Maxaa ka socda Daanta Galbeed ee la haysto kadib howlgal ay Israa'iil ku dhawaaqday?

Xigashada Sawirka, social media
Hawlgalka milatariga Israa'iil ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ayaa sii socda, iyadoo wakaaladda wararka falastiiniyiinta ee "Wafa" ay sheegtay in ciidamada Israa'iil ay "ku qasbeen" qoysaskii ku sugnaa xerada Tulkarm inay ka guuraan guryahoodii ka dib markii ay ballaariyeen hawlgalladooda aagga Talaadada maanta ah.
Wakaaladda oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Israa'iil ay "ka soo saareen qaar ka mid ah qoysaska qaar guryohooda iyaga oo qoryo ku haya xaafadda Hanoun, waxayna ku wargeliyeen inaysan ku soo laaban muddo toddobaad ah".
Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in ciidamada Israa'iil ay "la wareegeen" tiro dhismayaal ah oo ku teedsan xaafadaha Shuhada iyo Xamam, waxayna "ka dhigeen xeryo ciidan kadib markii ay ka soo daad-gureeyeen dadkii deganaa".
Tani waxay imaanaysaa iyadoo cagaf-cagafyada ciidamada Israa'iil ay sii wadaan "burburinta kaabayaasha iyo hantida, oo ay ku jiraan guryaha iyo dukaamada" xaafadaha kala duwan ee xerada Tulkarm, waxayna "gubeen guriga qoyska Shahin ee xaafadda al-Wakala ee xerada," sida ay sheegtay wakaaladda Wafa.
Wakaaladdu waxay sidoo kale tilmaantay in "burburku uu saameeyay kaabayaasha, biyaha, korontada iyo shabakadaha internetka ee bartamaha magaalada, iyada oo askarta Israa'iil la geeyey xaafadaha magaalada."
Ciidamada Israa'iil ayaa howlgalkooda ku balaariyay Daanta Galbeed oo ay ku jirto magaalada Tulkarm, taasoo keentay in duqeyn cirka ah lagu dilo taliye ka tirsan Xamaas.
Warbaahinta Israa'iil ayaa Isniintii sheegtay in ciidamada Israa'iil ay balaariyeen "howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ay ka wadaan Daanta Galbeed" waa sida uu hadalka u dhigaye oo ay ku daraan magaalada Tulkarm ee Falastiin, halkaas oo taliyihii Xamaas Ihab Abu Attia lagu dilay weerar xagga cirka ah.
Warbaahinta Israa'iil ayaa intaa ku dartay in ciidamada Israa'iil ay awood u yeesheen "in ay soo bandhigaan kaabayaasha khatarta ah ee aaggaas".
Dhankooda, ciidamada Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in "ciidamo aad u badan ay hadda ku sugan yihiin xerada Tulkarm wajigii ugu horeeyay ee hawlgalka oo socon doona muddo aan la cayimin" isagoo intaa ku daray in hawlgalkan uu yimid "ka dib markii ay fuliyeen tobanaan hawlgal. Waa Tulkarm, Nur Shams iyo Jenin tan iyo bilowgii dagaalka, ujeedaduna waa in la burburiyo "kaabayaasha argagixisada," sida uu sheegay wargeyska Yedioth Ahronoth.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wargeyska ayaa sidoo kale soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan taliska dhexe ee ciidamada Israa'iil oo sheegay in howlgalka "laga yaabo inuu qaato bilo oo gabi ahaanba la burburiyo guutada Jenin".
Magaalada Jenin, ciidamada Israa'iil ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay "cirib tireen in ka badan 15 argagixiso ah" waxayna xireen afartan qof, intii lagu guda jiray olole ballaaran oo ay ciidammada Israa'iil todobaadkii hore ka bilaabeen magaalada Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
Ciidanka ayaa warkooda ku sheegay in intii uu socday howlgalka Jenin ay ciidamadu ku soo qabteen hub fara badan, waxa ayna mid ka mid ah dhismooyinkaasi ka heleen walxaha qarxa oo lagu dhex qariyay mashiinka dharka lagu dhaqdo, isagoo xusay in ciidamadooda ay burburiyeen dhowr walxaha qarxa oo lagu aasay waddooyinka hoostooda oo ay sheegeen in loo diyaariyey in la beegsado ciidamada Israa'iil".
Ciidanka ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in howlgal kale, lagu helay "xarunta kontoroolka oo ay ku jiraan dhululubada gaaska ee loogu talagalay in lagu sameeyo walxaha qarxa" sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.
Dhinaca kale, wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa goor sii horreysay shaacisay in howlgallada Israa'iil ay ku dileen ugu yaraan 12 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 40 kale oo ka dhacay agagaarka Jenin.
Saraakiil badan oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale sheegay in Israa'iil ay ku amartay dadka deegaanka inay ka baxaan xerada, balse ciidanka Israa'iil ayaa arrintaas beeniyay.
Salem al-Saadi, oo xubin ka ah guddiga maamulka xerada Jenin, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in boqolkiiba 80 dadka xerada ay qaxeen tan iyo markii uu ololaha billowday.
Xiisada ayaa ka taagneyd dhulka la haysto ee Daanta Galbeed tan iyo bishii Oktoobar 2023, iyadoo ciidamada Israa'iil ay dhowr howlgal ka fuliyeen aaggaas, oo uu ugu dambeeyay howlgalka "Darbiga Birta ah", kaasoo ciidamada Israa'iil ay Talaadadii lasoo dhaafay ka bilaabeen magaalada Jenin iyo xeradeeda.
Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin, hawlgallada milatari ee Israa'iil ay ka wadaan Daanta Galbeed waxay ku dileen in ka badan 860 falastiiniyiin ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNRWA ayaa boggeeda internetka ku sheegtay in tirada qaxootiga ka diwaangashan xerada Jenin ay gaaray in ka badan 24,000 oo qof sanadkii 2023, balse tirada dhabta ah ee dadka aan la garanayn.













