Waalidiinta askarta ka dhimatay Israa'iil oo dalbaday in minada askartaas la bacrimiyo si ilmo ay uga dhashaan

Kadib tirada badan ee dhimashada askarta Israa’iil ayay waalidiintoodu codsadeen in shahwo laga soo qaado maydadka caruurtooda oo qaboojiye la galiyo si loogu bacrimiyo oo halkaasi ayuga dhashaan caruur ay waalid u yihiin, balse arinkaan ayaa horay waxaa uga yaalay sharci, inkasta oo hadda la dabciyay qaar kamid ah sharciyadaas wixii ka danbeeyay 7-dii Oktoobar, laakiin qoysaska ayaa wali waxa ay walaac ka muujiyeen hababka sharciga ah ee waqtiga badan qaadayana.
Avi Harush ayaa ilmeeyay xilligii wiilkiisa laga soo saari lahaa shahwada, waxa uuna xasuustay dhimashadiisa kaas oo lagu dilay marinka Qasa, dagaal dhacay 6-dii Abriil, wiilkiisa ayaana ahaa 20-jir.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa u yimid waxa ayna u bandhigeen go’aanka wiilkiisa looga soo saarayo shahwada, waxaana la weydiiyay in arinkani ay qoyska xiiseynayaan.
Avi ayaa isla markiiba jawaab bixiyay. "wiilkeyga wuxuu ku noolaa nolol dhameystiran", ayuu yiri.
"Reef wuxuu jeclaa carruurta oo wuxuu rabay caruur isaga uu dhalay," ayuu raaciyay.
Reef ma uusan laheyn xaas ama saaxiib, laakiin markii Avi uu bilaabay in sheekada wiilkiisa uu dadka la wadaago, dhowr dumar ah ayaa la soo xiriiray iayaga oo aqbalaya in lagu beero shahwada Reef si ay ilmo ugu dhalaan.
Shahwada Reef ayaa kamid ah tiro badan oo laga kala qaaday askartii Israa’iil uga dhimatay dagaalkii bilowday 7-dii Oktoobar waxaana lagu keydiyay qaboojiyeyaal.

Dagaalkaas oo Israa’iil looga dilay qiyaastii 1,200 oo qof, halka 251 kalena looga qafaashay, walow qaarkood la sii daayay kadib maxaabiis is-dhaafsi dhex maray labada dhinac.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale xilligaas Israa’iil ayaa Qasa ka bilowday howlgal balaaran oo ay kaga jawaabeyso wixii dhacay 7-dii Oktoobar, iyadoo weerarka ay qaaday lagu dilay 39,000 oo qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Tan iyo markii uu dagaalkaas bilowday ku dhawaad 170 nin oo dhalinyaro ah ayaa shahwada laga soo saaray, waxa ayna isugu jireen kuwo rayid ah iyo askar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israa’iil.
Nidaamka lagu soo saarayo shahwada ayaa lagu sheegay in la jeexayo xaniinyaha iyadoo laga soo saarayo cad-yar, waxaana lagu sheegay in cadkaasi uu yahay unugyada ay ku keydsamaan shahwada kadib marka la soo saaro waxaa loo gudbiyaa sheybaarka si xaaladooda loo ogaado, waana la barafeeyaa.
Soo saarista unugyada shahwada ayaa la seemeeyaa 24-saac gudahood marka uu qofku dhinto, inkasta oo dhaqaatiirtu sheegaan in ay noolaan karto ilaa 72-saacadood.
Bishii Oktoobar wasaaradda caafimaadka Israa’iil ayaa ka tanaasushay shuruudo ay wateen waalidiinta, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in loo baahan yahay amar ka soo baxa maxkamadda kaas oo lagu codsanayo nidaamka, ciidanka Israa’iil ayaana waalidiinta siinayay dadka uga dhinta dagaalka si ay shahwadooda uga reebtaan.

Inkasta oo ay fududaatay in shahwada la qaboojiyo balse waalidiinta ayaa laga rabaa in ay maxkamadda ka hor cadeeyaan in ilmahooda ay doonayeen in ay wax-dhalaan, nidaamka ayaana qaadan kara sanado.
Waalidkii u horeeyay ee reer Israa’iil kuwaas oo ilaaliya shahwada wiilkoodii dhintay ayaa ahaa Rachel iyo Yaakov Cohen, wiilkooda ayaana lagu magacaabi jiray Keivan kaas oo ay toogasho ku dileen falastiiniyiinta sida ay sheegeen ciidanka Israa’iil sanadkii 2002.
Shahwadii xiligaas la qaaday ayaa waxaa ka dhalatay gabar lagu magacaabo Osher oo hadda 10-jir ah.
Xeerarka hadda jira ee ku saabsan bacriminta shahwada ayuu horay u daabacay xeer ilaaliyaha guud 2003.
Dad u dhuun daloola arrimahan ayaa BBC-da u sheegay in uu jiro khilaaf ku saabsan heerka ogolaanshaha cad ee laga rabo qofka dhintay, iyo in cunugga uu qaadan doono gunooyinka caadiga ah ee la siiyo carruurta ay dhaleen askarta lagu dilay shaqada.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in xaasaskii laga dhintay iyo waalidkii laga dhintay ay isku afgaran waayeen inta ay la egtahay xakameynta waalidiintu ku yeelanayaan shahwada wiilashooda, gaar ahaan haddii haweeneyda laga dhintay aysan rabin inay u isticmaasho si ay ilmo u dhasho.
Kuwa horey u qaboojiyey shahwada wiilashooda waxay ka walaacsan yihiin in haddii sharciga ugu dambeyntii la isku raaco, ay wax ka qaban doonto oo kaliya arrimaha mustaqbalka ee ogolaanshaha, oo aan ka hor istaagin inay la kulmaan dagaal maxkamadeed oo dheer.













