siyaasadeed.
Waxay tilmaamtay qareenka gudbiyay cabashada ee Luigi Li Gotti, inuu ahaa siyaasi hore oo garabka bidix ah, halka dacwad oogaha hogaaminaya kiiska, Francesco Lo Voi, uu dhowaan baaray ra'iisul wasaare ku xigeenka Matteo Salvini arrin aan la xiriirin.
Meloni ayaa muuqaalka ay baahisay ku sheegtay in aan la cabsi gelin karin".
"Tani waxay noqon kartaa sababta aaney iigu jeclayn kuwa aan doonayn in Talyaanigu isbeddelo oo uu horumariyo," ayay tiri. "Laakiin taasi waa sababta aan u doonayo in aan ku sii socdo wadada aan hayo ilaalinta Talyaaniga, gaar ahaan marka amniga qaranka uu halis ku jiro, madaxa kor loo qaado iyada oo aan cabsi lahayn."
Matteo Renzi oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Italy Alive oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee cambaareeyay sii deynta Mr Najim - ayaa sheegay in uu dareemayo in Meloni ay "ka faa'iidaysanayso" baaritaanka si ay "u quudiso dhibbanaha caadiga ah".
Giorgia Meloni, oo ah hoggaamiyaha xisbiga midigta fog, ee kasoo horjeeda soogalootiga ee Brothers of Italy, ayaa hogaaminaysay isbahaysiga garabka midig ee talada Talyaaniga haya tan iyo 2022-kii.
Waxa ay marar badan wacad ku martay in ay wax ka qaban doonto dadka soo galootiga ah,waxana ay balan qaaday in ay joojin doonto doomaha dadka u daad gureeya dalka Taliyaaniga ee ka imaanaya Waqooyiga Afrika,iyada oo wacad ku martay in ay joojin doonto safarada sharci darada ah iyo ka ganacsiga dadka.
Meloni, si la mid ah madaxdii kale ee iyada ka horreysay, waxay la shaqeysay maamulka Liibiya iyo maleeshiyaad, iyadoo siin jirtay taageero maaliyadeed iyo mid farsamo oo hoos timaada heshiisyada muranka dhaliyay ee wax looga qabanayo socdaalka sharci darrada ah, oo ay ku jiraan tababarka iyo maalgelinta ilaalada xeebaha Liibiya ee ka hortaga doomaha muhaajiriinta.













