Maxay TikTok-leydu ugu fududdahay inay kugu qanciyaan inaad wax ka iibsato?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Aaladda TikTok ayaa waxay awood u leedahay in macaamiil badan ay ku qanciyaan badeecooyinka ay halkaasi ku soo bandhigaan dadka isticmaala.
Haddaba maxay tahay sababta ay dadka sidaa oo dhan ugu soo jiitaan?
TikTok waxaa laga yaabaa inaysan ahayn meesha ugu horreysa ee maskaxda ku haysa marka ay timaaddo aaladaha wax lagu nadiifiyo ee ugu fiican. Haddana waxaa caan ka ah astaanta #cleantok, waxaa sidoo kale ka mid ah sida #dogtok, #beautytok iyo kuwa kale.
Waxaa sii kordhaya, macaamiishu u weecanaya baraha bulshada si ay u ogaadaan badeecooyinka, waxaa sidoo kale ay halkaasi u raadsadaan talooyinka kharash gareynta lacagaha ee ay bixiyaan dadka caanka ah iyo kuwa caadiga ah.
Calaamadda #booktok, tusaale ahaan, hal-abuurayaashu waxay ku wadaagaan faallooyinkooda buugaagta ay qoreen iyo talooyinkooda. Xogtu waxay muujinaysa isticmaalayaasha xayeysiiya buugaag gaar ah oo wata hashtag-ka ay keeneen iibinta cinwaannada ay wataan.
Astaanta #booktok waxay sidoo kale dhiirrigelisay bandhigyo qaas ah oo laga sameeyay dukaamada buugaagta ee caalamiga ah; wax taa beddelay qaabkii naqshadeeyayaasha iyo dadka wax xayisiiya ay u soo dhowaanayaan magacyo cusub.
Khubarrada ayaa sheegay in dadka wax xayisiiya ay dhaqaajiyan shucuurta dadka taasi oo ku riixda dadka bartaasi isticmaala in ay wax a iibsadaan.
Xiriir maskaxeed oo jilicsan oo wejiga shaashadda ah iyo sidoo kale hababka hoose ee TikTok labaduba waxay door weyn ka ciyaaraan dhaqaajinta dadka adeegsada si ay u iibsadaan wax ay ku arkaan ee la soo bandhigay.
Sumcadda isha
"Baraha lagu shaaciyo muuqaalada sida TikTok iyo Instagram waxay si weyn u beddeleen habka ay macaamiisheena u gaaraan go'aannada wax iibsiga," ayay tiri Valeria Penttinen, kaaliyaha borofisar suuqgeynta ee Jaamacadda Northen Illinois, ee Mareykank.
Waxaa jira dhowr qaab oo dhaqaajiya shucuurta dadka isticmaala barahani bulshada, sida in badeecada uu xayiisiiyo qof caan ah oo ay dadka wada yaqaanaan ayay sheegeen khubaada.
Dadka waxay u badan tahay in ay soo jiidato badeecooyiinka ay shaashadaha ka arkaan haddii ay u arkaan qofka xayiisiinaya inuu yahay mid karti leh islamarkana la aamini karo
Dadka adeegsada barahan waxay u eegaan qofka wax xayiisiinaya in u yahay mid "ku habboon badeecada ama adeegga" taasi oo ah waxa ay ka tusaale qaataan, ayay tiri Angeline Scheinbaum, oo ah borofisor ku-xigeenka suuq-geynta ee Jaamacadda Clemson Wilbur O ee Mareykanka.

Xigashada Sawirka, @cleaningaddict / TikTok
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kate Lindsay, oo ah saxafi ka warbixisa dhaqanka internet-ka, ayaa tusaale u soo qaadanaysa badececada stay at home mum oo ah aalado wax lagu nadiifiyo . "Waxay heli doonaan dad aad isku mabda' ah.
Marka qofkaas adiga kula mid ah uu yiraahdo waaa hooyo, way daaleen ka dib-na waxaa caawiyay oo xal siiyay aaladan nadiifinta … waxaa jira heer xiriir iyo kalsooni aad xayiisiinta noocaas ah ku qabi karto, 'waad ii egtahay aniga tani way ku anfacaysaa marka la yiraahdo'.
Kalsoonida isha ama xigashada qofka wax xayiisiinaya ayaa cirka isku shareerta marka talobixintoodu ay tahay mid dabiici ah - amaba aan wax lacag ah lagu siin qofka wax xayiisiinaya. "
Muqaallada toos loo daawanayo waxay sidoo kale u muuqdaan inay kordhiyaan kalsoonida daawadayaasha, in ka badan sawirrada ama qoraalka.
Qofka wax xayiisiinaya aya muuqaalkiisa ku soo bandhigaya badeecada uu xayiisiinayo isaga oo si koban u muujinaya jawiga gobta iyo badeecada.
Fiidiyowyada TikTok, oo ah ku dhawaad 30-ilaa-60 ilbiriqsi islamarkana lagu soo koobayo xog muhiim ah - waxay dhiirigelin karaan "qancinna karaan dadka wax iibsada.
Saameynta dhanka bulshada
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee ku dhiirrigaliya macaamiisha inay iibsadaan waa xiriirka shucuureed ee dadka wax xayiisiinaya kala dhaxeeya.
Farsamadan ama xeeladan, loo yaqaan parasocial, waxay u horseedaa dadka daawadayaasha inay rumaystaan waxyaabaha la xayiisiinayo .
Qaabkan ayaa door ku leh hab-dhaqanka macaamilka, sidoo kale. "Xiriirka bulshad iyo dadka wax xayiisiinaya ayaa aad u xooggan.
Markaad sii waddo jacaylka aad u qabto waxa la xayiisiinayo, waxay kicinaysaa cabsida ah inaadan ka faa'iidaysan xiriirkaas, ama muujinta daacadnimadaada xiriirkaas - Valeria Penttinen
Waa kuwo si fiican loo soo baceeyay
Lindsay ayaa sheegtay in shirkadda TikTok sidoo kale ay leeyihiin nooc u gaar ah oo leh soo jiidasho nafsi ah oo dadka isticmaala ku qancin kara in ay wax ka iibsadan.
"TikTok waxay leeyihiin hab ay uga dhigto wax iibsiga sida ciyaarta oo kale dareen ahaan, sababtoo ah wax walba waxay ku dhamaanayaan ku dhawaad iyaga oo isku xiran qayb ka mid ah bilicda," ayay tiri.=
"Kaliya ma iibsanaysid alaab, waxaad iibsanaysaa wax aad ku raadinayso wax hab- nololeedkaada guud la xiriira." Waxay u soo jiidi kartaa isticmaalaha inuu rabo inuu ka mid noqdo isbeddelladan, taas oo ay ku jiri karto tijaabinta badeecad.
Waxay intaa ku dartay in qaababka gaarka ah ee TikTok ay noqon karaan kuwo qancin kara macaamiisha: waxay tilmaamaysaa tusaaleyaal ay ka mid yihiin "waxyaabaha aadan ogeyn inaad u baahan tahay oo lagu xusuusinayo",
"Waxaa jira wax yar oo la yaab leh oo ku farxad galinaya marka aad shaashada rogrogeyso ka dibna aad aragto waxan aadan ogeyn inaad u baahan tahay ama aadan ogeyn inuu jiro," ayay tiri Lindsay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muhiimad ahaan, ayay tiri, qaabka-gaaban ee muuqaalada TikTok waxay ka dhigaysaa talooyinka inay dareemaan dadka isticmaala waxyaabo dabiici ah , waxayna u furaysaa waddo ay dadka bartan adeegsada ay ku kalsoonaadaan dadka wax xayiisiinaya.
Digtoonow
Hase yeeshee macaamiishu waxay inta badan isku arki karaan inay ku duwan yihiin qofka wax iibsanaya shucuur ahaan, ayuu yiri Scheinbaum, oo sidoo kale ah khabiir wax ka qori dhinaca aan wanaagsanayn ee baraha bulshada.
Gaar ahaan, da'a yarta isticmaasha ama macaamiisheeda aad aad wax ugu fiirsan ayaa laga yaabaa inay garan waayaan faraqa u dhexeeya xayeysiinta iyo talada dabiiciga ah. Xitaa dadka barahan isticmaala ee degdeg go'aannada u qaata ayaa u nugul in ay ku kadsoomaan, ayay tiri.
Dabeecadda TikTok ee degdegga ah, iyo muuqaallada degdegga ah ayaa sidoo kale ka dhigi kara xayaysiisyada ku adag in la ogaado, ayay rumeysan tahay Linsday.
Intaa waxaa dheer, xirmooyinkan shucuureed ee keena wax iibsiga waxay dadka ka dhigi karaan inay u badan tahay inay kharash badan ku bixiyaan, ayuu yiri Penttinen.
TikTok, qaar badan oo ka mid ah badeecadaha dad xayiisiiya ayaa waxay sheegaan inaysan qaali ah, taas oo ka dhigi karta qofka in uu ku degdego iibsigeeda.
Taasi waxay noqon kartaa dhibaato, ayay ku dartay, sababtoo ah waxa qofa wax xayiisiinaya laga yaabo inuu iyaga u wanaagsan yahay maahan mid u fiican qofka gadanaya.
Macaamiisha waa inaysan dareemin inay tahay inay baaraan wax kasta oo ay kaiibsadaan TikTok, laakiin khubarrada ayaa sheegaya inay muhiim tahay in la ogaado sababta barta ay ugu dhiirigelin karto dadka isticmaala inay lacag ku bixiyaan- gaar ahaan ka hor intaysan hubinta.













