Waa ayo labada muuqaal duube ee geeridooda ay ka naxeen fanaaniinta Soomaaliyeed?

Mustafe iyo Liibaan

Xigashada Sawirka, Mustafe iyo Liibaan/ Facebook

Mustafe Saleebaan iyo Liibaan Daahir, oo ahaa labo muuqaal duube oo ka tirsanaa shabakadda Waqal ee duubta muuqaalada heesaha ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay degmada Sheekh.

Labadaan muuqaal duube ayaa ka mid ahaa afar qof oo saarnaa gaari u socday magaalada Burco ee gobolka Togdheer, kaas oo ay ku geeriyoodeen labadoodu, labadii qof ee kalana ay ku dhaawacmeen.

Sida uu noo sheegay Abwaan Siciid Gahayr oo ay saaxiibo ahaayeen Mustafe, muqaal duubayaasha ayaa doonayay inay soo duubaan aroos ka dhacayay magaalada Burco.

Markii uu shilku dhacay ayaa la sheegay inay u soo gurmadeen kooxdaha caafimaadka ee isbitaalka Sheekh.

Mustafe ayaa horay uga tirsanaa kooxdii Xidigaha Geeska ee ka dhisnaa Somaliland, isaga oo ka mid noqday aasaasayaasha kooxda sanadkii 2013 kii. kadib wuxuu ka soo qabtay xilal kala duwan, isaga madaxda kooxda kamid ah, sida uu noo sheegay Abwaan Gaheyr.

Balse horay wuxuu u ahaa muuqaal duube madaxbanaan oo fadhigiisu yahay magaalada Boorame, iyada oo fanaaniintu ugu tagi jireen goobtiisa shaqada, si uga duubo muuqaallada heesahooda.

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo degan magaalada hargeysa oo la hadlay BBC da ayaa u qiray labadaan muuqaal duube inay horumar la taaban karo ku soo kordhiyeen fanka Soomaalida.

"Wax soosaarka uu fanaanku sameeyaa waxay u baahan yihiin kaabid kala duwan...marka duubitaanadooda iyo xarfadooda sare iyo ka go'naantooda shaqo waxay suurta galisay in wax soo saarkii hobolada iyo heesaagu ay si dhaqsi leh oo tayo leh u gaaraan umadda Soomaalida" ayuu yiri Abwaan Gaheyr oo la hadlay BBC.

Waxa kale oo uu sheegay Gaheyr in farsamada casriga ee ay hugaaminayaan baraha bulshada ay xoriyad siisay faniinta Soomaalida, Mustafe iyo Liibaan ayuu sseegay inay qayb ka noqdeen sidii ay fanaaniintu xor ugu noqon lahaayeen wax soosaarkooda.

Abwaan Gaheyr ayaa yiri: "Barigii hore waxaa laga yaabaa in TV-yo ay wax u duubi jireen fanaaniinta oo kolba ay isku dhici jireen. Mar waxaa laga yaabaa in bar gaar ah ayuu u duubi jiray, iminkana waxaa la marayaa farsamadii heer in hobol kastaaba uu yeelan karo YouTube lagala socdo fankiisa, marka Mustafe iyo Liibaanba waxay ahaayeen ragaa doorka wayn ka qaatay horumarinta fanka".

Mustafe iyo Liibaan

Xigashada Sawirka, Mustafe iyo Liibaan/ Facebook

Sidee loo dareemay Geeridooda?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bahda fanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku sugan Somaliland ayaa qaarkood dareenkooda ku aadan geerida ku timid labadaan muuqaal duube ku cabiray baraha Bulshada.

Abwaan Xasan Dhuxul laabsaalax oo horay uga tirsanaa kooxdii Xidigaha Geeska hadana ah xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee Somaliland ayaa ku soo daabacay bariisa Facebook in ay ahayd geeridii ugu naxdinta badneyd ee uu maqlo.

"Guux, qaylo iyo aammus, waxaa ii xigtay geeridiisa", ayuu qoraalkiisa ku yiri Laabsaalax oo sheegay inuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee ay taleefanka ka wada hadleen.

"Erayadiisii waxaan ka xasuustaa 'waa aynnu isu iman. Hawl baa jirta'. Ballantii aannu lahayn waxa ka soo hormaray wedka oo ah qaddar Alle oo aan sinaba loo dhaafin", ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Laabsaalax.

Axmed Aarshe oo kamid ah fanaaninta Hargeysa ayaa isna bartiisa Facebook ku soo qoray, "Aduunyooy xaalkaa ba'. Allaha idiin naxariisto walaal Mustafe Saleebaan iyo Liibaan Daahir".

Dhanka kale Najma Nashaad oo ah fanaanad da'yar oo ku sugan Hargeysa ayaa sheegtay inay fanka isaga baxday kadib dhimashada labadaan muqaal duube.

Laabsaalx

Xigashada Sawirka, Laabsaalax

Aaska Mustafe iyo Liibaan

Markii uu shilku dhacay kadib, sida uu noo sheegay Abwaan Siciid Gahayr waxaa magaalada Barbera uga hortagay maydka qaar kamid ah fanaaniinta reer Hargeysa. Qaarkood ayuu sheegay inay ka soo safreen magaalada Jigjiga oo ay ku sugnaayeen si ay aaska uga qayb galaan.

Maydka labada muuqaal duube ayaa la kala geeyay magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa oo la filayo maanta uu ka dhaco.

Mustafe ayaa maydkiisa la geeyay magaalada Hargeysa, halka Liibaan la geeyay magaalada Boorame.