Fatwooyinkii muranka dhaliyay ee Sheekh Yuusuf al Qaradawi

Xigashada Sawirka, Reuters
Sheekha caanka ah, Yusuf al- Qaradawi oo sidoo kale ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jameecada Ikhwaanul Muslimiin ayaa geeriyooday isagoo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Wuxuu ku dhashay dalka Masar sanaddii 1926-dii, isagoo in badan oo noloshiisa ah ku soo qaatay dalka Qadar. Wuxuu ahaa mid ka mid ah culimada ugu caansan dunida Muslimka, iyadoo qeyb ahaan ay ugu wacneyd khudbadihii uu ka jeedin jiray telefishinka Qadar laga leeyahay ee Al Jaseera.
Khudbadhihiisa oo ay malaayiin qof daawan jireen ayaa waxa ay sii huriyeen xisadihii horseeday in Sacuudiga iyo dalalka kale ee Gacanka ay xayiraad ku soo rogaan Qadar sanadii 2017-kii iyagoo sidoo kale Qaradawi ku tilmaamay wadaad argagaxiso ah.
Waxaan halkan ku soo koobeynaa xaqiiqooyin cajiib ah oo ku saabsan wadaadkan oo ay ku jiraan fatwooyin muran dhaliyay oo uu soo saaray:

Xigashada Sawirka, Reuters
Fatwadii Xajka
Fatwa uu soo saaray sheekh Qaradawi oo ku saabsan xajka ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn ballaaran oo uga timid in badan oo ka mid ah dunida Muslimka.
Qoraal uu soo dhigtay Twitter-ka ayuu ku yiri, “ Illaah uma baahno Xajka. In Muslimiinta gaajeysan la quudiyo, kuwa xannuusanna la daweeyo, kuwa hoy la’aanta ahna meel ay gabbaad ka dhigtaan la siiyo ayaa Illaah agtiisa qiimo badan ka leh marka la barbardhigo in lacag lagu bixiyo Xajka iyo Cumrada sannad kasta.”
La taliye sare oo ka tirsan boqortooyada Sucuudiga, Sacud al-Qahtani , oo markaas u jawaabayay sheekha ayaa sheegay inay “ dadka yaqaanno taariikhada calooshiis u shaqeystahan aysan la yaab ku ahayn fatwadiisa.”
Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si kulul u cambaareeyay fatwadan kuna eedeeyay Sheekh Qaradawi inuu minja-xaabinayo mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.
Dadka qaar ayaa u fasirtay inuu isku dayayay inuu cadaadiska ka weeciyo masuuliyiinta Qadar oo shacabkooda ka mamnuucay inay xajka aadaan sanaddii 2018-kii markii ay xurgfta dhexmratay dalalka Gacanka.

Fatwadiisii Sakada
Waxyaabihii uu caanka ku ahaa waxaa ka mid ah inuu isku dayay inuu fasiro shareecada islaamka gaar ahaan xeerarka la xiriira sakada si uu u yareeyo kala duwanaashaha Muslimiinta iyo dadyowga aan Miuslimiinta ahayn.
Wuxuu ku dooday in Sakada la siin karo dad aan Muslimiin ahayn mar hadii aysan dagaal kula jirn Muslimiinta.
Wuxuu sidoo kale fasiraad ku sheegay in Sakada aysan bannaayen in la siiyo dadka aaminsan fikriadaha mintdika ah ee ka dhanka ah diinta Islaamka, sida kuwa raacsan fikradihii shuuciga ee midowga Suufiyeet.

Xigashada Sawirka, AFP
Dalal badan oo kuwa Muslimiin ah ay ku jiraan ayaa laga mamnuucay
Qaradawi waxaa laga mamnuucay inuu galo dalal badan. Faransiiska ayaa mar laga tarxiilay. Mareykanka ayaa laga mamnuucay inuu galo sanaddii 1999.
Waxaa sidoo kale laga diiday dalalka Australia iyo UK. Dalalka Islamaka ee mar laga mamnuucay waxaa ka mid ah Tuniisiya, Aljeeriya, Suuriya, Ciraaq Masar, Imaaraadka Carbta iyo Sucuudiga.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In Qadaafi la dilo ayuu ku baaqay
Waxay taageerayaashiisa ku tilmaamaan inuu ahaa nin aan mayal adkeyn oo hormuud u ah codadka diidan fikradaha xagjirka ah. Wuxuu u ololeyn jiray dimuqraadiyadda. Wuxuu cambaareeyay weerarkii 11 September 2001-dii lagu qaaday Mareykanka. Balse mararka qaar wuxuu ku baaqay jihaad.
Intii uu socday kacdoonkii Carabta, waxa uu sheekhu ku baaqay in la dilo hoggaamiyihii Liibiya Mucamar al Qadaafi, wuxuuna ku baaqay jihaad ka dhan ah madaxweynaha Suuriya, Bashar Al Asad.
Wuxuu ku soo laabtay Qaahira markii Xusni Mubaarak xilka laga tuuray, wuxuuna kumannaan qof oo ku sugnaa fagaaraha Taxriir u sheegay in cabsidii laga dul qaaday reer Masar iyagoo xukunka ka tuuray “Fircoonkii casriga ahaa.”
Xukun dil ah ayaa lagu xukumay isagoo maqan
Isagoo dhallinyaro ah ayaa Qaradawi marar badan lagu xiray dalka Masar.
Maxkamad ku taalla dalkaas ayaa sanaddii 2015-ka ku xukuntay dil isagoo maqan. Waxaa ku wehliyay xukunkaasi dilka madaxweynihii hore ee masar, Maxamed Mursi iyo 90 qof oo kale.
Xukunkaasi wuxuu la xiriiray dad ka baxsaday xabsi ku yaalla Masar 2011-kii, wuxuuna sheekha ku tilmaamay mid bilaa sharci ah. Wuxuu ku sugnaa markaasi dalka Qadar.

Xigashada Sawirka, Reuters
Wuxuu ahaa takfiir diid
Qaradawi, oo Qur’aanka xifdiyay isagoo 10 sano jir ah ayaa waxaa uu mar guddoomiye u ahaa ururka caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta(IUMS).
Wuxuu ka soo horjeeday fikirka takfiirka oo ah fikir ay isticmaalaan kooxaha mintidiinta si ay cudur daar ugu sameeyeen dilka Muslimiinta ka aragti duwan iyagoo ku tilmaamaya inay yihiin murtadiin.
Wuxuu cambaareeyay kooxaha Al Qaacidda iyo Daacish.













