Toban dumar ah oo tartan u galay hal nin: Barnaamijka shukaansiga ee buuqa ka abuuray Itoobiya

Itoobiya

Xigashada Sawirka, D!nkTV

    • Author, Wedaeli Chibelushi & Nyasha Michelle
    • Role, BBC News

Wiil ayaa la kulmaya gabar. Gabadhu waxay jaceyl u qaadeysaa wiil. Gabadhu waxay iska ilaalineysaa xifaaltanka jaceylka iyo wiil - ugu dambeyntii - wuxuu u caddeeyaa jacaylka uu u qabo iyada.

Haddii aad taageere u tahay bandhigyada dhabta ah ee shukaansiga ee telefishinnada, waxaad arki doontaa dhowr nooc oo qisadan ah - waa sheeko si fiican loo soo dhisay oo ku soo baxday magacyada sida Love Island, Love is Blind iyo The Bachelor.

Laakiin gudaha Itoobiya, xaaladdan jaceylka ah ayaa jabisay dhaqankii.

Bethel Getahun oo muuqaallo sameysa ayaa ku guuleysatay Messiah Hailemeskel oo khabiir dhanka caymiska ah. Latey: Baadigoobka Jacayl – waa barnaamij lagu soo bandhigo telefishinka kaasoo kiciyay doodo ku saabsan xeerarka shukaansiga ee waddanka muxaafidka ah ee Bariga Afrika.

Sheekada Latey waxa ay ka tarjumeysaa bandhigga aan kor ku soo xusnay ee Mareykanka laga soo saaro, The Bachelor (runtii, Latey waa nooca Amxaari ee bachelor/bachelorette).

Toban haween ah ayaa ku qasbanaaday inay u tartamaan jacaylka Mr Messiah, oo ah 38 jir Itoobiyaan Mareykan ah oo ku koray kuna nool Dallas.

Intii lagu jiray taxanaha, haweenku waxay ku dagaallameen ciyaaraha feerka, tartamada kubbadda koleyga iyo xitaa tartan yaab leh halkaas oo ay ku qasbanaadeen inay sameeyaan xayeysiis TV ah oo loogu talagalay furaash, lagu magacaabo à la The Apprentice.

Iyadoo lagu baahiyay Youtube-ka, Letey waa barnaamij shukaansi naadir ah oo ka jira waddan uu dhaqan ahaan shukaansigu ka yahay arrin gaar ah.

Ku guuleysiga bandhig sidan heer sare u ah wuxuu u muuqdaa "mid dhab ah", Ms Bethel oo 25 jir ah ayaa sidaa u sheegtay barnaamijka Focus on Africa ee BBC. Todobaadyo laga soo bilaabo fiinalka, oo lagu uruuriyay in ka badan 620,000 aragtiyood, guusheeda ayaa wali "u muuqata sida calaamad sharafeed".

Dabcan, qof kastaa isku si uma dareemo.

"Fikirka bandhigga shukaansigu gabi ahaanba waa [fikrad reer galbeedka," ayuu yiri Semere Kassaye oo muuqaal-sameeye Itoobiyaan ah.

"Haasaawaha Itoobiya waligeed waxa ay ahayd arrin gaar ah, waana wax si taxadar leh loo kobciyo oo qoyska ama bulshada uun lagu soo jeediyo marka ay gaarto heer qaangaar ah."

Bethel Getahun

Xigashada Sawirka, Bethel Getahun

Qoraalka sawirka, Gabadha ku soo baxday Latey, Bethel Getahun, ayaan ku raacsaneyn dadka aaminsan in barnaamijku qiimo tirayo haweenka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mr Semere, oo 41 jir a, ayaa sidoo kale dareemaya in barnaamijku qiimo-tirayo haweenka, ulana dhaqmayo sida inay yihiin alaab.

Dhowr daawade ayaa isla sidoo kale qaba - mid faallo uga bixiyay YouTube-ka ayaa soo qoray: "Gabdho, ma tihiin shey qofka lacag heysta uu si fudud u heli karo."

Mid kale ayaa su'aal is weydiiyay: "Hal-abuurro badan oo qaab soo saaridda ah balse haddii dhaqanka ay kasoo horjeeddo, maxay tareysaa?"

Ms Bethel ayaa ku raacsan in haweenka oo si furan tartan ugu gala nin ay kasoo horjeeddo dhaqanka Itoobiya, balse waxay ku adkeysaneysaa in barnaamijku uu ka qaro weyn yahay dhaqanka.

"Micnaha guud ee barnaamijka waa in wakiil looga noqdo haween kala nooc ah," ayay tiri.

Inkastoo lagu muransan yahay, haddana Latey ayaa guulo soo hoyay. Haweenka - oo isugu jira maamuleyaal hoteello, kuwo diyaaradaha ka shaqeeya iyo xisaabiyeyaal - ayaa noqday kuwo aad isku fahma, iyagoo sheekooyinka noloshooda isla wadaagay daawadayaashana la wadaagay.

Mid ka mid ah sheekooyinka ugu murugada badan, aktaradda Vivian ayaa sheegtay inay usoo qaxday Itoobiya oo ay kasoo carartay Eritrea, oo dalkaasi deris la ah isla markaana ku qasba inay ku biiraan militariga. Waxaa sidoo kale aad loogu eedeeay tacaddiyo dhanka xuquuqda aadanaha ah.

Vivian ayaa keligeed usoo safartay Itoobiya hooyadeedna ma aysan arkin muddo shan sano ah.

"Aad baan ugu xiisay," ayay tiri iyadoo ay ilmadu ka qubaneyso.

Dhanka kale, Rahel, oo dharka xayeysiisa, ayaa sharraxday inay iskuulka isaga baxday si ay shaqooyin kala duwan uga shaqeyso walaalaheedna u quudiso.

Soo bandhigidda sheekooyinka haweenkan iyo damacooda jaceyl ayaa noqday kuwo lagu ammaanay Latey.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, D!nkTV

Qoraalka sawirka, Haweenka ayaa galay tartamo kala duwan

In Itoobiya laga hirgeliyo barnaamij heer caalami ah ayaa dad badan farxad geliyay, iyadoo mid ka mid ah dadka faallada dhiibtay uu yiri: "Gebi ahaanba jaceylka qaadashada khatarta, iyadoo la tixgelinayo sida ay bulshadeennu dhaqanka u eegaan... waxaan mar walba rabay inaan arko barnaamijyada kale oo qaabka Itoobiya loo sameeyay. Tani waa marxalad xusid mudan."

Mid kale ayaa yiri: "Weligey ma sawiran inaan The Bachelor ku daawado gudaha Itoobiya, balse waxaad sameyseen shaqo fiican inaad ka dhabeysaan."

Telefishinka D!nk TV oo taxanahan laga sii daayo ayaa sidoo kale qorsheynaya barnaamij kale.

Markan, haweeney madax bannaan ayaa hal ka dhex dooran doonta 10 nin.

Haddii aan usoo laabanno Ms Bethel iyo Mr Messiah? Nasiib-darro, sheekadooda jaceyl ayay caqabad ku timid.

"Waa masaafo dheer sababtoo ah wuxuu hadda jiraa Mareykanka oo uu la joogo wiilkiisa. Marka dhabtii way adag tahay... Ma aqaan meesha ay ku dhammaan doonto, caadiyan." Ayay tiri.