Suuq caan ah oo ku yaalla Sanca oo la duqeeyey iyo Xuutiyiinta oo u hanjabay Trump

Duqaymaha Yemen

Xigashada Sawirka, Reuters

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen fiidnimadii Axadda, kadib duqeymo cirka ah oo lagu beegsaday suuq iyo xaafad caan ah oo ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca, sida ay sheegeen warbaahinta la xiriirta kooxda Xuutiyiinta Ansar Allah, kuwaas oo ku eedeeyay Mareykanka inuu weerarrada fuliyay.

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in weerarka lagu beegsaday suuqa caanka ah ee ku yaalla xaafadda Farwa ee degmada Sha'ub ee magaalada Sanca. Waxay sidoo kale intaas ku dareen in "kooxaha gurmadka ambalaasta iyo difaaca rayidka ay wali wadaan dadaallada ay ku baadi-goobayaan dhibbanayaasha ku hoos jira burburka."

Telefishinka Al Masirah, oo ah warbaahinta kooxda Xuutiyiinta, ayaa sheegay in "gardarrada Mareykanka ee lagu qaaday xaafadda Farwa ay sababtay khasaare weyn oo hantiyadeed oo gaaray guryaha muwaadiniinta iyo dukaamada."

Baraha bulshada gaar ahaan barta X, ee horrey loo oran jiray Twiter ayaa lagu baahiyey muuqaallo ay kooxdu ku tilmaameen inay yihiin inay yihiin "sawirro hordhac ah oo laga helay weerarka Mareykanka ee lagu qaaday suuqa caanka ah ee xaafadda Farwa."

Dhanka kale, duqeymo kale oo cirka ah ayaa fiidnimadii Axadda lagu beegsaday goobo ay Xuutiyiintu ku sugan yihiin oo ku yaalla gobollada Ma'rib, Al Hudaydah, iyo Sa'da.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa

Duqaymaha Sanca

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jimcihii, kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday in 80 qof ay ku dhinteen halka 150 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo Mareykanku geystay habeenkii xalay, kuwaas oo lagu beegsaday dekedda shidaalka ee Ras Issa, oo ku taalla gobolka Xudaydaha ee xeebta Badda Cas.

Kooxdu waxay weerarkan ku tilmaantay inuu yahay "kii ugu dhimashada badnaa" ee ka mid ah silsilad duqeymo xooggan oo ay sheegtay in Mareykanku bilaabay hal bil kahor, sida ay werisay wakaaladda wararka AFP.

Dhanka kale, militariga Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay burburiyeen dekedda Ras Issa, taasoo qayb ka ah dadaalladooda lagu doonayo in lagu jaro sahayda iyo maalgelinta kooxda Xuutiyiinta, kuwaas oo gacanta ku haya qaybo ballaaran oo ka mid ah dalka Yemen.

Iyagoo ka falcelinaya weerarrada Mareykanka, kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro ka dhan ah Israa'iil oo loo adeegsaday laba diyaaradood, iyagoo ballan qaaday in "weerarro kale iyo bartilmaameedyo cusub ay soo socdaan."

Duqaymaha Yemen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa hadal uu ka jeediyay mudaharaad ka dhacay magaalada Sanca ku sheegay in ay fuliyeen "howlgal milatari oo lagu beegsaday bartilmaameed ciidan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion", kaasoo ku yaalla gobolka la haysto ee Jaffa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay fuliyeen "howlgal ciidan oo labo-geesood ah" oo lagu beegsaday laba markab oo noocaa diyaaraha xambaarsan iyo Markab dagaal oo Maraykanku leeyahay, kuwaas oo ku sugnaa Badda Cas, iyadoo la adeegsaday tiro gantaallo iyo drones ah.

Aagagga ay Xuutiyiintu haystaan ee Yemen ayaa waxaa la kulmay duqeymo cirka ah oo ku soo noq-noqday maalmahan, tan iyo markii Washington ku dhawaaqday 15-kii Maarso in ay bilaabeen howlgal milatari ka dhan ah Xuutiyiinta si loo joojiyo weerarradooda maraakiibta ku dhex socota Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa muujiyay "walaaciisa qoto dheer" ee ku aaddan duqeymaha cirka ee sii soconaya ee ka dhacay Yemen, sida ay ku warbixisay afhayeenka xafiiskiisa.

Mahdi al-Mashat, oo ah madaxda Guddiga Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, ayaa ballan qaaday in Yemen la xisaabtami doonto Madaxweyne Trump falalka uu ku kacay, ha ahaado inuu xilka hayo ama aanu hayn.