Xabbad joojinta Gaza: Faah-faahinta heshiiska Xamaas iyo Israa'iil iyo farxadda shacabka labada dhinac

Isra'iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ka dib 15 bilood oo dagaal ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Isra'iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ka dib 15 bilood oo dagaal ah.

Isra'iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ka dib 15 bilood oo dagaal ah, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyayaashii Qatar iyo Mareykanka.

Ra'iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, ayaa sheegay in heshiiska uu dhaqan geli doono Axadda haddii golaha wasiirrada Israa'iil uu ansixiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in tani ay 'joojin doonto dagaalka Gaza, korna ay u qaadi doonto gargaarka bini'aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay ee shacabka Falastiin, isla markaana ay maxaabiistU la mideyn doonto qoysaskooda.

Raysalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska wali lagu guda jiro, balse wuxuu uga mahadceliyay Trump 'hormarinta' heshiiska.

Hogaamiyaha Xamaas Khalil al-Hayya ayaa sheegay in tani ay tahay natiijada 'adkeysiga' Falastiiniyiinta. Dad badan oo Falastiiniyiin ah iyo qoysaska maxaabiista Israa'iil ayaa u dabaaldegay warka, balse dagaalka dhulka Gaza ka socda ma joogsanin.

Hay'adda Difaaca Madaniga ee ay maamusho Xamaas ayaa soo warisay in duqeymo cirka ah oo Israa'iil ay fulisay ay ku dileen in ka badan 20 qof kadib ku dhawaaqista Qatar. Waxay ku jiray 12 qof oo ku noolaa dhisme deegaan oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee Magaalada Gaza.

Milatariga Israa'iil wax war ah kama soo saarin markiiba. In ka badan 46,700 qof ayaa lagu dilay Gaza tan bilowgii dagaalka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza ee ay maamusho Xamaas. Inta badan 2.3 milyan oo qof ee ku nool Gaza ayaa sidoo kale barakacay, waxaa jirta burbur ballaaran, iyo yaraanta ba'an ee cuntada, shidaalka, daawooyinka iyo guryahaba.

Israa'iil waxay sheegtay in 94 maxbuus ay wali haystaan Xamaas, oo 34 ka mid ah loo maleynayo inay dhinteen. Intaa waxaa dheer, waxaa jira afar Israa'iiliyiin ah oo la afduubay ka hor dagaalka, labo ka mid ahna waa dhinteen.

Dadkii reer Qaza ee ku farxay heshiiskaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dadkii reer Qaza ee ku farxay heshiiskaas
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar oo ka hadlay heshiiska isaga oo ku sugan macbad ku yaala Rome ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid aad Iyo aad u adag.

"Waxaan rabaa inaan si daacad ah u hadlo -- oo si hufan ah. Waa go'aan aad u adag. Marka aad go'aansato sii deynta argagixiso fara badan, oo ay ku jiraan dilayaal laayey dadka Yuhuudda ah -- mana ahan go'aan sahalan. Hoggaamintu waxay ku saabsan tahay kala doorashada go'aan xun iyo mid aad uga sii xun. Laakiin waa go'aan aad iyo aad u adag oo Golaha Wasiirrada Israa'iil uu aqbali doono." ayuu u sheegay warbaahinta

Heshiiska ayaa la filayaa in golaha wasiirrada Israa'iil ay ansixiyaan, taas oo laga yaabo inay dhacdo sida ugu dhakhsaha badan Khamiista subaxnimadeeda, inkasta oo ay jiraan mucaaradad ka imaaneysa xulafada garabka midig ee xukuumadda Netanyahu.

Waxaa jiray dabaaldeg ballaadhan oo ka dhacay Qaza markii wararka heshiisku ay baaheen, iyada oo dadka ku nool Deir Al-Balah iyo Khan Younis ay sacab ku taageereen oo lulayeen calanka Falastiin -- xitaa iyadoo la soo sheegayay duqeymo cirka ah oo Israa'iil ka geysatay meelo kale. Qoysaska la haystayaasha reer Israa'iil ayaa iyaguna muujiyay farxad iyo nafisaad gaar ah

Hoggaamiyaha Xamaas ee hadda Khalil al-Hayya qaybna ka ahaa heshiiska ayaa bayaan ka bixiyay heshiiska xabbad-joojinta, isagoo sheegay in kooxda 'aysan cafin doonin' Israa'iil xanuunka ay u geysatay Gaza intii lagu jiray dagaalka.

Dhanka kale Isaga oo la hadlaya BBC, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa sharraxay sababta ay muhiim u ahayd in lagu daro maamulka cusub ee Trump wadaxaajoodka waxuuna sidoo kale sheegay in muhiimaddu ahayd hirgelinta heshiiskaas.

Dhanka Israel, qoyayskii dadka laga hayey oo iyana u dabbaal degay

Xigashada Sawirka, Reuters

"Hirgelintu waa tan ugu muhiimsan waqtigan xaadirka ah, maadaama aan hadda gaadhnay heshiiska laftiisa, waana sababta aan kooxda Trump si buuxda ula socodsiinnay habka wadaxaajoodka, sidoo kalena waa sababta la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha la doortay iyo ergayga Bariga Dhexe uu halkaas u joogay si uu si buuxda ugu fahmo waxa hirgelinta u baahan tahay inay u ekaato, maadaama ay iyaga u gudbi doonto inay hawshaas qabtaan."

Donald Trump wuxuu noqon doonaa madaxweyne rasmi ah shan maalmood kabacdi.

Xaqiiqadaas soo dhowaanaysa ayaa si cad u dhiirrigelisay maskaxda wadaxaajoodayaasha Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ee ku hawlanaa raadinta heshiis xabbad-joojin ah.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Trump, waxuu u raray safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv magaalada Qudus waxuuna aqoonsaday haysashada Israa'iil ee Buuraha Golan Heights.

Heshiiskan ayaa ahaa wixii madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Biden uu si aad ah ugu hamiyey kadib Dhibaatooyinkii 15-kii bilood ee ugu dambeysay socday iyo arrinta ka qabsatay kala qaybsanaanta siyaasaddiisa arrimaha dibadda iyo gudahaba.

Noocyada heshiiska ayaa miiska saarnaa tan iyo May sanadkii hore. Xamaas iyo Israa'iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay dib u dhaca heshiiskaas.