Muxuu yahay heshiiska ay Koofur Galbeed la gashay Shirkad laga leeyahay Kuwait

Xigashada Sawirka, baraha bulshada
Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday shirkad laga leeyahay dalka Kuwait.
Shirkaddan ayaa sida ay wararka sheegayaan lagu magacaabaa Arab Digital Holding, waana mid ka mid ah shirkadaha waawayn ee dalka Kuwait.
Sida ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Koofur Galbeed ay u sheegeen BBC is-afgaradkan ayaa waxaa uu dhacay 18 bishan aanu ku guda jirno . Is-afgaradka ayaa waxaa uu ka dhacay oo lagu saxiixay caasimada wadanka Kuwait ee Kuwait.
Waxaa is-afgaradkan dhanka Koofur galbeed u saxiixay wasiirka dekadaha Maxamed Cumar Xaaji, halka dhanka shirkadda Arab Digital Holding uu u saxiixay maareeye ku xigeenka, Fahad Dowsari.
Waxaa sidoo kale goobta isfagardka lagu kala saxiixday goob joog ka ahaa madaxwaynaha Koofur galbeed Cabdi casiis Xasan (Lafta Gareen).

Xigashada Sawirka, KGS
Waa maxay Dulucda heshiiskan?
Sida ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Koofur Galbeed u sheegeen BBC, is afgaradkan ayaa ah mid lagu hormarinayo mashaariic waawayn oo laga fulin doono Koofur Galbeed.
Waxaa si gaar ah uu is-afgaradkan u taabanayaa hormarinta magaalada qadiimiga ah ee Baraawe, si gaar ahna dekadda magaaladaasi.
Sida ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Koofur Galbeed oo diiday in magacayadooda la xigto ayaa BBC u sheegay "waxa la saxiixay uu iminka waa is-afgarad oo aan wali heshiis rasmi ah loo badalin, isla markaana weli weli socda wadahadahalada ku saabsan arrintan".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa ka mid ah is-afgaradkan in labo dekadood oo isku ag-yaalla laga dhiso magaalada Baraawe, isla markaana labadaasi dakadood mid ka mid ah ay noqoto mid ganacsi, halka tan kalena ay arrimaha kaluumeysiga quseyso.
Wararka ayaa sheegaya in aagga mashaariicdan laga fulin doono uu noqon dono dhul dhan ilaa 100 km oo isku wareeg ah.
Sida ay ila wareedyada sheegayaan waxaa waxaa sidoo kale masaahiircda halkaasi laga fulin doono ka mid ah warshado, sida warshad dhanka kaluumeysiga ah iyo meelo lagu keydiyo Kalluunka.
Mashruucan wayn waxaa sidoo kale la socda waddo wayn oo isku xiri doonta magaalada Baraawe ilaa Yeed oo ku taalla xudduudda Itoobiya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in is-fagaradkan ay sidoo kale qeyb ka yihiin hoteelo waawayn oo casri ah oo halkaasi laga hirgalin doono.
Sida ay Ilaha ku dhowdhow heshiiska ay BBC u sheegeen, mashariicda ayaa sidoo kale waxaa ka mid noqon doona garoon leh terminaal oo midkood uu yahay mid ay ka degaan diyaaradaha sida xamuulka kana kacaan.
Heshiikan is-afgaradka ah oo ay ku bixi doono lacago lagu qiyaasay in kor u dhaafayso 1 bilyan oo doolar ayaa waxaa uu socon doonaa muddo 25 sano ah.
Ma jiro waqti cayiman oo loo qabtay in lagu hirgaliyo is-afgaradkan, balse sida ay ila wareedyada madaxtooyada Koonfur Galbeed ee BBC la hadlay ay sheegeen waxaa lagu wadaa in wafdi ka socda shirkadda Arab Digital Holding ay Soomaaliya yimaadaan bilaha soo socda.
Ila wareeyada ayaa intaa ku daraya in marka wafdiga shirkadda ay Soomaaliya yimaadaan ay u gudbi doonaan Baydhabo, halkaasi oo lagu wado in heshiiska rasmiga ah lagu saxiixo.
Waa markii ugu horreysay oo maamulka Koonfur Galbeed ay heshiis is-afgarad ah la galaan shirkad shisheeye oo fulinaysa mashaariic baaxaddaasi dhan.
Dalka Kuwait oo ah mid ka mid dalalka khaliijka ee qaniga ku ah shidaalka ayaan sanooyiinkii dambe si la mid ah dalalka kale ee khaliijka aan galaagal xooggan ku lahayn arrimaha Soomaaliya.













