Nageeye: "waxaan is iri raggan Kenyanka ah iyo Itoobiyaanka waa inaad iska dhicisaa"

Cabdi Nageeye

Xigashada Sawirka, ABDI NAGEEYE - TWITTER

Qoraalka sawirka, Cabdi Nageeye

Cabdiraxmaan Adan Nageeye oo ah orodyahan Soomaaliyeed oo u orda dalka Holand ayaa waxaa uu Maardoonkii Olimbikada ee dhawaan la soo gabagabeeyay ka galay kaalinta labaad.

Nageeye ayaa dadka Soomaalida ah iyo ajnabiga-ba soo jiitay ka dib markii uu Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Beljimka uu ku dhiirigaliyay in uu kaalinta saddexaad soo galo.

Waa kuma Nageeye?

Magaciisa oo saddexan waa Cabdiraxmaan Adan Nageeye, balse waxa ay dadka inta badan u yaqaanaan Cabdi Nageeye.

Nageeye ayaa waxaa uu ku dhashay magaalad Muqdisho sanaddii 1989-kii.

Dagaalkii sokeeye markii uu dhacay ayuu Nageeye iyo qoyskiisa waxay u soo qaxeen dalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Adan Nageeye iyo qoyskooda ayaa waxay sanaddii 1996-dii ay tageen dalka Holand oo muddo 4 sano ah ay ku noolaayeen.

Nageeye ayaa Soomaaliya ku laabtay 2004-tii halkaasi oo markii uu muddo ku sugnaa uu mar kale dib ugu laabtay dalka Holand.

Abdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Abdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi

Goormuu bilaabay orodka Nageeye?

Cabdiraxmaan Adan Nageeye oo BBC la hadlay ayaa sheegay in orodka uu bilaabay sanaddii 2007-dii.

"Orodka waxaan bilaabay 2007-dii si kadis ah ayay-na ahayd , qoys caddaan ah oo aan la daganaa, nin qoyskaas ka tirsanaa ayaa igu dhiirigaliyay inaan la ordo maadaama aan fasax ku jiray kubadda ayaan ciyaari jiray marka waxaa uu igi yiri 3 usbuuc ayaad fasax tahay si aad kubadda ugu sii fiicnaatid kaalay i raac waan ordaaye marka sidii ayaan ku raacay isagii ayaan ka badiyay," ayu yiri Mr Nageeye.

Orodyahan Nageeye ayaa sheegay in markii ninkii ay wada ordayeen uu ka badiyay uu u sheegay in uu leeyahay hibo dhanka orodka ah islamarkana ay tahay in tartanada uu ka qeyb galo.

"Labo usbuuc ka dib Orod ayaan ka qeyb galnay waxaa uu igu yiri Cadi Nageye ma ogtahay inaad heybad aad ah leedahay anigana orodka waxbo kama fahansaneyn wuxuu igu yiri 9 sano ayaan ordayayay waadna iga badisay,"ayaa intaa ku daray.

Cabdiraxmaan Adan Nageeye ayaa xusay in isaga oo aad u jeclaa kubdda cagta, balse ninkaasi ay wada ordayeen uu u sheegay in kubadda uu iska dhaafo oo orodka laga yaabo in uu meel fog ka gaaro.

Nageye ayaa farta ku fiiqay in soo jeedintaasi ah in uu orodka isku dayo uu markii hore diiday, balse 2 bilood ka dib uu aqablay.

"Waxaa laga yaabaa kubadda inaadan heer ka gaarin orodka isku day, waan ka diiday, waxay ku qaadatay 2 bilood inaan isaga aamino markaasi oo aan orod ay Kenyan ka soo qeyb galeen aan ka qeyb galay oo ana kaalinta lixaad soo galay, markaas ayaan ogaaday in kubadda aysan waxbo ii keeneyn ,"ayuu yiri Nageeye.

Mr Nageeye ayaa sheegay in xilligaasi wixii ka dambeeyay uu billaabay in uu u tababarto orodka.

"Nidaam ayaa jira dalalkan Club(Naadi) ayaad iska qoreysaa sida kubadda oo kale tababar ayaan helay oo ciyaartooy olimbikada ka qeyb galay lagu tababarayay kuwii ayaan la joogay wax kasta ka bartay iskuulakana waan dhiganayay ilaa jaamacad aan ka gaaray," ayuu yiri Mr Nageeye.

Cabdiraxmaan Adan Nageeye ayaa sheegay in isaga hamigiisu ahaa in uu la tartamo Kenyanka iyo Itoobiyaanka oo iyagu kaalimo fiican ka gala tartanka orodka.

"Jamacadii ayaan markii dambe iska dhaafay oo waxaan is iri raggan Kenyanka ah iyo Itoobiyaanka waa inaad iska dhicisaa, waa in aad u tagtid oo aad la soo degto Itoobiyaanka iyo Kenyanka," ayuu yiri Mr Nageeye.

Orodyahan Nageeye ayaa sheegay in uu aaminay in uusan orod kula tartami Karin orodyahanada Kenyanka iyo Itoobiyaan-ka ilaa uu iyaga la soo tababarto si uu uga guuleysto.

"Hamigeygu wuxuu ahaa in aan raggaasi la soo tababarto maadaama marka ay orodada ay ka soo qeyb galaan aniga oo tababaran oo iskool dhiganaya ayay imanayaan dhagaha ayay-na naga tumi jireen, markaas ayaan is iri raggaan intaad caddanka ku dhexjirtid iskama dhicin kartid," ayuu yiri Nageeye.

Waxaa uu intaa ku daray in isaga iyo orodyahanadii kale ee la tartamayay aysan xilligaasi aaminsaneyn in aysan ka guuleysan Karin orodyahanada Kenyanka iyo Itoobiyaanka uuna isaga doonayay in fikirkaasi uu meesha ka saaro.

"Anaga oo dhan waxaan aaminay in aan iska dhicin Karin Kenyanka iyo Itoobiyaanka,orodka marka 4 Kenyan ah ay ka qeyb galayso lambarka 5-aad ayaad ku xisaabtameysaa , sababtoo ah iyaga kuma xisaabtami kartid," ayuu intaa ku daray.

Dhacdadii taariikhda gashey ee Nageeye iyo Bsahiir.

Tartankii ugu dambeeyay ee olimbikada ee orodka dheer ayaa waxaa uu Nageeye soo galay kaalinta labaad, halka Bshiir Cabdi uu soo galay kaalinta saddexaad.

Balse arrinta aadka loo hadal hayay waxay ahayd gacantii uu Nageeye ka geystay guushii uu kaalinta saddexaad ku qaatay orodyahnka kale ee Soomaaliyeed Bashiir Cabdi.

Cabdiraxmaan Adan Nageeye oo ay BBC wax ka weydiisay dhacdadaasi ayaa sheegay in uu dareemay in Bashiir uu aad u daalay islamarkana uu doonayay in uu dhiirigaliyo.

"Markii aan mareynay 39km ayaan ogaaday in Bashiir uu 9 mitir naga dambeeyo sidii ayaan ku soo caawiyay waan dareemay inuu daal xun ku jiro oo uusan fagax dheer kari Karin aniguna ma dhaqaaqin, in ninka iga horeeya bursado waxaan ka door-biday inaan bashiir la joogo, ayuu yiri Nageeye.

Ma laga yaabaa in uu Nageeye Soomaaliya u ordo?

Cabdiraxmaan Adan Nageeye ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in dalkii uu asal ahaan ka soo jeedo ee Soomaaliya uu caawiyo balse aysan duruufaha hadda jira saamaxeyn.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya haddii uu ku laabto uusan heleyn tababar iyo gacan fiican taasina ay tahay sababta uu u doorbiday in uu u ordo dalka Holand oo uu yimid isaga oo 6 jir ah.

„Soomaaliya dhowr sano hadda ka hor waxaan maqli jirnay garoonka ayaa hadda la furayaa, dekadda ayaa la furayaa, waxaa la furayaa hawadii Soomaaliya dal waxaan nahay saas u soo kabsanaya marka iskaba iloow wiil 20 jir ah oo hadda orodkii bilaabay in uu ka tago intii yareyd ee la saacidayay aad dhahdid Muqdisho ayaan tagayaa waxaan rabaa inaan Somaaliya u ordo waa waxaan dhici karinn" ayuu yiri Mr Nageeye.

Waxaa uu intaa ku daray Nageeye in in ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed ay u noqdaan dhiirigalin iyo tusaale islamarkana cilmiga ay barteen ay Soomaalida muqtaqbalka uga faa'deyn doonaan.