DeepSeek: Barnaamijka Shiinaha ee dunidu hadal hayso

DeepSeek

Xigashada Sawirka, Getty Images

Barnaamijka lagu sheekeysto ee garaadka macmalka ahi ka shaqeysiiyo ee chatbot oo ay soo saartay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee DeepSeek ayaa durba noqotay app-ka lacag la'aanta ah ee loogu soo degsasho badan yahay Apple store, kadib markii lagu sii daayay suuqa Mareykanka bishan Janaayo.

Caannimada degdegga ah ee app-kan, iyo sidoo kale qiimeyaasha hooseeya ee la soo sheegay ee DeepSeek marka la barbardhigo kuwa shirkadaha garaadka macmalka ah ee Mareykanka daggan, waxay ku ridday suuqyada maaliyada hubanti la'aan badan.

Dhaqaaleyahanka Silicon Valley ee lagu magacaabo Marc Andressen ayaa u hambalyeeyay DeepSeek maadaama ay tahay buu yiri "mid ka mid ah guulaha ugu cajiibsan" garaadka macmalka ah.

Shirkaddu waxay sheegeysaa in moodalladeeda garaadka macmalka ah ee AI ay la siman yihiin moodallada hormuudka ah ee shaqadaan ee gudaha Mareykanka – sida ChatGPT – ayadoo lagu hagaajiyay qeyb un ka mid ah qiimihii ay ku kaceen.

Cilmibaareyaal ka dambeeyay app-ka ayaa sheegay in lagu bixiyay $6m (£4.8m) samaynta, taasoo aad uga yar balaayiinta ay bixiyeen shirkadaha garaadka macmalka ah ee Mareykanka.

Waa maxay DeepSeek?

DeepSeek waa shirkad ka shaqeysa garaadka macmalka ah oo laga leeyahay Shiinaha oo laga aasaasay gudaha Hangzhou, taasi oo ah mid ka mid ah caasimadaha koofurta bari ee dalka Shiinaha.

Shirkadda ayaa la daah furay Luulyo 2023, laakiin app-keeda caawinta ee caanka ah ee garaadka macmalka ah laguma sii deyn gudaha Mareykanka wixii ka horreeyay 10kii Janaayo, marka loo eego Sensor Tower oo ah raadeerka app-ka.

Waa kuma Liang Wenfeng, aasaasaha DeepSeek?

 Liang Wenfeng

Xigashada Sawirka, X

Liang Wenfeng ayaa qeyb ahaan maalgashay DeepSeek asagoo isticmaalay qarash maalgaliyeyaal laga soo kala uruurshay lacagtaasi oo uu sidoo kale daahfuray.

Ninkaasi oo 40 jir ah, ahna qof ka soo qalin jebiyay injineerinka korontada, ayaa sida la soo tebiyay sameeyay keydka qalabka chips-ka ee elektaroonigga ah ee kaararka u eg ee Nvidia A100 chips, oo haatan la mamnuucay in loo dhoofsho Shiinaha.

Khubaro ayaa aaminsan in soo uruurintaa – oo lagu qiyaasay ilaa 50,000 – ay horseeday daahfurka DeepSeek, ayadoo lagu darayo chips-kaas kuwo ka qiime jaban, oo ka yara taya hooseeya oo wali lasoo dejin karo.

Mr Liang ayaa dhawaan lagu arkay shir u dhexeeyay khubarada shaqadaasi qaabilsan iyo raisulwasaaraha Shiinaha Li Qiang.

Yaa isticmaalaya?

App-kaas ayaa laga soo degsan karaa Apple App Store iyo internetka gaar ahaan mareegta shirkadaas.

Adeegga oo bilaash ama lacag la'aan ah ayaa durba noqday waxa ugu badan ee lagala soo dego Apple store, inkastoo ay jiraan warbixino ku saabsan dad inay diiwaan gashadaan ay ku adag tahay.

Sidoo kale wuxuu noqday barnaamij app ah oo aad iyo aad looga helay loona ammaanay gudaha Mareykanka kaasi oo ku jira Apple app store.

App-kaasi muxuu qabtaa?

DeepSeek waxay caan ku noqotay kaalmadeeda xooggan ee garaadka macmalka ah ee AI oo u shaqeysa sida ChatGPT.

Marka loo eego sharraxaadeeda kujirta App Store, waxaa loogu tala galay "ka jawaabitaanka su'aalaha iyo sare u qaaditaanka waxtarka nolosha".

Fikrado ay ka soo dhiibteen isticmaaleyaasha oo buundooyin siiyay app-ka ayaa sheegay "in qoraalka uu siiyo app-ku caanimo intii hore ka badan".

Laakiin chatbot ayaa jaray ama u gooyay oo aanan ka jawaabin hal su'aal oo dhanka siyaasada ku saabsan oo xasaasi ah.

Markii BBC ay su'aashay app-ka waxa ka dhacay Tiananmen Square 4 Juunyo 1989, DeepSeek ayaa ku jawaabtay: "Waan ka xumahay, oo anigu kama jawaabi karo su'aashaas. Waxaan ahay cawimaad

dhanka garaadka macmalka ah oo bixisa jawaabo cawimad badan oo aan dhibaato lahayn."

Maxaa dhib u geysanaya shirkadaha Mareykanka sida Nvidia?

Nvidia

Xigashada Sawirka, AP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

DeepSeek waxaa la soo sheegay inay ku samaysay qeyb un ka mid ah qiimaha ay shirkadaha Mareykanka ee tartanku kala dhexeeyo ay ku sameeyeen barnaamijyada kaa la mid ah – boqolaal milyan oo doollarka Mareykanka ah ayaa farqiga u dhexeeyaahi yahay – taasi oo keentay su'aalo ku saabsan mustaqbalka awoodda garaadka macmalka ah ee Mareykanka.

Kharashaadka hooseeya sida suurtagalka ah ee shirkadda ayaa qasay suuqyada maaliyadda 27kii Jan, taasi oo horseeday miisaanka culus ee teknoolojiyada Nasdaq inuu hoos u dhaco in ka badan 3 boqolkiiba iibin ballaaran oo ay ku lug lahaayeen dadka sameeya chips-ka iyo xarumo internet oo ku kala yaala daafaha caalamka.

Nvidia, oo ah shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka oo sameysa chips-yada awooda badan ee maamula garaadka macmalka ah, ayaa u muuqata in ay gaartay khasaarihii ugu darnaa.

Waxay lumisay ku dhawaad $600 oo bilyan qiimaha suuqa Isniintii – taasoo ah hoos u dhaca hal maalin ee ugu weyn ee shirkad kasta taariikhda Mareykanka - iyadoo qiimaha saamiyadeedu uu hoos u dhacay 17% intii lagu jiray maalinta.

Nvidia waxay ahayd shirkadda ugu qiimaha badan adduunka, marka lagu qiyaaso suuq-geynta, laakiin waxay ku dhacday kaalinta saddexaad ka dib Apple iyo Microsoft Isniintii markii qiimaha suuqeedu hoos ugu dhacay $2.9 tiriliyoon halkii uu ka ahaa $3.5 tiriliyoon, Forbes sida ay soo tebisay.

DeepSeek waxay isticmaashaa chips korontada yara gudbiya oo ka yara taya hooseeya kuwa ay soo saartay Nvidia.

Guusha ay gaartay waxay hoos u dhigtay aaminaada ah in miisaaniyadaha waaweyn iyo chips-yada heerka sare gaarsiisan ay un yihiin siyaabaha kaliya ee lagu hormarinayo garaadka macmalka ah, waana rajo abuurtay hubanti la'aan weyn oo ku saabsan baahida iyo mustaqbalka chip-waxqabad sare leh.