Dhegeyso: Somaliland oo samaynaysa sharci looga hortagayo takoorka iyo haybsooca
Dhegeyso: Somaliland oo samaynaysa sharci looga hortagayo takoorka iyo haybsooca
Somaliland ayaa sheegtay in ay xeer gaar u ah la dagaalanka takoorka iyo hayb-sooca samaynayso, si wax looga qabto dadka bulshada ka mid ah ee gaarka loo faquuqo.
Xeerkan oo qabyo-qoraal ah, ayaa Wasaaradda Caddaaladu sheegtay inuu yahay mid baahi weyn loo qabay, ayadoo kiisaska takoorka ah ee dhaca marka Maxkamaddaha la geeyo loo waayi jiray xeer iyo sharci loo raaco.
Wasiirka Caddaaladda ee Somaliland Yoonis Axmed Yoonis, ayaa uga waramay BBC-da noocyada takoorka uu xeerkan wax ka qaban doono iyo baahida wakhtigan keentay. Weriye Saleebaan Saxansaxo ayuu Wasiirku u waramay


