"Shukaansiga shirqoolka": Qaar ka mid ah gabdhihii ragga garaacay oo lasoo qabtay

Nin

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Booliiska magaalada Kismaayo ayaa maanta soo bandhigay gabdho iyo wiilal ay sheegeen inay shirqooleen nin, kaddibna ay muuqaal ka duubeen iyagoo garaacaya.

Dhamme Shukri Faarax Ducaale oo ka tirsan saraakiisha booliiska gobolka Jubbada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wiilasha iyo gabdhaha ay gurigooda ku ballamiyeen wiilkan.

"Booliiska waxaa u suurto gashay inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanayaasha oo kala ah afar wiil iyo labo gabdhood," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in gabdhaha ay marka hore wiilka ku ballamiyeen gurigooda, kadibna ay u diyaariyeen wiilal garaaca.

Wuxuu sheegay in eedeysanayaashan la horgeyn doono maxkamadda.

Wuxuu ka digay in bushadu ay ka foojignaato falkan oo uu sheegay inuu maalmahan heystay baraha bulshada, ciddii lagu soo qabtana sharciga la marsiin doono.

Jubaland

Xigashada Sawirka, SCREENGRAB

Qoraalka sawirka, Dhamme Shukri Faarax

Ragga shukaansiga lagu shirqoolayo

Waxaa dhowaan baraha bulshada Soomaalida qabsaday muuqaalka nin ay garaacayaan labo haweeney, kaasoo ay ka muuqato cabsi weyn mararka qaarna la maqlayo isagoo oynaya oo gabdhaha ka codsanaya inay iska sii daayaan.

Labadan haween oo sida uu ninkan afkiisa ka sheegayo lagu kala magacaabo Shamso iyo Deeqo ayaa la arkayaa iyadoo mid ka mid ah ay ul ku garaaceyso, halka midda kalena ay u muuqato inay muuqaalka duubeyso.

"Sow kuma dhihin ha isoo wicin, ma adigaan maaro kaa waayay, waa ley qabaa sow kuma dhihin?" ayay mid ka mid ah gabdhaha weydiineysaa ninkan.

Sidoo kale muuqaalka ayaa laga arki karaa isagoo loogu handadayo inuu lacag u diro gabdhaha.

Lama oga sababta dhabta ah ee ay gabdhahan u garaacayeen ninkan, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan in shukaansi lagu shirqoolay. Warar kale ayaa sheegaya in arrintu ay ka bilaabatay lacago deyn ah.

Warar ayaa soo baxay oo sheegaya in labadan gabdhood ay soo qabteen laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho, hase yeeshee arrintan lagama xaqiijin booliiska magaalada.

Deeqo

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Muuqaalka ayaa laga arkayaa wiilka oo lacag u diraya gabdhahan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ninkan oo muuqaalkaas kadib warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in guriga mid ka mid ah gabdhaha oo Shamso lagu magacaabo uu u tegay lacag uu ku lahaa oo ay ku tiri waan ku siinayaa.

"Qoftaan waxaa naga dhaxeysay wada shaqeyn, waxay iga qaadatay deyn, muddo ayaa kasoo wareegatay, 60 doollar ayay ahayd, ilaa lix bilood ama ka badan ayaa kasoo wareegatay," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in lagu yiri lacagta guriga ayay taallaa ee soo doono, markii uu guriga tegayna la garaacay.

Wuxuu xusay inuu yahay xaasle carruur leh, isla markaana lacagta ka maqan ay uga daran tahay dhaawacyada jirkiisa la gaarsiiyay iyo muuqaalka laga duubay.

Wiilkan ayaa markii dambe ay u suurtogashay inuu guriga gabdhaha ka baxsado, kaddib markii lacag 10 doollar ah uu telefoonkiisa uga diray gabdhaha.

"Wax damac ah oo gabdhaha iiga jiray ma lahayn" ayuu intaas raaciyay.

Waa gacansade xoolaha ariga ah, wuxuuna sheegay in gabdhaha keliya aysan arrintu ahayn balse ay jireen rag kale oo qori ku hayay.