Cabdiraxmaan Raage: 'Waxaan ku dhiiraday inaan halis u bareero si aan wiilkaa dhaawac ahaa u badbaadiyo'

Xigashada Sawirka, SOCAIL/CABDIRAXMAAN
Muuqaal la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa muujinaya sida Cabdirixmaan Raage uu kaalin muuqata ugu geystay badbaadinta wiil dhalinyaro ahaa oo dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay xeebt a liido habenimadii Jimcada, toddobaadkii ee tagay.
Cabdirixmaan, ayaa laga dhex arkay muuqaalka isaga oo ganbanaya oo u jilba joogsaday qof dhaawac ahaa oo yaallay dhulka xilli dadku kala cararayeen xaaladduna ay hubanti la’aan ahayd.
Sida uu BBC-da u sheegay Cabdirixmaan, wuxuu daqiiqado ka hor qaraxa gaaray xeebta liido si halkaas nasniino iyo qaxweysu ugu soo qaato. Wuxuu intaa ku daray in jawigu ahaa mid deggan oo farxad iyo caweysin wanaagsan u ahayd dadkii uu ka mid ka ahaa ee ku sugnaa xeebta Liido.
“Kafee inaan ka soo cabo ayaan u aaday maqaaxida Beach View, anigoo daqiiqo kooban fadhiya halkaas ayaa qaraxu dhacay, meesha aan ku sugnaana ilaa shan iyo tobban tallaabo eyey u jirtay halka qaraxu ka dhacay, laakiin darbiga meherada ayaa iga xigay.” ayuu BBC da u sheegay Cabdirixmaan.
Isagoo sharaxay sida xaalku noqday Qaraxa ka dib ayuu Cabdirixmaan ku tilmaamay in faraxadii isku beddeshay murogo, uuro dhawaq rasaaas oo xoog leh iyo kala carar dadkii ku sugnaa xeebta.
“Xaalad aad u cakiran ayaa ka jirtay, huteelka la qarxiyey mid ku dhagan oo Liido Sea food la yiraahdo ayaan gudihiisa gabaad ka dhiganayey oo ku jiray, yarkan oo banaanka yaalla oo gacanta taagaya ayaan gudaha hotelka ka arkay, runtii xabadna waa dhacaysay.”

Cabdirixmaan, wuxuu sheegay inuu markii hore ku dhici waayey inuu aado wiilka gacanta taageyey xabado xooggan dhacayey owgeed, "xitaa dhulka ay ku dhacayeen xabaduhu," ayuu yiri.
Dadkii meesha gabaadka kula jiray ayuu sheegay inay ka baxeen halkii oo isaga iyo labo gabdhood oo kaliya ay ku soo hareen ka dibna uu qaatay go’aan adag.
“Si kasta oo ahayd oo an meesha ugu qaadi karo wiilkaas waxaan go’aansaday inaan meesha ka qaado anigoo aaminsan xitaa in aniga laftayda xabad igu dhico karto, ayaan go’aansaday inaan wiilkaa soomaaliyeed gargaar u fidiyo waana ku guulaystay” ayuu intaas raaciyey Cabdirixmaan.
Wuxuu sheegay in wiilka uu dhaawac ka ahaa qaarka danbe oo qaybta kore ee jirkiisa ay uun dhaqdhaaqaysay.
"Waxaan hadda la yabaa sida aan go'aan kaas u qaatay"

Xigashada Sawirka, SOCAIL
Wuxuu ahaa dareen xitaa ilaa hadda aanan sawiri karin ayuu BBC-da u sheegay Cabdirixmaan Raage Xasan “ hadeer hadii khatartaas mid la’eg dhacdo uma malaynayo runtii inaan ku dhiiran karo. Habeenkaas laakiin waxay ahayd wax alle watay, aniga go’aankayag si lama filaana ayuu isku Baddeley wiilkaas ayaan diira dhan saara”
Masaafadii u dhaxaysay isago iyo wiilka dhaawaca ayuu sheegay Cabdirixmaan in daqiiqad kasta oo ka mid ah uu halis wajahayey maadaama uu arkayey xabada oo hortsiisa ka dhacaysay.
Wuxuu intaa raaciyey inuu iska indha tiray waxkasta oo khatar ah oo halkaa ka dhacaysay oo isaga xabadu ku dhici karaysay.
“Jilbaha ayaan dhulka ku dhuftay waxaan ku iri dhabarkayga fuul, wuu dhiig baxayey laakiin wuu noolaa ka dibna waxaan geeyey meel ciidanka Booliska joogeen, kadibna intaa jeensaday ayaan gaari cabdi-bile ah ayaan saaray ,wuxuna markaas igu yiri waa mahadsan tahay “ ayuu BBC-da u sheegay Cabriixmaan
Is aragii Cabdirixmaan iyo wiilkii uu gargaaray
Cabdirixmaan, wuxuu shegay in maalmo ka dib uu ogaaday halka uu dhaawaca wiilka lagu dabiiyo oo sidaas ku booqday.
“Wuu is fahma wuuna Ii gartay wuu ila hadla gacantayda ayuu qabsaday muddana waa ku dhaganaa , wuxuuna igu yiri naftayda ayaa badbaadisay” ayuu BBC-da u sheegay Cabdirixmaan
Dhaawacyadii dadkii ku waxyeelloobay qaraxaas ayaa wali lagu dabiibayaa Isbitaallada Muqdisho iyadoo Muqdishana maanta ay ka dhaceen banaabaxyo looga soo horjeedo qaraxii ka dhacay xeebto Liido.













