Maxay tahay cabsida ay wajahayaan caawa TikTookleyda Soomaaliya?

Xafsa

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe

Maanta oo ah 24 ka bisha Agoosto, ayaa ah taariikhda loo qabtay shirkadaha internetka ee Somaaliya, inay xiraan madalaha TikTok iyo Telegram, iyo madasha kale ee lagu qamaartamo ee 1XBet. Madasha 1XBet ayaanba saaka ka shaqaynayn magaalada Muqdisho.

Dad badan xayiraaddaan dhaqan galaysa manta waxay u tahay dhamaadka ganacsigooda. Balse wasaaradda isgaarsiinta Soomaaliya waxay ujeedka ku tilmaamtay inay ka hortagayaan buunbuuninta argagixisada iyo faafinta anshax-xumada.

Bilaal Bulshaawi, nin dhallinyaro ah oo caanka ah baraha bulshada ee Soomaalida, loona garan ogyahay ‘madaxweynaha TikTok’, ayaa kamid ah dad badan oo mustaqbal bidhaamaya uusan u ifaynin.

Isaga oo dhigta dugsi sare oo 18 jir ah ayuu bilaabay isticmaalka bartaan caan baxday, isaga oo muuqaallo maad leh la smaeyn jiray ardey ay isku iskuul ahaayeen. Hadda waxay u noqtay bartaan bulsho isha dhaqaale ee noloshiisa oo dhami ku tiirsan tahay, waxaymna badashay noloshiisa oo dhan.

“Waxaa jirtay marar badan oo aanan bajaaj raaci karin – oo lacagta lacgu raaco ii ganbin jirtay. Laakiin hadda gaariga aan rabo ayaan maalin walba wataa – nolsheyda ayaan ku raaxeystaa. Dalxiis ayaan u aadaa gobolada dalka oo dhan”. Ayuu Bilaal u sheegay BBC.

Bulshaawi wuxuu bartiisa TikTok oo ay ku xiran yihiin 1.3 milyan oo taageerayaal ah xayaysiino uga sameeyaa ganacsiyo. Wuxuu noo sheegay inuu todobaad walba ka faa’iido lacag u dhaxeysa $500 ilaa $1000. Lacagtaas ayuu u isticmaala inuu isaga bixiyo kirada guriga cuntana ku iibsado, sidoo kale wuxuu ku biilaa hooyadiis.

“Hooyadeey inay shaqada iska dhaafto ayaan u sheegay” ayuu yiri Bilaal, “Isbitaal ayay ka shaqayn jirtay, sidaas ayay igu soo korisay. Markaan bilaabay inaan ka shaqeeyo baraha bulshada, ayaan iri iska naso aniga ayaa shaqaynaya”.

Wuxuu sheegay ina si daran u saamayn doonto xayiraadaan noloshiisa iyo tan hooyadiisba. “Laba jiko ayuu dabku ka dami doonaa,” ayuu yiri.

Bilaal

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xafsa Xilkas, waxay bilowday isticmaalka TikTok sanad ka hor. Waxay ku soo gudbisaa muuqaalo maad ah, kuwa prank-yo ah iyo madadaalooyin kale. Saddexdii bilood ee uu horeysay ayay heshay in ka badan 500,000 oo taageerayaal ah, kadibna waxay bilowday in ay ganacsi waxyaalaha la isku carfiyaha ku dhex sameyso barteeda.

“Waxaa dalabyo aad u farabadan ka helaa dhamaan gobolada Soomaalida,” ayay tiri Xafsa.

Dhawaan ayay noqtay qof madaxbanaan nolol ahaan kadib markii ay dhaqaale heshay. Gabadhaan 19 jirka ah ayaa cabsi ka qabta inay shaqo la’aan ku dhacdo. Xafsa ayaa aaminsan in ay xoriyadeeda lumin doonro saacadda uu dhaqan galo xayiraadda TikTok.

Soomaaliya, sidaas uma sahlana in gabaryar oo Xafsa oo kale ah markiiba shaqo hesho, sabab la xariira dumarnimadeeda. Xafso waxay u sheegtay BBC in xitaa qoyskeedu uusan raalli ka ahayn inay banaanka u baxdo oo ay TikTok ka shaqaysato.

“Qoyskeygu waxay igu dhaheen ‘Iska guurso, gabar ayaad tahay’. Waalidiinteydu waxay ii sheegeen inaanan u baahanayn inaan banaanka aado oo shaqeeyo”, ayay tiri Xafsa. “Laakiin anigu waxaan rabaa inaan noqdo gabar xor ah”.

Xafsa iyo Bilaal

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe

Bilaal iyo Xafsa labaduba waxay sheegeen inay adagtahay in shaqo tan lamid ah ay ka bilaabana baraha bulshada ee kale, waqti dheerna ay qaadan doonto in lala qabsado.

“Waa sida adiga oo suuq wayn lahaa oo uu kaa gubtay. Waqti badan ayay kaa qaadan doontaa inaad ka soo kabato dhibaatada ku gaartay,” ayuu yiri Bilaal.

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay TikTok wuxuu noqday barta bulsho ee ugu caansan Soomaaliya iyo qurbahaba. Dad badan ayaa u adeegsada madadaalo ahaa, balse ma wada aamisana dadkaasi inuu faa’iido u lahaa bulshada.

Samiira Maxamed waa aradayad, saacado badan ayay noo sheegtay inay ku bixiso daawadashada TikTok, balse waxay u aragtaa inuu hoos u dhigayo sharafta gabdhaha Soomaaliyeed.

Sababta ayaa ah in madashaan lagu xayysiiyo muuqaalada anshax-xumada ah ee dadka laga duubo, mar dambana lagu soo bandhiigo Telegram ka.

“Iyada dhanba waa qarxis. Waxay dhaawacaysaa qiyamkii dadka, gabdho bandanna waxay ku kaliftay inay xijaabka dhigtaan,” ayay tiri.

Balse fikir kaas ka soo horjeeda waxaa qaba Sakariye Maxamed oo isticmaala TikTok, isaga oo aaminsan in uu fursado u abuuray dhallinyaada Soomaaliyeed ee dawladoodii ku fashilantay nay u abuurto jawi ay shaqo ku heli karaan.

Sakariye ayaa yiri: “Waxay il dhaqaale u tahay dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa aan wax baran intaba. Sidoo kale waxay ka jeedisay xanuunka shaqa la’aanta”.