Maalqabeenkee iibsanaya Tiktok, ma Musk, MrBeast, mise Larry Ellison?

Xigashada Sawirka, Reuters
Jimmy Donaldson - oo loo yaqaan MrBeast - aad ayuu u farxay markii uu u sheegay tobanaan milyan oo taageerayaashiisa TikTok ah inuu doonayo inuu iibsado bartan caanka ah.
"Waxaa laga yaabaa inaan idin noqdo maamulaha cusub ee Tiktok! Aad baan u faraxsanahay!" Donaldson ayaa sida ka dhex yiri diyaarad khaas ah oo uu watay. Kadib wuxuu sii waday inuu ballan qaado $10,000 ilaa shan taageerayaashiisa cusub ah.
Waxaa hadalkiisaasi baraha internetka la so galiyay uu abuuraydaawashada in ka badan 73 milyan jeer tan iyo Isniintii. Donaldson waxa uu sheegay in aanu la wadaagi karin tafaasiisha dalabkiisa ah inuu la wareego Tiktik, balse waxa uu ballan qaaday: "waxa ay noqon doontaa mid waali ah."
Donaldson waa mid ka mid ah rag badan oo milyan-neero ah oo soo bandhigay sida ay u daneynayaan iibsashada TikTok, oo ah goob caanka ah baraha bulshada taas oo noqotay mawduuca siyaasadeed oo degdeg ah gudaha Maraykanka.
Sannadkii hore, madaxweynihii xilligaas Joe Biden wuxuu saxeexay sharci siinaya shirkadda ay bahwdaagta yihiin TikTok ee Shiinaha ee ByteDance ilaa 19-ka Janaayo inay iibiso bartan ama ay wajahi doonto in laga mamnuuco gudaha Mareykanka.
Sharciga ayaa ka hadlay walaaca ku saabsan xiriirka TikTok ee dowladda Shiinaha iyo welwelka ku saabsan in app-ku uu khatar ku yahay amniga qaranka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa dhankiisa muujiyay suurtagalnimada ganacsi wadaag ah.
"Waxaan jeclaan lahaa in Mareykanka uu yeesho saamiga lahaanshiyaha 50% ," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Truth Social Axaddii. "Markaan tan samayno, waxaan badbaadinaynaa TikTok, in uu gacmo wanaagsan uu ku jiro."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Trump ayaa tan iyo markaas saxiixay amar fulin ah oo u oggolaanaya appku inuu sii shaqeeyo 75 maalmood oo kale.
Horraantii bishaan, shabakaddaBloomberg ayaa sheegtay in Shiinuhu uu ka baaraan-dagayo ka iibinta TikTok Elon Musk, ninka ugu taajirsan adduunka, saaxiib dhowna la ah madaxweyne Trump, kaasoo horey ula wareegay oo iibsaday barta bulshada ee X oo horey loo oran jiray Twitter.
Musk laftiisu wuxuu ku qoray barta X toddobaadkan in isagoo muddo dheer ka soo horjeeday mamnuucista TikTok, "xaaladda hadda jirta ee TikTok loo oggol yahay inay ka shaqeyso Ameerika, laakiin X looma oggola inuu ka shaqeeyo Shiinaha waa mid aan dheellitirnayn. isbeddel ayaan baahan in la ".
Shir jaraa'id oo uu qabtay Talaadadii, Trump ayaa weriye waxaa uu waydiiyay haddii ay u furan tahay Musk inuu iibsado barta Tiktok iyo in kale.
"Waxaan noqon lahaa haddii uu doonayo inuu iibsado, haa," madaxweynuhu ayaa sidaa ku jawaabay.
"Waxaan jeclaan lahaa Larry inuu iibsado, sidoo kale," ayuu Trump ku daray, isaga oo tixraacaya guddoomiyaha Oracle Larry Ellison, oo muddo dheer taageersanaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Oracle waa mid ka mid ah adeeg bixiyayaasha TikTok ee ugu weyn, isaga oo maareynaya qaar badan oo ka mid ah xarumaha xogta halkaas oo balaayiin muuqaalo goobta lagu keydiyo.
Sannadkii hore, Oracle waxay ka digtay in mamnuucida TikTok ay dhaawici karto ganacsigeeda. Shirkadda weyn ee xisaabinta iyo keydinta xogaha ayaa sidoo kale ahayd hormuudka u tartamaya inay iibsadaan barta Tiktoksanadka 2020, markii Trump uu isku dayay inuu mamnuuco.
Maalgeliyaha bilyaneerka ah ee Frank McCourt ayaa sidoo kale muujiyay sida uu u daneynayo TikTok, waxaa uuna marar badan wareysiyo uu bixiyay uu ku muujiyay sida uu u daneynayo bartan caanka ah ee Tiktok.
McCourt waxa uu sheegay in uu doonayo in TikTok uu ku shaqeeyo tignoolajiyada uu kormeerayo Project Liberty Institute, kaas oo uu aasaasay. Waxa uu aad u dhaliilay hab-dhaqannada xog ururinta ee shirkadaha baraha bulshada.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Trump waxay u badan tahay inuu door weyn ku leeyahay xulashada qofka Amerikanka ah ee iibsanaya shirkadda TikTok.
"Waxay noqon doontaa guuleyste ay u badan tahay inuu siyaasad ahaan la dhacsan yahay madaxweyne Donald Trump," ayuu yiri Anupam Chander, oo ah borofesar sharciga ka dhiga jaamacadda Georgetown.
Prof Chander ayaa sheegay in qaabka lahaanshaha wadajirka ah ee 50-50 uusan la socon xeerarka sharciga, taas oo keeni karta in Trump uu ku cadaadiyo Congress-ka inuu dib u eego sharcigaas.
Ilaa iyo hadda muqstaqbalka Tiktok ayaa u muuqda mid mugdi ku jira.
Prof Chander wuxuu sheegay in maamulka Biden uu sameeyay "khalad aan lagu qasbin" iyagoo u oggolaanaya sharciga inuu madaxweynaha si weyn u xakameeyo cidda leh TikTok.
"Waxay ahayd fikrad aad u xun in la geliyo mustaqbalka madal xogeed oo baaxad leh khalkhalkan siyaasadeed," ayuu yiri Prof Chander.













