Maalintii uu Mullah Cumar jabiyay astaanta geela ee hadiyad ahaanta loo siiyay

Safiirka Shiinaha iyo hoggaanka Taliban

Xigashada Sawirka, M.F.A

Dalka Shiinaha ayaa todobaadkii aanu soo dhaafnay noqday waddankii ugu horreeyay ee safiir u soo magacaabay Kabul kadib markii Taliban ay la wareegtay awoodda Afqaanistaan.

Ma jiro dal weli si rasmi ah u aqoonsaday maamulka Taliban ee ka jira Afgaanistaan, halka Shiinuhu uu sheegay in magacaabista safiirka Kabul ay tahay arrin caadi ah, islamaarkana Shiinahana uu doonayo inuu sii wado wadahadalka iyo iskaashiga Afghanistan.

Waa xusid mudan in 20-kii sano ee ciidamada Mareykanka ay ku sugnaayeen Afgaanistaan, uusan Shiinuhu waligiis taageero milateri siin Taliban, taasoo muujineysa in Shiinuhu uusan daneyneynin xiisadda milateri ee reer galbeedka uu la galo.

Si kastaba ha ahaatee, xilli Maraykanka iyo dalalka xulafada ah ay dardargaliyeen wadahadal nabadeed oo lala yeesho Taliban, Shiinaha ayaa isna waddaasi raacay.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Taliban ayaa booqday Shiinaha horraantii 2017-kii, iyadoo ka hor wakiilo ka socda Shiinaha ay dhowr jeer la kulmeen Taliban.

Booqashada kale ee muhiimka ah ee wakiillada siyaasadeed ee Taliban ay ku tageen Shiinaha waxay ahayd Luulyo 2021, markaasi oo Mareykanka uu ku dhowaa in uu gabi ahaanba kala baxo ciidamadiisa Afgaanistaan.

Mowqifka rasmiga ah ee Shiinaha ayaa markaas ahaa inuu doonayo inuu dhexdhexaadiyo dhinacyada isku haya si gobolka xasilooni loogu soo dabalo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhab ahaantii, dhowr toddobaad ka dib kulankaan, Taliban waxay la wareegtay gacan ku haynta Afgaanistaan, Shiinaha ayaa ka mid ahaa wadamada xiriirka la leh Taliban.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilli waddamo badan oo reer galbeed ah ay albaabada u laabeen safaaradahooda magaalada Kabul, ayaa Shiinaha waxa uu albaabada u sii furayay safaaradiisa. Joogitaanka safaaradda Shiinaha ee Kabul waxay calaamad u ahayd isbeddelka siyaasadda dalkaas ee ku aaddan Taliban.

Waxaa xusid mudan in Shiinuhu uu xiray safaaraddii uu ku lahaa Afgaanistaan ​​markii ugu horaysay ee Taliban ay qabsato magaalada Kabul 1996-kii,waxaana ay dib u soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed kadib markii ay dawladii Maraykanka taageerayeen ay la wareegtay talada dalka Afganistan sanadkii 2002.

Xukuumadii hore ee Afqaanistaan ​​waxa ay xiriir aad u dhaw la lahayd Shiinaha.

Sannadkii 2014-kii, Janan Musazai, oo ah safiirka Afgaanistaan ​​u fadhiya Beijing, ayaa sheegay in "Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu tababaro askarta Afgaanistaan."

Si kastaba ha ahaatee, taariikhda xiriirka Shiinaha iyo Taliban ayaa ah muddo soo jiray waxaana uu soo bilaabmay markii ugu horeysay ee ay kooxdan dalkaasi la wareegeen.

Buuraleyda Afqaanistaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Goorma ayuu bilaabay xiriirka diblumaasiyadeed ee Shiinaha iyo Taliban?

Sannadkii 1999-kii, wafdigii ugu horreeyay ee diblumaasiyadeed oo Shiinees ah ayaa loo diray Pakistan si ay ula kulmaan hoggaamiyeyaasha Taliban, bishii Nofeembar 2000, safiirka Shiinaha ee Pakistan ayaa hoggaaminaya wafdi u tagay Kandahar si uu ula kulmo Mullah Muhammad Omar, hoggaamiyihii iyo aasaasihii Taliban.

Mullah Abdul Salam Zaeef, oo markaas ahaa safiirka Taliban ee Islamabad, ayaa ka sheegay kulankaan inuu ahaa diblomaasigii ugu horeeyay ee aan Muslim ahayn oo la kulmo Mullah Muhammad Omar.

Waqtigaas, Shiinuhu wuxuu ka walaacsanaa taageerada Taliban ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Bariga Turkestan (koox hubaysan oo ka soo horjeeda Shiinaha) iyo joogitaanka xubnahooda ee Afgaanistaan.

Waqtigaas, falanqeeye iyo sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Taliban, Waahid Mujaddad, wuxuu ku qoray buugiisa 'Afghanistan iyo shanta sano ee Taliban': 'Wefti ka socda Shiinaha ayaa yimid Kabul oo u dhoofay Qandahaar. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay Taalibaan si ba’an u dhaleeceeyeen beesha caalamka oo ay ku eedeeyeen inay burburiyeen taallooyinkii Buddha.

Madaxa weftiga Shiinaha oo kulanka la yeeshay Mullah Muxamed Cumar, ayaa waxa uu la furay sanduuq, waxa aanu la soo baxay taallo geel ah oo ka samaysan foorno, ka dibna waxaa uu u jeestay Mullah Cumar oo uu ku yiri, Taalladan waxa aan kuu siiyay hadiyad ahaan . " Waxaanse u soo bandhigayaa rajo ah in xiriirka dalalkeenu uu mar kale ku soo noqdo sidii uu ahaan jiray.

Sida uu sheegay Mujaadadi: Mullah Cumar waxa uu ku sugnaa xaalad adag, wax uu sameeyo-na wuu garan waayay. Turjubaanka goobta joogay oo isaga laftiisu arday ah, ayaa Mullah Omar afka Pashto ugu sheegay in martida ay aad uga caroon doonaan haddii aanu aqbalin hadiyadda.

Mullah Cumar ayaa si degdeg ah u guddoomay taaladaasi waxaa uuna si degdeg ah u saaray miiska sidii qof loo dhiibay wax kulul.

Markii uu shirku dhamaaday oo waftigii Shiinuhu ka baxeen, ayaa waxaa uu Mulla Cumar soo qaaday taalladii oo uu dhulka ku dhuftay isla markaana jajabiyay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerar ay Mareykanka la beegsadeen saldhigyo Al-Qaacida sanadkii 1998-dii gobolka Khost, ay taalibaan haraadiga qeybo ka mid ah gantaallada Mareykanka siiyeen Shiinaha, taasoo Taliban ay ilaa hadda beeniso.

Shiinuhu waxa uu hore kaalintiisa uga qaatay in uu tababaro mujaahidiinta Afgaanistaan, isaga oo keenay Kalashnikov iyo gantaalada difaaca Shiinaha ee ka dhanka ah duullaanka Soofiyeetka ee Afgaanistaan, laakin waxaa yaab leh in aanu weli sii wadin taageerada uu siiyo kooxaha jihaad doonka ah ee Afgaanistaan. Taas beddelkeeda, Iran, Pakistan iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa sii waday taageeradooda.

Afgaanistaan, dagaalyahanada kooxda ayaa aad ugu dhawaa al-Qaacida. Sannadkii 2010-kii, warbaahinta Pakistan waxay sheegtay in la dilay hoggaamiyihii Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Turkestan Bari, Cabdul Xaq.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in xiriirka Shiinaha iyo Taliban uu si weyn u bilowday cabsi laga qabo koox hubeysan oo ka soo horjeeda Shiinaha oo ku sugan Bariga Turkestan.