Beel Soomaaliyeed oo go'aan ka qaadatay masaafaysiga gabdhaha

Xigashada Sawirka, Ayaanle Cabdullaahi Jaamac
- Author, Hassan Omar Osman
- Role, Weriye BBC
Mid ka ka mid ah beelaha deggan degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, ayaa mamnuucday in gabdhahooda la masaafaysto isla markaana wiilasha beeshaasi ay sidoo kale gabdhaha beelaha kale masaafaystaan.
Odayaasha, wax-garadka iyo qaybaha bulshada beesha go'aanka soo saartay ayaa sheegay in guurka aan lagu xirin karin waxyaabo qofku aanu awoodin oo qorigu ka mid yahay, kaasoo inta badan caado u ah qaybo ka tirsan bulshada Soomaalida ah.
Go'aanka ayaa loo sababeeyay in beeshu ay dooratay ku dhaqanka shareecada islaamka, iyadoo aan lagu barxeynin caadooyin iyo xeerar soo jireen ah oo beeshu u aragtay in laga haboon yahay marka loo eego saameynta ay mararka qaarkood ku yeeshaan aasaaska qoyska.
Maxaa ku kalifay beesha in ay mamnuucdo masaafada?

Xigashada Sawirka, Ayaanle Cabdullaahi Jaamac
Masaafadu wax cusub maaha oo waa arrin soo jireen ah hase-yeeshee beesha go'aanka qaadatay ayaa dooddoodu tahay in muddo ay ku taamayeen in tallaabadaan ay qaadaan, taasoo ay ugu daneynayaan bulshada.
"Waxyaabo badan oo cillado ah ayaa keenay, marka koowaad, walaayada cidbaa iska leh, sharciguna wuxuu oggol yahay in gabadha waligeeda la waydiisto," ayuu yiri Cabdirisaaq Cabdille Cigaal (Guduudow) oo ka mid ah odayaasha go'aanka soo saaray.
Cabdirisaaq Cabdille Cigaal Guduudow, ayaa intaasi ku daray in sidoo kale masaafadu ay tahay in gabar iyo nin ajanabi kala ah ay is raacayaan, ku dhawaad boqol kiiloo mitir, taasina ay tahay mid aan sax ahayn. Qodobbada kale ee go'aanka kalifay waxaa ka mid ah in gabadhii ay la mid tahay wax la dhacay ama la "xaday" maadaama, iyadoon qoyskeedii ogeyn qof iska wadanayo, taasoo culeys ku ah dadka mas'uulka ka ah oo waalidiinteedu ugu horreeyaan.
"Gabadha cidbaa mas'uul ka ah oo guriga dhinacna kama aadi karto, haddii waalidkeed joogo iyagaa mas'uuliyadeeda leh," ayuu yiri nabadoon Cabdirisaaq.
Isagoo sii sharraxaya waxyaabaha sababay ama keenay go'aankaan ayuu sheegay nabadoon Cabdirisaaq in ay sidoo kale u cuskadeen in dadka qaar ee gabdhaha la baxsanaya aaney aqoon u lahayn guurka, shuruudihiisa, iyo mas'uuliyaadka muhiimka u ah dhismaha qoyska.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maadaama hadda beel ka mid ah beelaha dega magaalada Ballanballe ay arrintaan ku dhaqaaqeen ayaa BBC-du waydiisay Cabdirisaaq Cabdille Cigaal Guduudow, su'aal la xiriirtay in beelaha kale ay go'aankaan la qaateen iyo iyaga oo kaliya uu ku eg yahay.
"Go'aanka waxa hadda gaaray waa hal beel laakiin waxaa lagu cadeeyay warka la soo saaray in gabar beesha ah aan lala bixi karin, wiil beesha ahna aanu la bixi karin gabar beel kale".
Si looga hortago ficilladaas ayaa waxgaradka beeshu soo saareen bayaan ay ku joojinayaan masaafada gabdhaha, iyagoo dhanka kale bulshada ku booriyay in qofkii guur doonaya uu gabdha waydiisto dadka iska leh mas'uuliyadeeda ama waligeeda ah.
Cabdirisaaq Cabdille Cigaal Guduudow, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay gogol u dhigayaan beelaha kale ee ku dhaqan degmada Balanballe si ay ugu dhiiro galiyaan in arrintaan ay la qaataan, haddii ay taasi dhacdana rajadu waxaa ay tahay in la gaarsiiyo magaalooyin badan sida Xeraale, Dhuusamareeb, Caabduwaaq, Guriceel iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
"Waxaan rabnaa in dadka deegaanka aan u soo bandhigno arrintaan, markaan qaadanana waxaan rabnaa in aan u gudbino dadka deriska nala ah, ayuu yiri Gaduudow.
Tallaabada laga qaadayo ciddii jabisa qoddobada la soo saaray

Xigashada Sawirka, Facebook
Waxyaabaha lagu dhaqaaqayo haddii cidi jabiso arrintaan oo tusaale ahaan gabar la masaafaysto, waxaa ka mid ah in gabadha dib loo mehrinayo, iyadoo laga doonayo qoyska gabadha.
Maadaama beeshu isku raacday in lagu dhaqmo shareecada Islaamka, wax walba oo lagu dhaqaaqo isla markaana jabinaya qodobbada lagu heshiiyay waxaa loo fiirin doonaa oo lagu saleyn doonaa waxa diintu ay ka qabto, taasoo lagu dhaqaaqyo sida uu BBC-da u sheegay Nabadoon Gaduudow.
Ganaax ayaa isna jiri doona lagu ridayo ciddii sameysa wax heshiis jabin ah hase-yeeshee lama carrabaabin ganaaxaasi waxa iyo nooca uu noqonayo.
Dhaqan galka go'aanka
Dhaqan galka tallaabadaan ayaa beeshu u aragtaa mid muhiim ah marka loo eego ujeedka laga leeyahay ee ah in meesha laga saaro dhaqamo iyo caadooyin dhibaato ku ah dhismaha reeraha. Nabadoon Cabdirisaaq Cabdille Cigaal Guduudow, ayaa qaba in dadku boqolkiiba boqol ay hirgalinayaan arrintaan maadama lagu dhaqmayo shareecada Islaamka dadkuna yihiin Muslimiin.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in gabdhaha la masaafaysto uu ku baxo qarash fara badan oo culeys ku ah ragga gabdhaha la baxsada, taasi oo ay dani ugu jirto guud ahaan bulshada.
"Dhibkii, qarashkii iyo dambigii ka dhalan lahaa labada qof ee ajnabiga kala ah ee is raaci lahaa ayaa meesha ka baxaya, marka maadaama bulshadii loogu daneeyay dhankii sharciga Islaamka iyo dhankii, qarashka waxaan aaminsanahay in boqolkiiba boqol ay hirgaleyso".
Ninkaaxa Masaafada iyo kala aragti duwanaanta culimada
Culimadu way ku kala aragti duwanyihiin arrinta masaafada, waxaana qaarkood ay qabaan in gabadha haddii waligeedu joogo aaney bannaaneyn lala baxo oo bannaanada laga mehersado.
Culimadan sheegaya in aanu banaaneyn waxaa soo daliishanayaan Xadiis laga wariyay Rasuulka N.N.K.H oo sheegaya in Ninkaaxu aanu ansax aheyn ilaa in wali jiro mooyee".
Qaar kale ayaa qaba in meherku ansaxayo haddii la dhameystiro shuruudaha kale sida marqaatiyada.
Kuwa kale ayaa ku doodaya in meherku ansaxayo laakin waddada loo marayo oo ah in gabadhii lala dhuunto ayadoo waalidkeed oo jooga laga qariyo ay tahay arrin aan wanaagsaneyn.













