'Seefta Caddaaladda': Muxuu madaxa cusub ee al-Qaacidda ka beddeli doonaa kooxda?

al-Qaacida

Xigashada Sawirka, Reuters

Kooxda al-Qaacida ayaa dhowaan soo saartay buug ay kaga hadlayso sannad-guuradii 11-aad ee weerarradii 9/11 kaas oo uu qoray Muxamed Salax Al-Diin Zaidan, oo ah magaca dhabta ah ee hoggaamiyaha cusub ee ururka, lana rumaysan yahay inuu yahay qofka beddelay hoggaamiyihii hore ee kooxda Ayman Al-Zawahiri.

Ururku weli ma xaqiijin dilka Al-Zawahiri, oo Maraykanku uu sheegay in uu ku dilay Kabul 31-kii July, 2022, iyo magacaabista "Saif Al-Adl" kaas oo la rumaysan yahay in uu beddelay.

Al-Qaacida ayaa sidoo kale soo saartay daabacaad cusub oo ah majaladda ugu weyn kooxda oo loo yaqaanno, "Hal Qaran," oo loogu talogalay sannad-guuradii weerarradii Sebtembar 11, oo ay ku hanjabtay "weerarro aad uga weyn weerarradii September."

Maqaal, la rumeysan yahay inuu qoray hoggaamiyaha cusub ee Al-Qaacida Zaidan, ayaa ku nuuxnuuxsaday in weerarradaas aysan ku filneyn inay Mareykanka ku qasbaan inuu beddelo siyaasaddiisa iyo dhiirigelinta jihaad doonka inay sii wadaan weerarradooda si ay u gaaraan hadafkooda.

AL-QAEDA

Xigashada Sawirka, AL-QAEDA

La qabsiga isbeddellada?

Getty images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida laga soo xigtay kooxda BBC-da ee dabagasha warbaahinta jihaad doonka ah, buugiisa cusub, Zaidan ayaa ugu baaqay mujaahidiinta in ay fogaadaan fikirka dhaqanka oo ay noqdaan kuwo hal abuur leh, firfircoon, oo is dhaleeceeya si ay u gaadhaan guul, taas oo u muuqata isku day kooxdu ay ku wajaheyso marxaladaha soo wajahay iyo isbedel ku yimid shaqada ururka iyo duruufaha ku xeeran.

Zidane ayaa ku doodaya in mujaahidiintu ay tahay inay ahaadaan kuwo hal abuur leh oo si weyn u fakara, kana fogaadaan inay go'aansadaan qorshe ama xeelad aan ammaan aheyn.

"Cadowgu waa in uusan saadaalin karin tallaabada xigta ee mujaahidiinta." Ayuu ku nuuxnuuxsaday

Muxuu Zidane kaga duwan yahay Al-Zawahiri?

Getty images

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Aragtiyo iyo qoraallo hore oo uu qoray Zaidan iyo magacyo kale oo uu qaatay sida Abu Khaled al-Sancaani ayaa muujinaya in ninku uu ka xeelad badan yahay ninkii isaga ka horreeyay ee al-Zawahiri.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qoraalladiisa ayaa si weyn uga duwan kuwa Al-Zawahiri, oo in kasta oo uu sidoo kale saamayn ku lahaa xeeladda, haddana inta badan waxaa uu diiradda saaraaa arrimaha aragtida iyo diinta, mararka qaarkoodna waxa uu u dhaqmi jiray daaci iyo hoggaamiye mayal adag isaga oo u adeegsan jiray khudbado diineed.

Dhinaca kale, buugga ayaa k hadlaya mawduucyo badan oo kala duwan oo la xidhiidha istiraatijiyadda, laga bilaabo xirfadaha hoggaaminta, dhismaha kooxaha iyo ilaa xeeladaha jabhadda.

Waxa kale oo uu ka hadlayaa muhiimadda ay leedahay in kooxdiisu u furnaadaan "fikrado cusub, isbeddello, horumarrada tignoolajiyada, istaraatiijiyada, iyo dagaalka.

Qoraagu ayaa si adag ugu ololeeyay fikradda ah in la qabto shirar dib-u-eegis ah ka dib mashruuc kasta ama hawlgal gaar ah, haddii la guulaysto iyo haddii kaleba, si loo lafaguro qorshaha, fulinta iyo natiijada.

Waxa uu ku calaacalay in guusha kaddib, jihaadiyiintu ay inta badan aad ugu mashquulaan dabaaldegyada, halkii ay ka fariisan lahaayeen sidii mashruucu u dhacay.

Ka fogaanshiyaha bartilmaameedyada rayidka

COLLAGE/FBI

Xigashada Sawirka, COLLAGE/FBI

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dagaalka jabhadeynta, gaar ahaan meelaha magaalooyinka, in weerarradu aanay noqon karin kuwo guulaysta ama saamayn dhab ah yeesha haddii aan loo fulin si xidhiidh ah.

Isla buugiisa, hoggaamiyaha al-Qaacida ayaa ku talinayaa in la qaado weerarro isdaba joog ah, oo ay la socoto mowjado dacaayada xoog leh ah si ay uga caawiso faafinta wararka argagixisada, bulshada dhexdeeda, si ay u dareemaan in aanay jirin meel ammaan ah. Waxaa kale oo uu in badan buuggiisa diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay dagaalka nafsiga ah si looga adkaado cadawga.

Zidane ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in laga fogaado bartilmaameedyada rayidka ah, haddii ay ahaan lahayd dhulka ay maamulaan ama dhulka ay dowladdu maamusho," isaga oona ugu baaqay kooxdiisa in diiradda la saaro saraakiisha amniga iyo shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale hay'adaha dawladda ee muhiimka ah.

Soo jeedintiisa ayaa kusoo aadaysa iyada oo howlgalada kooxdiisu uu sababay dhimashada kumannaan qof oo rayid ah. Tan iyo markii la aasaasay.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi: “Laba waajib ayaa na saaran: wacdi iyo jihaad. Haddii aan beegsanayno shacabka, sidee uga filan karnaa inay aqbalaan baaqeenna Islaamka?

Muxuu ula jeedaa "khiyaanada saaxiibbada"?

Buuggiisa, Zidane wuxuu ka qoomameeyay "Khiyaanada Saaxiibada" isagoo aan magacaabin shakjsi.

Qeybtan waxaa loo fasiran karaa inay tixraac u tahay saaxiibbadii hore ee al-Qaacida oo xiriirka u jaray, markii dambena noqday cadow, sida dowladda Islaamiga ah (ISIS) iyo Hay’at Taxriir Al-Shaam, oo labaduba asalkoodu ka soo jeedo. Al-Qaacida.

Waxa uu sheegay in la-hawlgalayaashu ay ogaayeen "mabaadi'dayada iyo akhlaaqdayada awgeed" in Al-Qaacida aysan sirtooda daaha ka qaadin ama aysan si xun uga hadlin iyaga si fagaare ah, sidaas darteed ay uga faa'iideysteen inay weeraraan.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aan loo dulqaadan karin “saaxiibka xun”, ficilladoodana aan la xaq-yeelan karin, iyo in hoggaanka kooxdu uu noqdo mid firfircoon oo go’aan qaadasho leh sida in xiriirka loo jaro la-hawlgalayaashan xun, ama in isla markaaba meesha ka saaraya canaasiirta la tuhunsan yahay ee ku dhex jira.

Waa sidee xaaladda sharci ee maanta?

Getty images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka doodista ku saabsan saaxiibbadii hore ee ururka ayaa loola jeedaa dagaal ka dhex qarxay 2013 dhaqdhaqaaqa jihaadka ee u dhexeeya Al-Qaacida iyo laanteeda cusub ee dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Wadamo badan, gaar ahaan Afgaanistaan, qaybo ka mid ah Sahel Afrika, iyo Suuriya, Al-Qaacida iyo xulafadeeda ayaa dagaal toos ah kula jira dawladda Islaamiga ah. Dhinaca kale dalka Afqaanistaan, Daalibaan ayaa dagaal dhiig badan ku daatay kula jira faraca dowladda Islaamiga ah ee halkaas ku sugan (Gobolka Khorasan).

Afrika maanta waa fagaaraha ugu horreeya ee Al-Qaacida, iyadoo xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh kooxdu ay Soomaaliya ka wadaan howlgalo argagaxisonimo.

Afrika ayaa noqotay xudunta ay ku dagaallamaan kooxaha jihaad doonka ah sida al-Qaacida iyo Daacish, gaar ahaan gobolka ku teedsan gobolka Saaxil ee waqooyi galbeed Afrika.

Kooxahan ayaan keliya u dagaalameyn in ay afgambiyaan dowlado ay ku sifeeyeen “Murtad”, balse sidoo kale waxaa jira dagaallo dhexdooda ah oo ay saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah.

Waa kuma Saif Al-Adl?

Getty images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saif al-Adl, ama Muhammad Salah al-Din Zaidan, ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah xubnaha ugu waxtarka badan ee al-Qaacida, iyo mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii noolaa ka hor weeraradii Sebtembar 11.

Zidane ayaa la rumeysan yahay in uu kasoo jeedo gobolka Menoufia ee dalka Masar, waxaana jira warar is khilaafaya oo ku saabsan taariikhda dhalashadiisa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu dhashay 1960-kii, halka kuwo kalena ay sheegayaan inuu dhashay 1963-kii.

Waxa uu qaatay fikrado xag-jirnimo intii uu ku jiray qaan-gaarnimadiisa, laakiin xogaha ku xeeran ku biiristiisa "Dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamka" ee Masar ayaa ah mid dahsoon.

Badhtamihii siddeetamaadkii, Zidane waxa uu darajada korneel ka gaadhay ciidamada gaarka ah ee Masar, waxaanu ka tirsanaan jiray kooxo Islaamiyiin ah oo xag jir ah oo ka soo horjeeday xukunkii Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak.

Waxa la xidhay sannadkii 1987-kii, iyada oo qayb ka ahayd olole ballaadhan oo xadhig ah oo ay ku jireen lix kun oo qof, kaas oo ka soo horjeeday isku-day dil oo ka dhan ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Masar, Xasan Abu Pasha. Zidane ayaa la sii daayay kaddib markii la waayay cadaymo ku filan .

Kadib markii lasii daayey Zaidan ayaa u ka dhoofay dalka Masar isaga oo gaaray dalka Sucuudiga, waxaana la rumaysan yahay in uu la kulmay Usama Bin Ladin mar uu ka mid ahaa safaro uu ku tagay magaaladii uu ku dhashay si uu deeq ugu ururiyo Jihaadka Afgaanistaan.

Waxay u badan tahay in Saif al-Adl uu ka guuray halkaas oo uu u guuray Afgaanistaan, halkaas oo uu ka qayb qaatay dagaalladii ka dhanka ahaa ciidamadii Soofiyeeti.

Kadib dhicistii dawladdii Midowga Soofiyeeti ee Afqaanistaan sanadkii 1992-kii iyo soo galitaanka kooxda ee caasimadda Kabul, Bin Ladin ayaa u raray dhaqdhaqaaqyada al-Qaacida Suudaan,halkaa oo uu Saif al-Adel ka caawiyay inuu xeryo tababaro ka sameeyo halkaas, wuxuuna tababaray dagaalyahannada Soomaaliya si ay uga hortagto ciidamada Mareykanka.

Saif al-Adl ayaa ku qanciyay Usama bin Laden in uu taageero dhaqaale u fidiyo kooxda Abu Muscab al-Zarqawi ee Urdun si ay xero tababar uga samaystaan gobolka Herat ee dalka Afgaanistaan oo u dhaw xadka Iran.

Marka loo eego marag-furka Khalid Sheikh Mohammed, maskaxdii ka dambeysay weeraradii September, Bin Ladin iyo sarkaalka militariga ee ururka, Muhammad Atef (Abu Xafs al-Masri) waxay ku heshiiyeen gu'gii 1999-kii in la fuliyo weeraradii September 11, kaas oo Saif. al-Adel lagu wargaliyay qorshaha bishii April 2001.

Saif al-Adel ayaa la rumeysan yahay inuu weli degan yahay Iran oo lagu soo rogay xayiraado.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 7.5 Milyan oo Giniga Istarliinka ah iyo 10 Milyan oo Doollar u balan qaaday ciddii keenta xog isaga ku saabsan, taas oo ay ugu wacan tahay doorkii uu ku lahaa qaraxyadii safaaradaha Maraykanku ku lahaa Nairobi iyo Daarasalaam sannadkii 1998-kii, kaas oo ay ku dhinteen 224 qof.

Bishii Nofembar 1998-kii, Zaidan ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu maleegayay dilka muwaadiniinta Mareykanka, burburinta hanti uu Mareykanka leeyahay, iyo inuu burburinta qaar ka mid ah xarumaha difaaca qaranka Mareykanka.