Abu Ishaq Al-Huwaini: Waa kuma Sheekhan aadka loo hadal hayo ee ku geeriyooday Qadar?

Sheekha

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

Markii la maqlay warka geerida Xijaasi Muxamed Yuusuf Shariif oo loo yaqaan Abu Ishaq Al-Huwaini waxaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada.

Al-Huwaini wuxuu ku geeriyooday isbitaal ku yaal dalka Qadar maalintii Insiinta kaddib markii uu xanuunsaday. Al-Huwaini waxa uu jiray 68 sano.

Dadka adeegsada baraha bulshada siyaabo kala duwan ayey uga hadleen geerida Sheekha. Qaar waxay ammaaneen taariikhdiisa halka kuwa kalena ay dhaliileen fakarkiisa.

Kuwa isaga taageersan waxay ku tilmaameen geesi tolwaayay iyo nin markaad aragto aad xusuusaneyso in uu noolaa qarnigii koowaad sida qoraal la soo dhigay Facebook lagu qoray.

Dadka qaar waxay ku tilmaameen Al-Huwaini nin u noolaa sidii qarniyadii hore Islaamkana uu soo koobay diinta Islaamka, waxa la xarrimay waxaa ka badan waxa la oggolaaday ayey ku qoreen baraha bulshada.

Mid ka mid ah dadka baraha bulshada qoraallada soo dhigay ayaa Facebook ku qoray. "waxaan u arkaa nin ka mid ahaa culumada la ixtiraamo balse markii dambe marada ka dhacday."

Qof kale ayaa isna ka hadlay Sheekha oo qoray in Hijazi Muhammad Yusuf Sharif uu geeriyooday mar hore, hadana waxay naftu ka baxday qof hore u dhintay. Dadka qaar waxay kula taliyeen ardyada Al-Hawini in aysan ku xusuusan fatwooyinkiis cajiibka ahaa balse ay ku xusuustaan sidii uu ugu dhiirranaa raaligelinta.

Intii dadku dhiibanayeen afkaartooda waxyaabaha la soo dhigay waxay u kala qeybsanaayeen labo qeybood. Waxay sheegeen mar in fakarkiisu uu ahaa mid diimeed halka marna uu ahaa mid aan diin shaqo ku laheyn, iyagoo ku tilmaamay inuu la mid yahay fakarka inantii uu dhalay Sayed al-Qimni. Fakarta gabadhaas wuxuu ahaa mid aan diin shaqo ku laheyn.

Qoraalada la soo dhigay baraha bulshada waxaa laga dareemayay sida weyn ay bulshada Masar ugu kala qeybsan yihiin labada fakar ee kala ah kan al-Qumni ee cilmaaniga ah iyo kan al-Huwaini oo u taagan fakar salafiga ah.

Waa kuma Abu Ishaq Al-Huwaini?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hijazi Muhammad Youssef Sharif wuxuu bishii June sanadkii 1956-dii ku dhashay tuulada Hawin ee magaalada Kafr El-Sheikh ee waqooyiga Masar. Magaca lagu naaneyso Hawini halka ayuu ka yimid.

Naanistiisa kale ee "Abu Ishaq" waxa ay ka timid Abu Ishaq al-Shatib oo ka mid ahaa caalimiinti Andalus oo qoraalasdiisa Hijazi ayaa soo jiiteen. Abu Ishaq Al-Huwaini wuxuu ku taqasusay qeynuunka Islaamka gaar ahaan Axaadiista. Sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay qoraalada Sheekh Muhammad Nasir al-Din al-Albani.

Al-Huwaini waxa uu cilmiga kas oo bartay culumo badan oo ahaa Masaari, Urdun, Sacuudi iyo Sudan.

Ka hor inta uusan baran cilmiga, Hijazi waxa uu joogay dalka Spain halkaas uu luuqda Spanish-ka ku qaadanayay heerka labaad ee jaamacada. Wuxuu ahaa aqoon yahan ka soo qalinjebiyay jaamacada Ceynu Shamsi.

Hijazi ma sii wadan waxbarashadii uu u tagay Spain. Masar ayuu dib ugu soo laabtay. Wuxuu go'aansaday in uu beddelo wixii uu baranayay.

Ugu dambeyn wuxuu go'aansaday in uu barto diinta Islaamka gaar ahaa cilmiga axaadista iyo tafsiirka Qur'aanka iyadoo meesha laga saarayo "salafiyada ku dhisan siyaasada iyo dagaalka".

Al-Huwaini waxa uu aad u daneynayay axaadiista saxiixa ah iyo cadeyntooda. Buugaag badan ayuu qoray. Buugtii uu qoray waxaa ka mid ah Al-Nafilah, Saxiixh Al-Qasas Al-Nabawi iyo Al-Inshirah oo ka hadlay guurka. Sidoo kale Al-Hawini wuxuu soo jeediyay barnaaminyo badan oo ka baxay telefishinka.

Bogga rasmiga ee Jaamacadda Al-Azhar Al-Sharif ayaa lagu qoray tacsida Sheekha, waxaana lagu tilmaamay in naf iyo dadaal uu ku bixiyay sunnada Rasuulka CSWS.