4-ta Shaqsi ee miisaanka leh, ee Xamaas rabto in la sii daayo waa kuwee

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka dib markii Israa'iil ogolaatay in la hirgeliyo xabbad-joojinta Gaza iyo in la bilaabo sii-daynta la haystayaasha Israa'iil iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ah, iyadoo loo kala qeybinayo dhowr weji lagasoo bilaabo Axadii 19-kii bishan Janaayo, warbaahinta Israa'iil ayaa daaha ka qaaday maxaabiis ay ku tilmaantay "shakhsiyaad miisaan leh" oo Xamaas dalbanayso in la sii daayo inta lagu jiro wejiyada labaad iyo saddexaad ee heshiiska.
Sida uu sheegay kanaalka Kan ee Israa'iil, shakhsiyaadka miisaanka leh ee aan la sii deyn doonin wejiga koowaad, balse Xamaas ay ku adkaysanayso in ay guul ka gaari doonto sii-dayntooda wejiyada labaad iyo saddexaad, waxaa ka mid ah; Cabbaas Al-Sayyid, Ibraahim Haamid, Cabdalla Al-Barghouti, iyo Xasan Salaama.
Wadahadallada ku saabsan maxaabiistan ayaa loo wareejiyay wejiga labaad, waxaana lagu wadaa in la falanqeeyo arrimaha la haystayaasha Israa'iil ee ay ka midka yihiin askarta, saraakiisha, iyo ragga rayidka ah, halka Xamaas ay dalban doonto tanaasul badan oo dhanka sii-daynta ragga ka xiran ah, sida ay filayso warbaahinta Kan.
Israa'iil waxay shaacisay aqoonsiga 735 maxbuus oo Falastiini ah kuwaas oo la qorsheynayo in laga sii daayo xabsiyada Israa'iil wejiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta Gaza, iyada oo lagu beddelanayo sii-daynta 33 qof oo la haystayaal Israa'iiliyiin ah oo ay hayaan Xamaas.
Waa maxay xukunka (xabsi daa'in ka ah)?
Guddoomiyaha Hay'adda Arrimaha Maxaabiista Falastiiniyiinta, Qadura Faaris, ayaa u sheegay BBC-da : "Heshiiskan, wejiga koowaad ee is-weydaarsiga wuxuu ka koobnaan doonaa wax ka badan 50% guud ahaan maxaabiista xukunka xabsi daa'inka ah ku xiran xabsiyada Israa'iil."
Faaris wuxuu aaminsan yahay in "uusan jiri doonin Falastiini xukun xabsi daa'in ugu xidhan xabsiyada Israa'iil wejiga labaad iyo wixii ka dambeeya".
Sida uu Faaris sheegay, xukunka xabsi daa'inka ee xabsiyada Israa'iil waxaa lagu qeexaa xabsi cimriga oo dhan ah ama 99 sano ah.
Xukunka xabsi daa'inka ah waa ciqaabta ugu adag marka laga reebo dilka, marka la barbar dhigo ciqaabta dilka ah ee ay dalalka qaar shaciyeeyaan.
Wejiga koowaad ee heshiiska Xamaas iyo Israa'iil wuxuu sababi doonaa sii-daynta 296 maxbuus oo lagu xukumay xabsi daa'in, sida ay sheegtay Hay'adda Arrimaha Maxaabiista iyo kuwa la sii daayay ee Falastiiniyiinta.
Cabbaas Al-Sayyid (35 xabsi daa'in)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cabbaas Al-Sayyid, oo ah hogaamiye ka tirsan garabka militariga ee Xamaas, wuxuu ku dhashay magaalada Tulkarm ee Daanta Galbeed ee la haysto. Wuxuu qorsheeyay qarax ka dhacay hoteelka "Park" ee magaalada Netanya habeenka ciidda Fasaxa Yuhuudda sanadkii 2002, kaas oo sababay dilka 30 qof iyo dhaawaca 140 kale, waana weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ay Falastiiniyiintu fuliyaan intii lagu jiray Intifaadii Labaad, sida ay sheegtay warbaahinta Israa'iil.
Naadiga maxaabiista Falastiiniyiinta wuxuu caddeeyay in Cabbaas Al-Sayyid uu wajahayay baaritaan adag oo socday 5 bilood xiriir ah ka dib markii la qabtay, isagoo muddo bilo ah baxsad ahaa. Kadib, waxaa lagu xukumay 35 xabsi daa'in oo is-daba joog ah, iyo 150 sano oo xarig ah.
Naadigu wuxuu xusay in Cabbaas Al-Sayyid uu sanado badan ku jiray xabsi go'doon ah (isolated confinement), sidoo kale laga mamnuucay booqasho qoys. Xaaskiisa waxay awooday inay booqato markii ugu horreysay 7 sano ka dib xabsigiisa.
Wuxuu ka mid yahay maxaabiista ugu firfircoon xabsiyada Israa'iil, wuxuuna haystaa shahaado jaamacadeed oo injineernimada farsamada ah (mechanical engineering), sidoo kale ka hor inta aan la xirin, wuxuu bartay injineerinka qalabka neefsashada macmalka ah.
Xasan Salaama (48 xabsi daa'in)
Xasan Salaama waxuu dhashay sanadkii 1971, wuxuuna ka soo jeedaa magaalada Khan Younis. Wuxuu ku biiray dagaalka Israa'iil tan iyo markii uu ahaa dhallinyaro, waxaana la xiray marar badan intii lagu jiray Intifaadii Koowaad. Inta badan xidhitaankiisa muddadaas waxay ahaayeen xidhitaanno maamul (administrative arrests), wuxuuna sidoo kale dhaawacmay intii lagu jiray waqtiyadaas.
Waqtiga uu xabsiga ku jiray wuxuu gaarayaa in ka badan 30 sano, sida ay sheegtay Hay'adda Maxaabiista Falastiiniyiinta, isagoo horay ugu jiray xabsiyada Israa'iil laba sano oo dheeri ah ka hor xabsigiisii ugu dambeeyay.
Sida lagu sheegay Xarunta Xogaha Falastiiniyiinta, Israa'iil waxay Xasan Salaama ku eedeeysay mas'uuliyadda howlgalada "Aarsiga barakaysan" oo ay fulisay Kataa'ib Al-Qassam si ay uga jawaabaan dilkii Yahya Ayyash ee sanadkii 1996, kuwaas oo sababay dilka 46 Israa'iiliyiin ah iyo dhaawaca in ka badan toban qof. Warbaahinta Israa'iil waxay sidoo kale sheegtay inuu mas'uul ka yahay 18 qarax oo ka dhacay basaska magaalada Quds sanadkii 1996.
Naadiga Maxaabiista wuxuu xusay in Salaama la xiray sanadkii 1996, isagoo ku sugnaa magaalada Al-Khalil [Hebron], waxuuna ku dhaawacmay xilligaas weerar rasaas ah oo ay ciidanka Israa'iil qaadeen, wuxuuna muddo ku qaatay isbitaal rayid oo Israa'iil ku yaal.
Kadib xidhitaankiisa, sida ay sheegeen Naadiga Maxaabiista, wuxuu wajahay baaritaan adag iyo jirdil. Baaritaanku wuxuu socday muddo afar bilood, ka dibna waxaa lagu xukumay sanadkii 1997, 48 xabsi daa'in, taasoo ah xukunka saddexaad ee ugu sarreeya ee maxaabiista xukunka xabsi daa'in lagu xukumay.
Xasan Salaama waxaa lagu xidhay xabsi go'doon ah (solitary confinement) muddo ku dhow 14 sano, waxaana go'doonkaas la joojiyay ka dib dalabaad ay sameeyeen maxaabiista sanadkii 2012. Intii uu xabsiga ku jiray, sida ay sheegayaan ilo warbaahineed Falastiini ah, qoyska Xasan Salaama wuxuu awood u yeeshay inuu booqdo laba jeer kaliya.
Ibraahim Haamid (54 xabsi daa'in)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa la filayaa in Xamaas ay sidoo kale ku dadaali doonto sii-daynta Ibraahim Haamid, oo loo arko "maxbuuska ugu khatarta badan" ee haatan ay Israa'iil gacanta ku hayso, sida ay sheegtay Times of Israel. Ibraahim Haamid wuxuu wajahaya xukunka labaad ee ugu sarreeya ee xabsiyada Israa'iil ka dib Cabdalla Al-Barghouti.
Haamid wuxuu ahaa hogaamiyaha garabka militari ee Xamaas ee Daanta Galbeed ee la haysto, wuxuuna mas'uul ka ahaa weeraro badan. Waxaa lagu xukumay dilka 46 Israa'iiliyiin ah iyo 54 xukun xabsi daa'in.
Ibraahim Haamid wuxuu dhashay sanadkii 1965, magaalada Silwad oo ku taalla bariga Ramallah, wuxuuna ku barbaaray kuna waxbartay heerarka dugsiga hoose, dhexe, iyo sare ee magaaladaas. Wuxuu ku biiray dagaalka Israa'iil isagoo dhalinyaro ah, waxaana la xiray marar badan ka hor xadhiggiisa ugu dambeeyay ee sanadkii 2006.
Ka dib markii uu ka qalinjebiyey dugsiga sare, wuxuu galay Jaamacadda Birzeit, halkaas oo uu ka qaatay bachelor-ka cilmiga siyaasadda. Kadib wuxuu galay barashada master-ka ee xiriirka caalamiga, wuxuuna ka shaqeeyey mashruucyo cilmi-baaris iyo daabacaadda daraasado iyo cilmi-baarisyo ku saabsan taariikhda dhibaatada Falastiin.
Naadiga Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa tilmaamay in Haamid uu la kulmay cadaadis muddo 8 sano ah, intii lagu jirayna qoyska uu wajahay noocyada dhammaan cadaadiska iyo hanjabaadaha, waxaana la xiray dhamaan xubnaha qoyskiisa, oo ay ku jiraan xaaskiisa iyo carruurtiisa. Sidoo kale, Ibraahim Haamid wuxuu ku jiray go'doon (solitary confinement) muddo ku dhow 8 sano, 7 sano oo xiriir ah, sida ay sheegtay Hay'adda Maxaabiista.
Cabdalla Al-Barghouti (67 xabsi daa'in)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxbuuska Falastiiniyiinta ah Cabdalla Gaaliib Al-Barghouti ee ku jira xabsiyada Israa'iil.
Cabdalla Gaaliib Al-Barghouti, oo loo yaqaan "Injineerka Xamaas", waa maxbuuska leh xukunka ugu sarreeya ee adduunka, iyadoo loo xukumay 67 xukun xabsi daa'in, wuxuuna ka tirsan yahay hoggaanka Xamaas, waa injineer iyo khabiir ku takhasusay sameynta waxyaabaha qarxa.
Kanaalka 12 ee Israa'iil ayaa sheegay in Al-Barghouti loo arko khabiirka ugu weyn ee Xamaas dhanka samaynta waxyaabaha qarxa ka dib Yahya Ayyash, oo la dilay sanadkii 1996.
Israail ayaa qabsatay Cabdalla Al-Barghouti sanadkii 2003, kadib markii lagu helay mas'uuliyadda weeraro dhowr ah, oo ay ka mid ahayd qaraxa maqaayadda "Sbarro" ee magaalada Quds ee 2001, kaas oo sababay dilka 15 Israa'iiliyiin ah iyo dhaawaca 130 kale, wuxuuna ka mid yahay qaraabada Marwaan Al-Barghouti, oo ahaa hoggaamiyihii hore ee Xisbiga Fatah ee Daanta Galbeed.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay Cabdalla Al-Barghouti mas'uuliyadda qaraxa ka dhacay "Café Moment" ee 2002, oo sababay dilka 11 qof, iyo qarax ka dhacay Jaamacadda Caalamiga ah ee Ibraani oo sababay dilka 9 qof, oo ay ku jiraan 5 muwaadiniin Mareykan ah, wuxuuna mas'uul ka yahay dilka 66 Israa'iiliyiin ah, sida ay sheegtay warbaahinta Israa'iil.
Sida ku xusan Naadiga Maxaabiista Falastiiniyiinta, Barghouti waxaa loo geystay baaritaan adag oo socday mudo bilaha badan ah, sidoo kale waxaa lagu hayay go'doon joogto ah oo socday sanado badan. Waxaa loo arkaa inuu leeyahay xukunka ugu sarreeya taariikhda.
Intii uu xabsiga ku jiray, Barghouti wuxuu awooday inuu qoro buugaag dhowr ah, oo mid ka mid ah waa "Amir Al-Zill – Injineerka Waddada", oo uu kaga hadlay noloshiisa iyo halgankiisa ka dhanka ah Israa'iil.













