Safarka raysal wasaare Xamse ee Laascaanood iyo qoddobada kale ee madaxweynaha Somaliland kaga hadlay khudbaddiisa

Khudbada Madaxweyne Cirro

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSl

    • Author, Saleebaan Saxansaxo
    • Role, Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa khudbad sanadeedkiisii u horreeyey ka hor-jeediyey Golaha Baarlamaanka, halkaas oo uu ka jeediyey khubad dhinacyo badan taabanaysa.

Fadhi wadajir ah oo ay yeesheen goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland ayuu madaxweynuhu ka jeediyey khudbad uu si gaar ah diiradda ugu saaray waxyaabihii u qabsoomay xukuumaddiisa muddadii boqolka maalmood ahayd ee u horreysay xil-hayntiisa iyo waxyaabaha u qorsheyaashan mustaqbalka.

Madaxweye Cirro ayaa si qoto dheer uga hadlay ahmiyadda dowladdiisa ee xiriirka dalalka caalamka iyo inay sii wadayan dalalka ay saaxiibka yihiin.

Waxaa kale oo madaxweynuhu soo hadal qaaday tallaabooyinka muhiimka ah ee ay dowladdiisu ka qabatay arrimaha nabadda iyo fidinta adeegyada asaaasiga ee bulshada muddadii boqolka cisho ee uu xafiiska joogay.

Xiriirka Somaliland iyo dalalka Maraykanka, Imaaraadka iyo Geeska Afrika

khubada cirro ee Barlamaanka

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSl

Qeyb ka mida khudbaddiisa ayuu Madaxweyne Cirro kaga hadlay xiriirka Soomaliland ay la leedahay dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka carabta, Mareykanka, Jabuuti iyo Itoobiya

"Imaaraadku waxay naga aqbaleen inay dalkeenna maalgashadaan iyo in ay gacan innaga siiyaan sidii wax-soo-saarka Somaliland loogu heli lahaa suuqyo cusub oo caalami ah," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu intaasi ku daray in ay arrintaas u saareen guddiyo farsamo oo ka shaqaysta hawshaasi "Hawshaas dhammaystirkeeda waxaa hadda ku hawlan guddiyo farsamo oo aynu labadeenna dhinac u magacownay. Dawladda Imaaraadku waxa ay innaga caawin doontaa kaabayaasha caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo waddooyinka."

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xusay inuu xoojin doono xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, isaga oo ka dhawaajiyey inuu socdaal ku tegi doono dalalkaas

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay sii xoojinaysaa xidhiidhka taariikhiga ah ee ku dhisan deris-wanaagga, walaaltinimada iyo iskaashiga, ee aynu la leenahay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, waxaanay qorshaynaysaa safarro aannu ugu bixi doonno dalalkaas," ayuu yiri intii uu ku guda jiray jeedinta khudbaddiisa.

Madaxweyne Cirro oo si gaara u uga hadlay xiriirka waayadii dembe la hadal hayey ee Somaliland iyo Maraykanka ayuu sheegay inay xidhiidh iyo galaangal muhiim ah la yeesheen dawladda mareykanka.

"Waxa aanu xiriirro iyo galaangal muhiim ah oo diblumaasiyadeed la yeelannay, dalalka muhiimka ah ee innaga kaalmayn kara qadiyaddeenna. Waxaa ka mid ah Maraykanka oo aannu xoojinnay, dadaallada aanu ku sii dhiirrigelinayno danayntiisa Somaliland iyo Ingiriiska oon ka helnay kaalmo dhinaca ammaanka ah iyo iskaashiyo dhinacyo badan leh" ayuu intaasi raaaciyey.

Labo qodob oo ay xukuumaddiisu ku guuleysatay

Khudbadii sanadleha ahayd ee uu jeediyey Madaxweyne Cirro

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSl

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Somaliland, waxaa kale oo uu ku soo hadal qaaday hadal-jeedintiisan labo qodob oo ay xukuumaddiisu ku guuleystay muddadii ay xilka haysan, kuwaas oo kala ah qaramaynta boqollaal maleeshiyo-beeleedyo hubaysan ah oo ka jiray bariga Somaliland iyo diiwaan gelinta ciidamada kala duwan ee Somaliland, oo hab casriga ah oo indhaha bu'dooda laga sawiray si loo ogaado tiradooda rasmiga ah tan oo ah markii u horreysay ee Somaliland samayso 34 sanno ah.

"Waxa aannu qaramaynay hubkii iyo ciidamadii madaniga ahaa oo aannu tababarro u bilownay, kuwaas oo maanta ah cudud ku soo biirtay ciidamada qaranka. Waxa aanu tirakoob iyo diiwaangelin bu'da isha ah ku samaynay dhammaan ciidamadaas, si aannu u sugno tirada saxda ah ee ciidamada qaranka ee kala duwan, meeshana uga saarno magaca iyo jiritaanka erayga caaglea" ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa kale oo uu xusay m in ay ka shaqaynayaan arrimaha nabadda "Waxa aannu qaadnay tallaabooyin muhiim ah oo aannu ku xoojinayno, waaritaanka xasiloonida, iyo wada- lahaanshiyaha dawladnimada. Waxa aannu aasaasnay hay'ad qaran oo u gaar ah nabadda iyo isu soo dhaweynta muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland." Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Wuxuu intaa ku daray inay sii wadayaan dedaallada nabad-raadinta, isagoo xusay in Somaliland ay dalalka deriska ah iyo beesha caalamkaba ku wargelinayso in ay sii wadayso dadaaladeeda nabadeynta, walaaleynta iyo deris wanaagga, haseyeshee, waxa uu tilmamaay "inay awood buuxda u leedahay in ay gardaro kasta iska difaacdo".

Khubbad jeedintii Cirro ee labada aqal baarlamaan

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSl

Safarkii Raysal Wasaare Xamse ee Laascaanood

Booqashadii Xamse ee Laascaanood

Xigashada Sawirka, OPM

Madaxweyne Cirro, ayaa soo hadal qaaday intii uu jeedinayey khudbaddiisa uu ka horjeediyey baarlamaanka safarkii dhawaan uu Laascaanood ku tagay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Cirro, waxaa uu sheegay in safarkaasi uu horseedi karo "colaad sokeeye oo soo deg degta," sida uu hadalka u dhigay

"Xukuumadaydu waxa ay beesha caalamka ku wargelisay in imaantinka wasiirka koowaad ee Soomaaliya uu yahay ku xadgudub qaranimada Somaliland iyo dagaal qaawan oo Soomaaliya ku soo qaadday Jamhuuriyadda Somaliland si ay ugu Khalkhal geliso, una wiiqdo dadaallada nabadaynta, iyo walaaleynta ah ee ay Somaliland waddo oo tacab weyn iyo halgan adag ku yimi. Mar labaad, Waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega." Ayuu u sheegay baarlamaanka.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa kale oo uu khudbadiisa kaga hadlay arrimo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, beeraha iyo adeegyada kale ee bulshada ee xukuumaddiisu qabatay iyo waxyaabaha ay ka qaban doono mustaqbalka.