Waa tuma gabadha TikTokleeyda ah ee hilibka doofaarka bisinka u qabatay, maxaase ku dhacay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamad ku taalla dalka Indonesia ayaa labo sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney soo bandhigtay muuqaalka TikTok oo ay ku akhrineysay kelmad Islaami ka hor inta aysan cunin hilibka doofaarka.
Muuqaalkan haweenaydan ayaa sidoo wayn loogu faafiyay baraha bulshada.
Lena Lutfiavati, oo 33 jir ah, ayaa lagu helay dambi ah 'in ay kicisay shucuur diimeed iyo kicin dhaqan nacayb'.
Lena Lutfiawati ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan 16,245 doolar, taasoo ka bixi weysa in xukunkeeda lagu kordhiyo seddex bilood oo kale.
Kiiskan ayaa ah kii ugu dambeeyay kisas taxane ahaa oo la xiriira aflagaado loo geysto diinta taasi oo muran ka dhex dhaliyay Indonesia oo ay ku badan yihiin Muslimiinta.
Leena Lutfiavati, oo magaceeda u bixisay Leena Mukherjee jaceylkeeda iyo ku xirnaanta filimada Bollywoodka awgeed, ayaa asal ahaan Muslimad ah.
Muslimiinta ayaa waxaa gebi ahaanba xaaraan ka ah cunista hilibka doofaarku.

Leena Lutfiavati ayaa waxaa ku xiran barteeda TikTok ku in ka badan 2 milyan oo taageerayaal ah waxayna sidoo kale ganacsi ku leedahay Hindiya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii March, Lena waxa ay soo bandhigtay muuqaal ay ku akhrinayso 'Bismillah,' ka hor inta aanay cunin cad hilib doofaar ah oo qallalan.
Waqtigaas, Lena waxay u safraysay Bali. Bali waa mid ka mid ah meelaha loo dalxiis tago ee Indonesia, taas oo ka duwan dalka intiisa kale ayna ku badan yihiin bulshada Hindu.
Lina Lutfiavati ayaa sheegtay in ay xiiso ay u qabtey darteed ay isugu dayday hilibka doofaarka.
Muqaalkeeda ayaa waxaa daawaday malaayiin qof waxaa uuna noqday muuqaal si wayn loo dhaleeceeyay. Ka dib markii uu muuqaalku soo baxay, qof kale oo u dhashay Indonesia ayaa dacwad u gudbiyay booliiska isaga oo ku eedeeyay 'inay si ula kac ah u cuntay hilibka doofaarka iyada oo ah qof Muslim'.
Booliiska ayaa bishii May Lena Lutfiavati ku eedeeyay inay faafisay waxyaabo sababaya "naceyb diimeed."
Kooxo dhowr ah oo muxaafid ah ayaa sidoo kale soo saaray amaro iyaga oo ku tilmaamay muuqaalka Lena mid meel ka dhac ku ah diinta Islaamka. Waxaa ka mid ah Golaha Culimada Islaamka ee Indonesia.

Xigashada Sawirka, REUTERS
Falcelinta ka dhalatay xariga Lena ee baraha bulshada ee Indonesia ayaa ilaa hadda ah kuwo ku kala qeybsan. Qaar badan ayaa amaanay garsooraha waxayna ku tilmaameen ficilka Lena mid bahdil ah.
Dhanka kale, xabsiga Lena Lutfiawati ayaa waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah kooxaha u doodda xuquuqda aadanaha.
Hay'adaha xuquuqul insaanka iyo dadka u ololeeya ee dalkaasi Indonesia ayaa muddo dheer dhaleeceeyay sharciyada lagu xukumo dadka diinta u gefa, iyaga oo sheegay in "inta badan si khaldan loo isticmaalo in lagu beegsado dadka haysta diimaha laga tirada badan yahay."
Booliska Indonesia ayaa xiray lix qof sannadkii hore ka dib markii baar lagu xayeysiiyo khamriga loo bixiyay magaca 'Maxamed'.
Sanadkii 2017, gudoomiyihii hore ee Jakarta Basuki Tjahja Purnama ayaa lagu xukumay xabsi ku dhawaad labo sano ah kadib hadallo la sheegay in lagu aflagaadeeyay diinta Islaamka.
Dalka Indonesia waa wadanka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu tirada badan caalamka.
Dalkaasi ayaa waxaa sidoo kale ku yaalla jasiiradaha ugu badan caalamka, halkaasi oo loo dalxiis tago.













