Ninka daroogada ka ganacsan jiray ee saaxibka dhaw la ahaa Mullah Cumar ee uu Mareykanka sii daayay

Bashir Noorzai iyo Mark Frerich

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA / AFP

Taliban ayaa sii daysay Injineer Mareykan ah oo ay afduub ku haysteen tan iyo 2020, halka Mareykanka uu sii daayay hogaamiye qabaa’il oo Afgaanistaan ​​ah oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 2005.

Kooxda Taliban ayaa sheegtay in sarkaalkii hore ee ciidamada badda Mareykanka Mark Frerich lagu wareejiyay Mareykanka isagoo la geeyay garoonka diyaaradaha ee Kabul maalintii Isniinta. Taa baddalkeeda, Bashiir Noorzai ayaa lagu wareejiyay Taliban. Noorzai wuxuu ku xukunnaa xabsi daa’in ka dib markii lagu helay dambi ahaa ka ganacsiga daroogada. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jiraan 'go'aamo adag' oo ay tahay in la qaato marka ay timaado in Injineer Mareykan ah lagu badasho maxbuus kale.

Frerich, oo 60 jir ah, ayaa la afduubay 2020, sanad ka hor intii Taliban ay dib u qabsan Afgaanistaan bishii August 2021.

Mark Frerich waxa uu ku noolaa oo ka shaqaynayey Kabul 10-kii sano ee la soo dhaafay isaga oo ahaa injineer.

Soo dhaweyntii Noorzai

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

Soo dhawayntii diiraneyd ee loo sameeyay saaxibkii Mullah Cumar ,Bashir Noorzai

Bashir Noorzai, ayaa waxaa siideyntiisa ay Mareykanka ku badasheen Injineer Mark Frerich, oo muddo dheer Afqaanistana ku xirnaa. Markii la soo daayay Bashir Noorzai, ayaa waxa soo dhaweyn diiran loogu sameeyay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, waxaana ubaxyo qoorta u suray kooxda Taliban . Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku yiri, “In la i sii daayo oo aan la igu badasho qof Mareykan ah, waxay horseedi doontaa nabad dhex marta labada dal”. Noorzai waxa uu ahaa nin aad ugu dhawaa oo saaxiib la ahaa aasaasihii Taalibaan Mullah Cumar waxana uu maalgeliyay dawladii ugu horaysay ee Taalibaan sagaashamaadkii. Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in Noorzai uusan xilligan haynin xil rasmi ah, balse uu "siiyay kooxda taageero dhaqaale iyo mid hub."

Noorzai ayaa 17 sano ku qaatay xabsi ku yaalla Mareykanka ka dib markii lagu helay dambi ahaa ka ganacsiga daroogadda nooca heroin-ka.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ninkan uu gobolka Kandahar uu ka waday howlo uu ku beerayo daroogada.

Markii la xiray 2005-tii, waxaa lagu tirinayay in uu ahaa mid ka mid ah dadka ugu waaweyn ee ka ganacsada daroogada, isaga oo gacanta ku hayay in ka badan kala bar daroogada laga dhoofiyo dalka Afghanistan. Sannadkii 2008-dii, maxkamad ku taalla New York ayaa ku heshay dambi ah inuu maleegayay inuu dalka Mareykanka soo galiyo Daroogada nooca Heroin oo qiimaheedu ka badan yahay 50 milyan oo doolar , waxaana ka dib lagu xukumay xabsi daa’in.

Noorzai waxaa uu saaxib dhaw la ahaa Mullah Cumar

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Noorzai waxaa uu Mullah Cumar ka caawiyay in uu noqdo hogaamiyaha sare ee Taliban

Sannadkii 2009-kii, war-saxaafadeed ka soo baxay FBI-da ayaa lagu sheegay in marka la eego caddaymaha la soo bandhigay intii ay socotay dacwadda, Bashir Nurzai, uu yahay hoggaamiyaha mid ka mid ah qabaa’ilka ugu waaweyn uguna saamaynta badan Afgaanistaan, oo deggan gobolka koonfureed ee Afgaanistaan. Waxay sidoo kale lagu sheegay baaritaanka in uu leeyahay beero soo saara daroogada nooca loo yaqaano opium kuwaasi oo ku yaal Kandahar. Waxa ay FBI-da Mareykanka sidoo kale sheegeen in si qarsoodi ah markii dambe lagu soo geliyay Maraykanka, iyada oo lagu soo qariyay shandado iyo maraakiib.

Horraantii 1990-meeyadii, Norzai waxaa uu magaalada New York ku lahaa shabakad dhan oo ka ganacsata daroogada. Markii Ruushku qabsaday Afgaanistaan, Bashiir Nuurzai wuxuu dhisay ciidan u gaar ah oo isugu jira mujaahidiin iyo dagaalyahanno, wuxuuna ku hubeeyay lacagta uu ka helo maandooriyaha.

Ka dib markii ciidamada Ruushku ka baxeen Afgaanistaan, Nuurzai wuxuu xukumay galbeedka Kandahar, isaga oo abuuray booliis u gaar ah, ilaalada xuduudaha, iyo nidaam maxkamadeed oo uu isga xukumo.

Nuurzai waxa uu Mullah Cumar la kulmay sannadihii 1980-meeyadii, markaasoo ay labadooduba ka wada tirsanaayeen hal koox oo Mujaahidiin ah. Markii Taliban ay la wareegeen awoodda Afgaanistaan ​​bartamihii sagaashamaadkii, Nurzai wuxuu adeegsaday saameyntiisa Kandahar si uu uga caawiyo Mullah Omar inuu helo jagada hogaamiyaha ugu sarreeya ee Taliban.

Ka dib Nurzai waxa uu Taalibaan siiyey hub ay ka mid yihiin Qoryaha AK-47, Baasuukayaal, Hubka lidka Taangiyada, iyo sidoo kale Gaadiid iyo qeyb ka mid ah dhaqaalaha ka soo xarooda ka ganacsiga Maandooriyaha. Sannadkii 2001-dii, markii uu Maraykanku hawlgallo millatari ka billaabay Afgaanistaan, codsi ka yimid Mullah Omar, Noorzai waxa uu 400 oo ka mid ah dagaalyahannadiisa ugu deeqay Taalibaan si ay ula dagaallamaan Isbahaysigii Waqooyiga Afgaanistaan ​​ee Mazar-i-Shariif.

Beeridda daroogada ayaa ah mid ku badan Afqaanistaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Taliban ayaa u ogolaaday Noorzai in uu sii wado ka ganacsiga daroogada iyaga oo dhaqaale uga badashay Sida laga soo xigtay FBI-da, iyada oo Taliban ay ku beddelanayso dhaqaale iyo taageero kale oo ay ka helaan Noorzai, waxay u oggolaadeen inuu sii wado dhaqdhaqaaqyadiisa ka ganacsiga daroogada iyada oo aan la horjoogsan.

War saxaafadeedka FBI-da ayaa intaa ku daray in Noorzai iyo saaxiibbadiis ay ka faa'iideysteen aqoontii hore ee cunaqabataynta Taliban ee 2000 ee ee ka ganacsiga daroogada, iyaga oo macluumaadkaas u adeegsaday kaydinta tiro badan oo daroogada.

Markii uu qiimihiisu kor u kacay Mamnuucidda ka dib, waxay markii dambe ku heleen daroogadan nooca opium faa'iido badan.

Maxkamadeynta, Noorzai waxaa lagu helay labada dambi oo kala ah ka ganacsiga heroin-ka iyo shirqoolka lagu qeybinayo heroin-ka iyo u soo dhoofintiisa Mareykanka.