Sababta ay gabadhan u cafisay walaalkeed oo aabbahood dilay

Dilka Adam ee aabbihiis

Xigashada Sawirka, SARAH MERRITT

Adam Merritt waxa uu xiriir aad u dhow la lahaa aabbihiis Rob, kaas oo sidoo kale ahaa daryeelihiisa kadib markii laga helay xanuunka maskaxda ku dhaca ee schizophrenia xilli uu yaraa. Laakiin bishii June ee sannadkii hore, Adam wuxuu wacay lambarka booliska ee 999 si uu u qirto inuu dilay. Adam walaashii waxa ay sheegtay in ay isku dayayso in ay hore u socoto balse ay had iyo jeer aaminsantahay in wax badan la samayn karay si iyaga loo caawiyo.

Sarah Merritt waxay maalin walba la hadli jirtay aabaheed waxayna xasuusataa inay u soo dirtay sawirka wakhtiga qoyska iyagoo ku jira barkadda lagu dabaasho, kaas oo uu ugu jawaabay, si fudud, "cajiib".

Waxay noqon doontaa farriintii ugu dambeysay ee uu u diro gabadhiisa.

Sarah waxa loosoo garaacay albaabka subixii xigay, iyada oo heshay akhbaar ay ku sheegtay kii ugu xanuunka badnaa ee ay maqashay nolosheeda.

Walaalkeed Adam ayaa aabbahood mindi ku dhuftay 16 jeer xilli ay ku sugnaayeen guriga ay labada qof ku wada noolaayeen ee Peterborough.

"Wuxuu daryeeli jiray isaga laga soo bilaabo maalintii koowaad, tan iyo markii uu dhashay, weligiina kama uu joojin daryeelka," Sarah oo ka sheekeyneysa xiriirka uu aabbeheed la lahaa adam ayaa sidaasi tiri.

Dilka Adam ee aabbihiis

Xigashada Sawirka, SARAH MERRITT

Aadam waxa uu ku jiray da'yar markii uu bilaabay in uu muujiyo calaamadaha dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, waxaana laga helay xanuunka schizophrenia sanadkii 2008-dii.

Xilligaasi kadib iyadoo dhowr mar la geeyay isbitaalka ayuu aabbihiis go’aan ku gaaray in uu daryeel gaar ah siiyo wiilkiisa.

Inkastoo labadooda ay lahaayeen xiriir dhow, Sarah waxay sheegtay in aabaheed aan la siinin wax tababar ah, inkastoo aysan waligeed la macaamilin xaaladdan oo kale.

“Waxa uu dareemayay in uu fahmayo oo uu u samayn karo wixii uu doono, laakiin waxa aan filayaa in ay jireen kor u kac iyo hoos u dhac uu Adam kala kulmay sanadihii dambe.

Dilka Adam ee aabbihiis

Xigashada Sawirka, SARAH MERRITT

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Aabbahay "waligiis kama uusan quusan lahayn" wiilkiisa, Sarah ayaa sidaasi tiri.

Si kastaba ha ahaatee, adeegyada bulshadu waxa ay ogaayeen in Rob uu yahay daryeele aan mushahar la siin, oo helaya lacag-bixinta tooska ah ee daryeelayaasha dib loo eego.

Sarah waxay ka walaacsanayd sida Adam loogala socon jiray bulshada dhexdeeda.

Waxay dareensan tahay in walaalkeed "la niyad jabiyay" iyadoo tiri ma arkin wax khabiirro ah.

Natiijo ahaan, Sarah waxay aaminsan tahay in dhimashada aabbaheed laga hortagi karay.

"Haddii Adam caawinaad ka heli lahaa xirfadlayaasha, malaha wuu la hadli karay iyaga, haddii uu maskaxdiisa ka ogaan lahaa waxa uu samayn karo, malaha markaas way caawin lahaayeen," ayay tiri.

Adam ayaa markii hore lagu eedeeyay dil balse waxaa loo arkay in uusan u qalmin in maxkamad la soo taago maadaama uu xanuunsanyahay.

Waxaa laga war helay in Adam uu joojiyay qaadashada daawada dhimirka laba toddobaad ka hor, balse uu qaatay qiyaas daawo ah maalin ka hor dilka.

Adam iyo Rob waxay qorsheynayeen u dhaqaaqista safar ay ku tagayaan Cumbria waqtigaas. Sarah odaygeeda, James Knight waxa uu aaminsan yahay in socdaalka ay qorsheynayeen uu Adam culays ku ahaa.

Dilka Adam ee aabbihiis

Xigashada Sawirka, SARAH MERRITT

Sarah waxay weli baaqi ku tahay xagga walaalkeed, kuma eedayn isaga wixii dhacay. "Anigu si kastaba ha ahaatee isaga kama soo horjeedo. Uma xanaaqsani isaga, kaliya waan ka xumahay wixii dhacay," ayay tiri.

Markii la weydiiyay inay cafisay Adam, Sarah waxay isla markiiba ku jawaabtay: "Waan cafiyay, haa."

Waxay aaminsan tahay in walaalkeed uusan waligiis ula jeedeen inuu waxyeelleeyo aabbahood "haddii ay maskaxdiisa u caafimaad qabi lahayd".

"Uma uusan sameynin si kas ah, waxaana hubaa in uu isla sidaas dhihi lahaa isagaba, iyo waliba inuu wax badan ka qoomameynayo," ayay raacisay.

Dilka Adam ee aabbihiis

Xigashada Sawirka, SARAH MERRITT

Julian Hendy, oo ka tirsan hay'adda samafalka dilka dhimirka ee boqol qoys, ayaa sheegay in 100 ilaa 120 dil ay gaystaan dadka qaba cudurrada dhimirka ee gudaha UK sannad kasta, kuwaas oo intooda badan ka dhaca qoysaska.

“Tiro yar oo ka mid ah dadka qaba dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ee halista ah ayaa khatar ku ah dadka kale”, ayuu yiri.

Safer Peterborough Partnership ayaa sheegtay in kiisku uu noqon doono mid lagu samayn doono dib u eegis dil ah oo gudaha ah, looguna talagalay in la eego haddii casharro laga baran karo." ka qaybqaado dib u eegistan maadaama wax ku biirinta qoyska iyo asxaabta ay qiimo u leedahay geedi socodka," ayaa lagu qoray bayaan.

Sarah waxay rajaynaysaa hadalkeeda uu noqon karo farriin ku socota maamulka oo noqon karta sida loola dhaqmo dadka qaba dhibaatoyinka la xiriira caafimaadka gaar ahaanna dhimirka.

Waxay si joogto ah ula hadashaa walaalkeed, laakiin halkii ay ka hadli lahayd wixii dhacay, waxay diiradda saartaa maalin kasta, waxyaabaha uu jecel yahay oo ay ku jiraan rinjiyeynta iyo aadida goobaha jimicsiga.

"Waxaan isku dayaa inaan u ilaaliyo sida caadiga ah ee aan awoodo. Waxaan isku dayeynaa kaliya inaan horay u socono," ayay tiri.