Maxaad ka taqaan raggii 10 sano ka hor dadka ku laayey Westgate

67 qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen

Xigashada Sawirka, The East African

Qoraalka sawirka, 67 qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen

Subaxnimadii 21 Siteembar 2013, 4 qof oo ku hubaysan qori gacmeedyo iyo bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa gudaha u galay dhismaha laga dukaamaysto ee Westgate ee magaalada Nairobi. Waxay dhismahaas haysteen muddo 4 maalmood ah, waxayna ku dileen 67 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda 13 dal, ayagoo boqolaal kalena ku dhaawacay.

Dadkii xaruntaas galay oo ka tirsan ururka Al Shabaab waxay ciidanka Kenya sheegeen in dhamaantood la dilay, waxaase la soo qabtay dad la tuhunsan yahay inay taageerayeen, ama mu’aamaradda ay la ogaayeen. Todoba sano ka dib weerarkaas ayaa maxkamad la soo taagay Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafa oo lagu helay inay qorshaynayeen oo fuliyeen ficillo argagixisonimo, iyo inay caawiyeen koox argagixiso.

Dadkaas waxaa laga aqoonsaday oo kaamerooyinkii halkaa ku rakibnaa laga arkay Khattab Al Kenne, Abuu Baara Al Sudani, Cumar Nabhan iyo Umayr. Afhayeenkii milateriga Kenya ee xilligaas, Emmanuel Chirchir wuxuu sheegay in afartaba la dilay.

“Waxaan xaqiijin karaa inay argagixiso ahaayeen, dhamaantoodna ay ku dhinteen hawlgalka” ayu u sheegay Reuters.

Abdull Yusuf Haji oo dad soo badbaadinaya

Xigashada Sawirka, Social media

Qoraalka sawirka, Abdull Yusuf Haji oo dad soo badbaadinaya

Wuxuu intaa ku daray in Abuu Baara Al Sudani uu ahaa hogaamiyaha kooxda oo ay soo tababartay kooxda Al Qaacida. “Wuxuu ahaa shiishyahan waayo arag ah” ayuu sii raaciyey.

Cumar Nabhan waxaa la sheegay in uu yahay nin Kenyan ah oo ku dhashay magaalo xeebeedka Mombasa. Waxaa uu afhayeenku sheegay in ninkaas markii 16ka ahaa uu adeerkiis u raacay Soomaaliya.

Al Kenne wuxuu sheegay in uu yahay nin Soomaali ah oo ka yinid Muqdisho, kaasoo lala xiriirinayo inuu xubin ka yahay Al Shabaab.

Magaca buuxa ee Umayr ilaa hadda la ma oga. Waxaa kale oo aan la ogayn haybtiisa.

Inkastoo dawladda Kenya ay shegtay in 5 qof oo weerarka soo qaaday la dilay, misna dadkii ka badbaaday weerarkaas waxay wakaaladda Reuters u sheegeen in laga yaabo in tirada ay intaas ka badan tahay.

Xasan cabdi Dhuxulow

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Xasan cabdi Dhuxulow

Aamina Maxamed oo xilligaas ahayd wasiirka arrimaha dibadda waxay iyana sheegtay in ay weeraryahannadu ka kala yimaadeen Kenya, UK iyo Maraykan.

Qof shanaad oo isna la aaminsan yahay inuu weerarkaas ka qayb qaatay ayaa ah Xaan cabdi Dhuxulow.

Waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa wiil da'diisu ay ahayd ilaa 23 jir, kana tegey dalka Norway oo uu dhalashadiisa qaatay, gaar ahaan magaalada la yidhaa Larvik, sanaddii 2009 oo ku taal dhinaca xeebta koonfureed, una kicitimay Soomaaliya. Waxana la rumaysan yahay inuu ka qayb qaatay weerarkaas hubaysanaa.

Mukhaabaraadka Norway ee magacooda la yidhaa PST marka la soo gaabiyo waxay sheegeen inay saraakiil u direen dalka Kenya, si loo soo xaqiijiyo wararka la xidhiidhinaya weerarkii Westgate dad ka tirsan dalka Norway.

Burburka weerarka ka dib

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Burburka weerarka ka dib

Dhuxulow waxa la sheegay in uu ku dhashay Soomaaliya, laakiin qoyskiisu inay u qaxeen dalka Norway sannadkii 1999. Intii uu ku noqday Soomaaliyana, waxa uu qoyskiisa kala soo xidhiidhi jirey telifoonno kala geddisan oo aan wada sax ahayn.

Dadkii yaqaanney intii uu joogey Norway waxay sheegeen in uu ahaa qof si weyn xagjir u ah, isla markaasina neceb nolosha Norway.

Weerarka ayaa la soo afjaray ka dib mar kii ciidan aad u hubaysan oo isugu jira milateriga, booliska iyo kuwa argagixiso la dagaallanka Kenya ay gudaha u galeen dhismahaas, kaasoo laga soo saaray inta badan dadki ku xannibnaa.