Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guuleystay bilada caalamiga ah ee lagdinka iyo haraatiga?

Xigashada Sawirka, Somali Taekwondo
Muniira Cabdiwaaxid oo kow iyo labaatan jir ayaa noqoneysa gabadhii ugu horreysay abid ee Soomaaliya ku metesha tartanka ciyaarta legdinka iyo haraatiga heer caalami. Waxay isu diyaarineysaa oo ay ka qeybgeli doonta tartanka caalamiga ah ee Baariis ka dhici doona sanadka dambe.
Muniira Cabdiwaaxid oo ku guda jirta hadafkeeda ah in ay noqoto ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Soomaaliya u cayaarta lagdanka iyo haraatida ee Taekwondo ayaa sheegtay in ay guul u tahay billada ay hanatay.
Waxaa ay ka qeyb gashay cayaaraha lagdanka Taekwondo-ga iyadda oo xidhan xijaabka taa oo soo jiidatay dareenka Soomaalida qurba joogta ah ee ku nool Manchester ee boqortooyadda Ingiriiska.
Muniira Warsame Cabdiwaaxid oo ah gabar Soomaali ah oo haysata dhalashada Ingiriiska ayaa sidoo kale noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee cayaarta tartamada Taekwondoa ee heerka caalami ee kasoo jeeda Soomaaliya. Waxay hami iyo filasho weyn ka qabtaa guul ay ka gaarto ciyaaraha Olombikada.
Muniira ayaa markii ugu horeysay soo xiratay calanka Soomaaliya sanadkii 2018-kii, iyadda oo ka qeyb galaysa tartanka dhalinyarada adduunka ee la qabtay isla sanadkaasi. Waxaa ay dedaal dheer u gashay sidii ay Soomaliya ugu matali laheyd Ciyaaraha Olombikada ee Paris 2024.
Sida ay u bilowday legdinka iyo haraatida
“Guulaha la taaban karo ayaay u tahay Soomalida iyo kooxda Qaranka. Muniira Warsame ayaa ku guulaysatay billad maar ah tartanka caalamiga ah ee British Open 2023,” ayaa lagu yidhi barta Twitterka ee Xiriirka cayaaraha Teakwondo. Gabadhan ayaa markii ugu horreysay bilowday ciyaarta Taekwondo, marna ma aysan malaysan jirin in doorashadeeda ciyaaraha ay taariikh sameyn doonto.
Markii ugu horeysay ee ay muniira ku guuleysatay cayaarahan waxaa ay aheyd da’deedda 15 sano jirka markaa oo ay ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyay ee xulka qaranka Soomaaliya, waana gabadhii ugu horreysay ee xirfadda ciyaarta Taekwondoah guud ahaan Soomaliya.
"Waxa i dhiirigeliyay waa inaan arrinkan u sameynayaa si ay iigu daydaan gabdhaha aniga oo kale ah oo aan fursad u helin," ayay ku tiri wareysi ay siisay Olympics.com iyada oo joogta gurigeeda London.
"Waxaan rabaa inaan sare u kaco oo aan caddeeyo, haddaan nahay gabdhaha Soomaaliyeed oo xijaaban, inaan sameyn karno arrimaha noocan ah," ayay tiri Muniira. Waxay intaas raacisay inay dooneyso in ay ku dhiirogeliso gabadha Soomaaliyeed inay ciyaaraan tartamada Legdinka iyo haraatiga.
Muniira ayaa horey uga qeybgashay tartamo Legdin iyo haraati, iyada oo guuldaro kala kulantay tartankii Afrika ee sanadkii 2021 lagu qabtay dalka Senegal. Waxay ka qeybgaleysay tartanka loo qabto gabdhaha miisaankoodu ka yar yahay 57 kiilogaraam. Waxaa ka adkaatay gabadha mateleysay Morocco ee Nada Laaraj.
Qoyska Muniira, iyo legdinka iyo haraatiga

Xigashada Sawirka, World Taekwondo
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muniira waxay timid Ingiriiska iyada oo carruur ah kadib markii qoyskeedu kasoo qaxay dagaalada sokeeye ee Soomaaliya, halkaas oo ay ka heleen fursad degenaasho iyo waxbarasho. Waa qoys dhan oo dedaal ugu jira inay ciyaaraan Taekwondo.
"Aniga iyo walaalkay iga weyn ayaa si wadajir ah u bilaabnay cayaarta. Labadayda walaalaha ah ee yaryarna hadda waxay ciyaaraan taekwondo. Hooyaday sidoo kale way isku dayday, laakiin goor hore ayay joojisay cayaaridda,"ayaay tiri.
"Waxaan nahay qoys jecel cayaarta taekwondo ah," ayay raacisay hadalkeeda ka dib markii ay ka qaybgashay Koobka Adduunka ee 2023 ee Baku. Waxay ahayd markeedii saddexaad ee ay ka qeybgasho tartamada Taekwondo.
Si la mid ah Ramla Cali, oo aheyd feeryahanadii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ku guulaysta horyaalka Ingiriiska iyadoo xijaaban, waxay door biday inay matasho Soomaaliya, iyada oo u halgamaysa in ka badan billado.
"Waa dalkaygii hooyo, oo ay waalidkey ka yimaadeen, waxaana rabaa inaan ku dhawaado dhulkeyga," ayay si adag u tiri.
Cayaaryahnadaan oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay soo xirtay calamka Soomaaliya, iyada oo ka qeyb galeysay tartanka da’yarta adduunka ee 2018-ka. Casuumaadda xiriirka Taekwondo-ga Soomaaliya ayaa ka dhigtay inay noqoto haweeneydii ugu horreysay abid oo tartan caalami ah ugu tartanta Soomaliya.
"Markii aan ku biiray xulka qaranka Soomaliya, waxa ay ahayd riyo rumowday, waxay aheyd in aan gaadhay wax aan waligey ku taamaayay," ayaay yidhi Ramla Cabdiwaaxid.
Dhiirogelinta ay la kulanto Muniira Warsame
Markii ay u dhaqaaqday Muniira rumeynta xirfadeeda Taekwondo ee legdinta iyo haraatiga waxaa ay la kulantay caqabado dhowr ah.
Laakiin dhiirigelinta iyo taageerada ay ka heshay bulshada qurba-joogta ah ee Soomaalida, ayaa sii xoojisay rabitaankeeda ahaa in ay xidig ka noqota cayaaraha.
"Hablo badan ayaa fariin ii soo diray iyagoo leh, 'Waxaad igu dhiiro-galinaysaa inaan cayaaro taekwondo'… Xataa waalidiinta qaar ayaa ii soo diray fariin ah inay gabdhahooda keeni doonaan naadiga Taekwondo," ayaay tiri Muniira oo gacan ka siiya tababarida qaar ka mid ah gabdhaha da'da yar naadigeeda.
"Waxaa jira ciyaartoy badan oo cajiib ah oo xijaabka xidhan, waxaana dareemayaa in xirfadaan Taekwondo hadda aan jebineynay cadooyin badan oo ay dadku si qaldan u fahamsanaayeen."
"Waxaan jebinayaa sheekada ah 'Gabadh Soomaaliyeed ama Muslimad ah yaanay isboorti samayn,'' Muniira ayaa hadalkeeda ku dartay.
Muniira oo ku guuleysatay bilada maarta ah ee British Open 2023, oo isku tilmaamtay inay tahay ‘weerar yahanad adag' ayaa sidoo kale muujisay hamigeedda ah in ay kor u qaado oo ay u cayaarto Soomaaliya.
















