Boqollaal kun oo qof oo lugtooda maalaya oo Qasa ku laabanaya iyo Xamaas oo ka hadashay

Xigashada Sawirka, Reuters
In ka badan 200,000 oo qof oo barakacayaal ah ayaa lug ku galaya waqooyiga Qasa laba saacadood ka dib markii la furay marinka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Qasa oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Koontaroolada baabuurta ayaa furmay sagaalkii subaxnimo wakhtiga maxaliga ah, markaasoo dadku bilaabeen in ay halkaasi gaaraan oo ay gudaha u galaan Qasa.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidoo kale sheegtay in mas'uuliyiinta Qasa ay "ufududeynayaan dib u noqoshada dadka barokacay" ee waqooyiga Qasa.
Qiyaasaha ayaa muujinaya in dadka ku nool magaalada Qasa iyo waqooyiga ay baahan yihiin 135,000 oo teendho marka ay ku noqdaan guryihii burburay.
Dadka barakacayaasha ee dib ugu laabanaya Qasa ayaa muujinaya in ay ku faraxsanyihiin in ay guryahoodii dib ugu laabtaan iyagoon xitaa aan haysan hoy ay qabowga iyo dabeysha ka galaan.
Goobaha ay dadku hadda ku laabanayaan qaarkood burburka gaaray awgii waxay u ekaadeen meelo dhulgariir ku dhuftay.
Faadumo el-Helo, oo ka barakacday Khan Younis ee koonfurta Qasa, ayaa iyadoo isku diyaarinaysa socdaalkeeda woqooyiga Qasa, ayaa tiri."Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dib u laabano, wax badan ayaa na soo maray,".
Haweenaydan oo 55-jir ah ayaa intaasi ku dartay,"Wax walba waan kala furfurnay, oo dhulka ayay yaallaan dhamanatood. Weli maanu dhaqaaqin, halkan wax baabuur ah ma ka jiraan, waanu soconaynaa."
Faadumo, oo wiilkeeda lagu dilay weerar ay Israa'iil fulisay sannadkii hore, ayaa ooysay iyadoo dib u milicsanaysa xaaladaha ay wajahday intii colaaddu jirtay.
"Ilaah baa mahad leh in aan dib ugu laabanayno anagoo nabad qabna, iyo in Alle uu hakiyay dagaalkii, oo uu joojiyay biyo-dhacii dhiigga, ayay tiri.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka ayaa lugtooda maalaya waxaana qaarkood ay dusha iyo madaxaba ku sitaan alaabo iyo carruur, taasoo muujinaysa in qaarkood aaney heli karin gaadiid ay ku laabtaan oo ay ku tagaan guryahoodii oo markii hore dagaal dartii ay uga qaxeen.
Khan Yuunis oo ka mid ah meelaha dadku u qaxeen ayaan weli laga soo laaban, waxaan ka mid ah dadka halkaa ku sugan Khaalid Raba oo ah nin oday ah, "Waxaan qorsheynay inaan guurno, laakiin qaraabadayda oo weli ku sugan Jabalia ayaa isoo wacay, waxayna igu yiraahdeen talo kuguma siinayno in aad soo laabto.
"Walaalkey oo isoo wacay wuxuu yiri ha imaanin, guryihii waa la dumiyay, dadku waxay seexanayaan waddooyinka, cid u gargaartana ma jirto."
Hooyo Falastiini ah ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in ay dareemayso in ay "dib u dhalatay" iyada oo ku sii socota gurigeeda oo waqooyiga Qasa ku yaalla.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku laabano dhulkeena, dalkeena hooyo, iyo Qasa ayay tiri.
"Alxamdulilaah, waa runtaa waan daalanay, balse ugu dambeyntii waanu guuleysanay, waad mahadsantihiin halgamayaashii... Alxamdulilaah, waxay ila mid tahay inaan mar kale dhashay oo aan dib u guuleysanay".
Xamaas ayaa sheegtay in dib u soo laabashada dadka reer Qasa ay tahay guul ka dhan ah "qorshaha barakaca".
"Dib u soo celinta barakacayaasha waa guul u soo hoyatay dadkeena, waxayna astaan u tahay fashilka iyo jabka ku yimid qorshayaashii la doonayay in lagu qabsado iyo barakicinta," ayay kooxdu ku sheegtay war ay soo saartay.
"Xamaas iyo kooxda kale ee Islaamig Jihaad ayaa arrintan ku tilmaamay mid jawaab u ah dhammaan kuwa ku riyoonayay barakicinta dadka".
Axaddii ayaa Israa'iil, Ra'iisul Wasaare Netanyahu waxaa uu sheegay in furitaanka marinkaas uu yimid kaddib markii Xamaas ay "ay ka laabatay" sii deynta gabadha la yiraahdo Arbel Yehud oo ka mid ah dadka Xamaas haysto.













