Xaaladda Soomaalida ku ganacsata magaalada Goma ee Congo ee dagaalka qaraar uu ka dhacay

Ganacsiyada Soomaalida ee Congo

Xigashada Sawirka, Social

Dagaal qaraar ayaa ka dhacay magaalada Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, iyadoo fallaagada iyo ciidamada ay rasaas isweydaarsadeen.

"Waxa kaliya ee aan maqalno waa rasaas ka dhacaysa magaalada hareeraheeda," mid ka mid ah dadka deggan Goma, oo gurigiisa ku xayiran tan iyo Axaddii, ayaa u sheegay BBC.

Dadka deegaanka ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya fallaagada M23 oo gaaf wareegaya waddooyinka waaweyn ee magaalada Goma.

Fallaagada ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada balse maamulka Congo ayaa arrintan ku khilaafay.

Prosper, oo ah wariye maxalli ah oo ku sugan magaalada Goma, ayaa BBC-da u sheegay in ay jiraan iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada iyo fallaagada oo ka dhacaya qaybo ka mid ah magaalada.

M23 ayaa la wareegtay maamulka laanta Goma ee idaacada RTNC, sida uu sheegay Radio Okapi oo ay taageerto Qaramada Midoobay.

Mid ka mid ah dadka deggan Goma, Lucie, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP inay ku dhuumanayso hoygeeda.

"Waxaan maqlaynaa rasaasta ka dhacaysa bannaanka guryahayaga, kama bixi karno."

AFP ayaa sheegtay in ugu yaraan 17 qof ay ku dhinteen dagaalka in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, magaalada Goma waxaa ku nool isla markaana ganacsiyo kuleh Soomaali dhowr ah.

Soomaalida ganacsiyada ku leh magaalada Goma ayaa sheegay in xiisadda taagan ay saameyn ku yeelatay ganacsigooda iyo sidoo kale noloshoodaba, waxaana ganacsatadaas kamid ah Subeyr Xaaji isaga oo BBC-da la hadlay ayuu ka warbixiyay xaaladdu sida ay tahay.

"Ciidamada M23 ayaa magaalada soo galay, ballanka wuxuu ahaa in ciidamada wadanka u dhashay ay hubka dhigaan, qayb ayaa diiday qaybna wey dhigeen sidaas ayuuna dagaalku ku billowday".

"Ganacsiga Soomaalida waaa uu badanyahay qaarkeen waxa ay ka ganacsadaan shidaal qaarna alaabaha la dhoofiyo ee loo yaqaanno cargo ayey ka ganacsadaan laakiin waxaa u badan shidaalka taas oo gebi ahaanba hadda xiran", ayuu yiri Subeyr Xaaji.

Waxa uu sheegay in dalka ay ka jirto cabsi badan si gaar ahna hadda ay guryohooda ku sugan yihiin oo uusan jirin dhaq-dhaqaaq bannaanka ah.

"Weli majiro qof Soomaali ah oo dhibaatadiisa naloosoo sheegay ama aan maqalnay Soomaalidu waxa ay wax la qabaan dadka kale ee magaaladan kunool, balse hadda uusan jirin beegsi gaar ah oo ay Soomaalidu la kulmeen".

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin qof dalka ka bixi kara maaddaama ay xiran yihiin garoomada diyaaradaha.

Goma

Xigashada Sawirka, AFP

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo hadda ah guddoomiyaha ururka Bariga Afrika ayaa ku baaqay xabbad-joojin, wuxuuna ku dhawaaqay in madaxweynayaasha DR Congo iyo Rwanda ay ka qaybgeli doonaan shir madaxeed deg-deg ah oo dhacaya Arbacada.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in ay waajib ku tahay madaxda maamul goboleedyada in ay gacan ka geystaan fududeynta xal nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafka.

Kooxda M23 ayaa tan iyo sanadkii 2021 la wareegay gacan ku heynta qeybo badan oo ka mid ah bariga qaniga ku ah macdanta ee DR Congo. Toddobaadyadii lasoo dhaafay kooxda ayaa si degdeg ah ugu sii siqaysay magaalada Goma oo ay ka socdaan dagaalo xooggan.

Tan iyo bilowgii 2025 in ka badan 400,000 oo qof ayaa lagu qasbay in ay ka barakacaan guryahooda gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu, sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Mid ka mid ah haweenka, Alice Feza, ayaa sheegtay inaysan aqoon wixii ay sameyn lahayd, maaddaama ay tani tahay markii afaraad oo ay ka cararto M23.

Wadooyinka muhiimka ah ee ku xeeran magaalada Goma ayaa go'an, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada aan loo isticmaali karin daad gureynta iyo howlaha bini'aadantinimo, sida ay sheegtay QM.

Kaddib sheegashada M23 ee ah in ay magaalada qabsatay, dowladdu waxay sheegtay in ciidamadeedu ay weli gacanta ku hayaan goobo istaraatiiji ah oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha.