Cunnooyinka ay Soomaalidu isticmaasho ee aan u fiicneyn beerka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Faadumo Macallin Abuukar
- Role, BBC News Somali
Shalay oo kale 28 July, waxaa caalamka laga xusaa maalinta ka hortagga iyo wacyigelinta cagaarshowga, oo saameeya dadyow badan oo dunida ku nool.
Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay xuska maalintan, iyo macluumaad ku saabsan cagaarshowga iyo bulshada Soomaalida.
Xuska Maalinta Cagaarshowga Adduunka waxaa lagu muujiyaa muhiimadda beerku u leeyahay nolol caafimaad qabta, iyo baahida loo qabo in sare loo qaado ka-hortagga fayraska cudurkan.
Soomaaliya waxay ka mid tahya dalalka hiigsanaya ciribtirka cagaarshoowga wixii loo gaaro sanadka 2030.
Hal-ku-dhigga sannadkan ayaa ah “Hal Nolol, Beer".
Haddaba waxaan eegeynaa caafimaadka beerka, cunnooyinka u fiican iyo kuwa aan u fiicneyn.
Haddaba muxuu beerku muhiim u yahay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Beerku waa xubinta labaad ee ugu weyn xubnaha bani’aadamka wuxuuna qabtaa boqollaal shaqo, sida la dagaallanka caabuqyada iyo xanuunnada, inuu jirka ka saaro sunta, sida aalkolada, inuu xakameeyo heerarka dufanta jirka, inuu ka hortago xinjirowga dhiigga, iyo sii dyenta dheecaanka burburiya dufanta.
Xanuunnada beerka ku dhaca
Dr. Maxamed Cabdullaahi oo ku takhasusay cudurrada guud, baaritaanna ku sameeyay cagaarshowga, kana tirsan Isbitaalka Dr Sumait ee magaalada Muqdisho oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in beerka ay ku dhacaan xanuunno dhowr ah oo uu cagaarshowgu ka mid yahay.
“Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah fayraska uu cagaarshowgu sababo, kansarka beerka iyo beerka oo si ku meel gaar ah shaqadiisa u joojiya,” ayuu yiri.
Beer-subagga ayaa sidoo kale ka mid ah xanuunnada ku dhaca beerka, kuwaas oo uu dhaqtarku sheegay inay halis ugu jiraan dadka qaba xanuunka macaanka amaba sokorowga.
“Waxa ugu badan ee sababa waxaa ka mid ah dufanka sida dadka qaba macaanka iyo kolostaroolka oo uu dufan ku sameysmo beerkooda, iyo dadka isticmaala dufanta badan sida saliidda iyo tan xoolaha”
Calaamadaha xanuunnada beerka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu Dr. Maxamed sheegay in calaamadda ugu horreysa ee qofka ku ogaan karo inuu qabo xanuun dhanka beerka ah ay tahay inuu isku arko xanuun caloosha ah, gaar ahaan dhanka midig ee beerku xigo.
Waxaa kale oo ka mid ah saxarada oo caddaan xigeen noqota, tabardarri, in indhuhu ay cagaartaan, qandho, xubno-xanuun iyo kuwo kale.
“Waxaa kale oo ka mid noqon kara cuntada oo qofku uu ka go’o, wareer iyo dawakhaad ka dhalata in sokortu kacdo,”
Waxaa sidoo kale ka mid ah calaamado la arki karo, sida cuncunka.
Dhaqtarka ayaa sheegay inaysna jirin da’ gaar ah oo qofka u nugleyn karta xanuunnada beerka, balse ay u badan yihiin da’da 20-40.
Cunnooyinka ay Soomaalida caanka ku tahay ee aan beerka u fiicneyn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr. Maxamed ayaa sheegay in cunnooyinka ay Soomaalidu u badan yihiin, sida kuwa dufanta leh, saliidda iyo dufanka xoolaha oo laga helo hilibka aysan u wanaagsaneyn caafimaadka beerka.
Waxyaabaha ay caanka ku tahya Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah oodkaca, oo ka mid ah waxyaabaha ay dufantu ku badan tahay.
“Dadkeenna Soomaalida waxay u badan yihiin cunnooyinka dufanka leh ee xoolaha ka yimaada, subagga, waxyaabaha aadka loo shiilo, saliidda aadka u badan. Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay cabaan macsarada amaba ay cuntada ku badiyaan. Cunnada daqiiqda ku badan ayaa sidoo kale ka mid ah,”
Kuwa daqiiqdu ku badan tahay ayaa waxaa ka mid ah baastada iyo bariiska noocyada qaar, iyo sidoo kale cunnooyinka burka lagu badiyo sida canjeerada iyo waxyaabaha burka laga sameeyo.
“Cunnooyinkaas waxay sababayaan in dhiifshiidku cuslaado, haddii uu dheefshiidku cuslaadana beerka saameyn xoog leh ayay ku yeelataa,” ayuu yiri.
Dhaqtarka ayaa intaa ku daray in hab-nololeedka dadka qaar ee saameyn kara beerka ay ka mid yihiin, in qofku isticmaalo daawooyin uusan dhaqtar u qorin, amaba dawo-dhireedka oo kale.
“Waxaa dalkeenna aad ugu badan in qofku uu farmashiye iska tago kana soo iibsado dawooyinka sida xanuun-baabi’iyaha iyo kuwa xasaasiyadda loo cuno, kuwaas waxay qaarkood dhaawici karaan beerka,” ayuu yiri.
Cunnooyinka u wanaagsan caafimaadka beerka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cunnooyinka u wanaagsan beerka ayuu dhaqtarku ku sheegay inay yihiin kuwa inta badan dalka Soomaaliya laga helo, sida khudradda cagaaran iyo cunnooyinka diirka leh, sida galleyda, masaggada iyo qaar kale.
“Waxaa ka mid ah biyaha oo kale, in qofku cabo biyo badan waxay u fiican tahay beerka,”
Khudradda cagaaran ee u fiican beerka ayaa waxaa ka mid ah kuwa biyaha ay ku badan yihiin sida ansalaatada iyo kabejka.
Waxaa kale oo uu dhaqtarku sheegay in babaayga iyo qaraha iyo miraha kale ee ay biyuhu ku badan yihiinba ay u wanaagsan yihiin beerka.













