Safarkaygii Baariis - Magaaladii aan ka helay aniga oo aan tegin

Paris

Xigashada Sawirka, Abdirahman Dhimbil

    • Author, Abdirahman Dhimbil
    • Role, BBC Somali

Waa sheeko gaaban oo weriyaha BBC-da ee Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil, kaga warramayo, booqashadiisii ugu horraysay ee caasimadda dalka Faransiiska ee Baariis.

Waa beri hore iyo magaaladii Burco ahayd, gaar ahaan xaafadda Plaza. Sees danbe oo cidlo ah ayaan fadhinnaa annaga oo badan. Yaasiin, oo naga yar weynaa ayaa noo sheekaynaya.

Magaalada Baariis iyo nolosha ka jirta ayuu ka warramayaa. Nolol raaxo leh ama u muuqatay kolkaas ayuu nooga warramayaa. Waddooyinka is dhaafsan iyo baararka aan jabaqda miyuusiggu ka demin, barbaarta caweysyadaas ku ciyaaraysa iyo xaalad indhasarcaad ah ayuu noo tilmaamayaa.

Magaalo waxan 'tumashada' Burco looga yaqaan Muqdishana 'baashaalka' ay dadkeedu ku fooggan yihiin oo aan shaqo kale la hayn ayuu noo sawirayaa. Dabcan, sheeko xiiso leh iyo magaalo xiiso leh ayay nala ahayd.

Waa mar kale iyo Waadamagoo, tuulo Burco bari ka xigta oo ah magaaladii aan ku dhashay. Kolkan se fasax ayaan ku booqday intaan Burco ka tegay. Nin dhallinyaro ah oo qurbaha ka yimi ayaa magaalada markaas joogay. Ninkaasi, si yara duwanayd kolkaas ayuu u soconayaa, si baad mooddaa in uu gacmaha u soo horraysiinayo marka uu soconayo; sidii wax meel ka dusaya ayuu garbaha ka soconayaa oo marba mid soo horraysiinaya.

Waa socod xarrago, sina ugu muuqda qof yara wareersan. Laba aan ag fadhiyey ayaa kolkaa iskawaraysanaya, waa laba nin oo reer tuulihii halkan ah. Mid baa leh, 'Waar hebel, ninkani sidan uu u soconayaa waa maxay?' Kii kale ayaa yidhi jawaab aan kolkaas la yaabay. Kulahaa: "Magaalo Baariis la dhaho ayuu ka yimi, oo cidhiidhi ah, maadaama dadku ku badan yihiin, oo qofku kolka uu soconayo ee waddo marayo waxa uu ka qasban yahay in laba qof oo garabka isku haya uu ka dhex duso, cidhiidhi awgii; kolkaa magaaladaas baa qaabkaa looga socdaayoo wixii baa caado ka noqotay oo waa kaa socodkii qof laba qof ka dhex dusaya uun uu ka noqday!" Cajiib! Waa mar kale iyo Baariis. Magaalo yaab leh.

Paris

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Muuqaal dhanka korka ah oo muujinaya Paris iyo Taallada Eiffel xilli qorrax-dhac ahaa.

Ka kaalay, waa 2024. Waxaan joogaa Nayroobi, ma ihi ninkii odayga aha ee berigii, wax baa ii yar baxay, Baariis xogo kale oo badan ayaan ka maqlay. Iska daaba e, hadda asxaab ayaaban ku leeyahay. Kuma lihi uun, qaarkood iyagoo Baariis jooga ayayba igala soo dhex hadlaan. Markan Khaalid oo transit ku ahaa ayaaba u danbeeyey.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maanta se waa Julaay. Safar baan ahay, oo Talyaaniga ayaan u socdaa. Magaalo Florence la yidhaahdo ayaa waxbarasho kooban u tegayaa. Fiisihii Yurubna waan haystaa, weliba nooca Shanghai ee dhawr dal oo kala duwan oo Yurub ah lagu soo mari karo. Magaaladii Baariis ahayd ee sheekadeedu igu badnayd ayaa si gaar ah iigu taagan. Waxaan is leeyahay ma adiga oo Yurub tegay oo aan Baariis soo marin ayaad soo noqon! Waxaan is leeyahay, si ka duwan dardaarankii Hadraawi, "Baariis adoon tegin / ama Boon ka sheekayn," miyaad laaban doontaa! Waa Maya. Tigidh ayaaban jartay Talyaaniga ah, markaan se halkaas tago, soo noqodkayga waxaan ka dhigtay in aan ka soo bixi doono Baariis! Magaaladii igu badbadatay.

Alle mahaddii safar dheer ka dib nabad tegay Talyaaniga—Florence, caasimadda Gobolka Tuscany, magaalo dalxiis oo caan ah, si gaar ah farshaxanka iyo aasaarteeda qadiimka ah loogu majeerto. Waa sheeko kale iyo maalin kale e, Pisa oo isla gobolkaas ah ayaan uga gudbay markii aan dhammaystay waxbarashadii koobnayd ee aan halkaa u tegay. Pisa asxaab hore oo reer Burco ah ayaa Jaamacad ka wada, si gaar ah Xudayfi ayaan ku booqday. Maalmo yar oo aan magaaladaas joogay, waxaa la gaadhay toddobaadkii u danbeeyey safarkayga, waa toddobaadkii qorshuhu ahaa in aan Talyaaniga kala dhammaanno oo magaaladii tigidhkayga bixitaanka Yurub ka go'naa aan iska xaadirayo. Waa Halkii Nebi Sulaymaan iyo malaggii nafta e, qofka Pisa igu arka ee ogaa 'back-gaygu' in uu Baariis yahay, wuu yaabi lahaa!

Paris

Xigashada Sawirka, Abbdirahman

Qoraalka sawirka, Taallada caanka ah ee Arc de Triomphe

Waa subax, waxaan raacayaa diyaaradda gudaha u kala safarta ee caanka ah, Ryanair, waa nooc diyaaradeed aan aad u weynayn oo qiime jaban Yurub dhexdeeda loogu kala goosho. Wax kale kuma garatide, waa bajaajta duusha ee u kala baxda Yurub.

Tii ayaan saaranahay, Baariis baanan u socdaa! Baariis!

Magaaladii Baariis ahayd ayaan dhex joogaa. Markaas uun ayaan diyaaraddii ka soo degay. Tareenka ka taga garoonka diyaaradaha ee Paris Beauvais Tillé Airport ee magaalada aada ayaan goostay. Dhexda ayuu na geeyey; halkaas ayaa bas lagaga sii wareegayaa oo qofba dhankuu magaalada uga socday u raacayaa. Baskii ayaan haddana tigidh u goostay. Nasiibdarro, mid baa si ii tabaabusheeyey Afrikaan ahaa oo bas halkan iska taagan i saaray, shandaddii aan watayna xagga hoose ee baska ii geliyey.

Kolkaan xoogaa fadhiyey ayaan shakiyey oo is idhi, bal meesha uu sii marayo hubi. Waddo aan magaceeda hayo iyo goobtii aan u socday ayaan damcay in aan mid debadda taagnaa weydiiyo, waan soo degay si aan uga waraysto. Markii aan dhulka sidaa u taabtayba baskii wuu iska dhaqaaqay. Shandaddaydii baa saaran. Aniguna dhulkaan taaganahay. Markiiba kii baan ku qayliyey 'waar shandaddaydii, waar shandaddaydii'. Isna markiiba baskii buu ka daba qayliyey, xoogaa baannu baskii oo yara dhaqaaqay eryannay. Meel hore istaag oo shandaddaydii ii soo deji. Weliba, ka hor, inta aanay ii soo dejin, si buu kii darawalka ahaa u shakiyoo, shandaddii aan sheegtay ayuu rakaabkii baska weydiiyey in cid kale ay leedahay, markii cidi sheegan waydayna i sii, oo kala soo tegay.

Paris

Xigashada Sawirka, Abdirahman Dhimbil

Meel dhexe ayaan ku yar nastay illeen xoogaa baan bas eryadee! Minidkaas ayaan hoosta ka idhi, 'Alleylehe waa Baariis dhexdeeda oo aan bas shandad igala tegay eryanayo!' Xaaladdaas si dadban ayaan u gartay waxaan Baariis maalmaha aan joogo kaga tashanayo, ugu yaraan in wixii is eryadka la odhan jirey ka jiro gartay.

Istaankii basaska ayaan ku soo noqday. Intaanan baskii kale fuulin, ayayba igu dhalatay in la ii qaatay tagsi toos ii geeya halkan rabo. Moobilkayga ayaan la soo baxay oo adeegga Bolt ee tagaasida oo caalami ah, Kiiniyana aan ku isticmaali jirey, ayaan is idhi bal eeg in uu halkan ka shaqayanayo. Wuuba shaqeeyey! Tagsi ayaanan halkii ka dalbaday. Koongaliis halkan ka tagsiileeya ayuu noqday oo bartii aan u socday i gee.

Xaafadda La Chapelle oo Soomaalidu ku badan tahay, oo meel aan tilmaan ka haystay ku taallay ayaan imi; nin reer Burco ah oo xer asxaab ahi igu soo xidhay baa meherad ku haysta oo itaalka cunto soomaalina ugu eero ayaan is leeyahay. Markaan tagsigii sidaa uga soo degay, bartii cinwaankeeda aan hayey ayaan hore u yar arki waayey. Mid Soomaali oo meel halkana kursi ku fadhiya ayaan aniga oo shandaddaydii jiidanaya ku idhi, 'Walaal meeshii Hebel meeday?'

Paris

Xigashada Sawirka, Abdirahman Dhimbil

Qoraalka sawirka, Arc de Triomphe oo dhinaca kaga soo jeedda waddada Champs-Elysees Avenue ee badhtamaha Paris, France

Intaanan Baariis iman ka hor ayaan asxaab aan Faransiiska ku ogaa la hadlay. Sacad, oo dugsigii Shiikh Ibraahim aannu isku galaas ahayn, saaxiib aannu isku kursi ahaan jirnayna ahaa ayaan wacay, habeenkaan berri oo kale imanayey. Ii sheeg in magaalo kale oo fog uu ku nool yahay. Nin kale oo aan meesha ku ogaa isna ii sheeg in uu magaalo kale joogo. Ragguna, inaan xilli danbe u soo sheegay oo hadday sii ogaan lahayeen meesha igu soo booqan lahaayeen iigu cudurdaarte.

Nimanka Faransiis aan Baariis ka deggannayni maxay la maqan yihiin, may Ballidhiigtoodii iyo Qoryaaladoodii iska degaan kollayba hadday tuulo degayaan ayaan ku xifaaleeyey. "Afrika caasimadaha laga degaa" ayaa igu yar qafilnayd. Raggu se halkan waa dhul isku midoo, qofba halka uu nolosheeda iyo jaanisyadeeda ka helo ayuu iska degaa, oo safarkuna sidaa uma cusla, tuulada Yurub ku taallaana caasimad Afrika waxba uma oga.

Laftayda se asxaab bariidin bay iga ahayde, sidaa uma wewersani oo nin wax u baxsan yihiin baan isu arkaa oo khariiradda, cinwaanka, iyo adeegga Google in ay i caawin doonaan ayaan ku kalsoonahay. Weliba, nin Baariis si gaar ah iyada u kala yaqaan ayaaban isu haystaa. Waayo, sheekooyinkii Yaasiin-Buur, iyo sida Baariis looga socdo oo aan Wadaamagoo beri hore ku maqlayba way ii fadhiyaan. Xataa waddooyinka, oo taxanihii Emily in Paris aan ku daawadayna wax badan waan ka dhex arkay. Kolkaa, aniga iyo Baariis in aannu isku sirannahay ilama aha. (Aniga ayaaba dareemaya in aan ku dhex jiro taxane kale oo Dhimbiil In Paris ah).

Haddaba, kolkii aan inankii Soomaaliga ahaa ee meesha taagnaa ku idhi ""Meheraddii Hebel meeday?" inta uu sidaa ii eegay oo gartay in aan hadda soo galay ayuu si kaftan ka muuqday iigu yidhi: "Ma calaa duul baa, oo halkaas baad toos GPS-ka ku soo xidhatay?" Inta uu dhoolacaddeeyey. Markiiba intaan halka uu u socdo gartay, ayaan si cadho ka yar muuqato u idhi: "Haa! Ee meeday?" Suu i yidhi: "Waa taa" inta uu dareemay in weedhu i yara gaadhay. Daalkii safarkaa lahaaye, in ninkaa odayga ahi si ilbaxnimo ah iila kaftamay dareemay.

Meeshii aan u socday helay. Waaba goor duhuree qado ka cunay meeshii, weliba cunto Soomaali aanan maalmahanba arag cunay. Cunta kale maahee, hilib baan ka helay; sidii nin Burco jooga oo hudheelkii Badhabadha ama Beder hilib ka dalbanaya ayaan Baariis uga dhex qadeeyey, maalinkii koowaadba.

Toddobaad ayaan joogay magaaladii, nin oday ah oo Cabdillaahi Axmed la yidhaahdo oo xertaydii ahna iska dhex helnay xaafaddii Soomaalida, oo magaaladii ii shid. Booqday birtii caanka ahayd Eiffel Tower, miyuusamkii Musée du Louvre, dhismaha Notre-Dame Cathedral iyo meelo kale oo xiiso gaar ah lahaa. Waddooyinkii magaaladana hadba dhan u raacay, magaaladiina meelihii ii qorshaysnaa wada tegay. Safarkaygii Baariisna, allaylehe, ku raaxaystay.

Paris

Xigashada Sawirka, Abdirahman

Qoraalka sawirka, Badhtamaha Paris

Adigu wax kale kuma garatide, jawigii Baariis waxa uu ku soo koobmayaa casar dheere aan dhex lugaynayo waddada Champs-Élysées, waddo caan ah oo adduunka oo dhan laga yaqaan, oo ay ku teedsan yihiin dukaammo iyo meherado caan ah sida kuwii faashiyoonka ee Louis Vuitton iyo Chanel, oo si ilbaxnimo ka muuqato u safan. Midabbo kala duwan iyo muuqaal ashqaraar ah oo labada koone ee waddadaas ah waxaa kaa qabanaya - bariga iyo galbeedka - goobaha iyo astaamaha caanka ah ee Arc de Triomphe iyo Place de la Concorde.

Waddadaas ayaan dhex socdaa, oo hadba dhan indhaha ula raacayaa, waxaana airpods-ka aan dhegaysanayo ka shidan heestii caan baxday ee Niggas in Paris. Waa heestii ku jirtay albamkii Watch the Throne, oo ay wada qaadayaan faanniintii madawga ahaa Jay Z iyo Kanye West. Waa hees ay ku muujinayaan guushooda faneed iyo sida wiilashii yaryaraa ee New York iyo Illinois ka yimi ee xilli la yaraysan jiray uu ugu kala xidhan yahay fankii hip-hop-ku oo ay bilyamaad uga samaynayaan. Si gaar ah waxaa laxdadaa igu soo dhacaya tuducyada uu qaadanayo halaaggii Kanye ahaa ku bilaabmayey:

Excuse my French, but I'm in France, haha, I'm just sayin'

Waa weedho Kanye xusayo shirkadihii faashiyoonka ee caanka ahaa ee Faransiiska, iyo sida uu u yahay sida uu doono yeele asxaabtiisa kula caweyn kara, marka uu doono magaaladii Baariis ahayd.

.

Xigashada Sawirka, Abdirahman

Qoraalka sawirka, Eiffel Tower

Baariis waa magaalo yaab leh! Dhismahaad aragtaba taariikh ayaa ku duugan. Waa magaalo dalxiis oo sumcad waalli ah haysata, adduunka oo dhanna laga jecel yahay. Sannad kasta magaaladan dalxiisayaal malaayiin ku dhaw ayaa yimaadda. Waa magaalo jacayl iyo caweys caan ku ah oo badanaa dadka is jeceli ay booqdaan.

Dhanka kale, magaaladan waxa u baahday oo ay dadka moodaan in magaalooyinka adduunka ay ka casrisan tahay, oo waddooyin iyo dhismayaal aan hore loo arag ay leedahay.

Xaqiiqaduna sidaas ma aha, waana sababta ay dad badani marka ay yimaaddaan u niyad jabaan, oo filashadii magaaladan ay ka haysteen ay hoos ugu dhacdo marka ay arkaan in ay tahay magaalo caadi ah oo aan Yurubta kale iyo magaalooyinka kale ee adduunka aan wax sidaas ah dhaamin. Niyadjabkaas ayaana keena in ay xaalad nafsi ah u galaan. Waa xaaladda la yidhaahdo Paris Syndrome oo gaadhsiisan heer qofka uu dhakhtar nafeed u baahdo si loo baanto.

Badanaa Eeshiyaanka, Ameerikaanka iyo dad kale oo badan oo dalxiisayaal ahba jirradani way haleeshaa. Anigu Baariis sidii aan filayey way ahayd. Aslanbana, inta dhismaha iyo qaab dhismeedka magaalada macno ii samayso sheekada iyo qisooyinka shayga ka danbeeya ayaa xiiso ka badan ii yeesha. Malahayga saxafinnimada ayay la xidhiidhaa.

Baariis waxa ay macno iigu lahayd inaan sheekooyin hore ka haystay. Jacaylka iyo waxyaalaha magaalada lagu sunto ayaa iyana si gaar ah macno iigu samaynayey. Meeshii kasta ee taariikhdeeda iyo magaceeda aan hore u maqlay ee Baariis ku taallayba si bay xiiso gaar ah iigu samaynaysay.

Malahayga warbaahinta casriga ee muuqaallada iyo sawirradu ay baahayaan ayaa lehe, wixii aan ka filayey oo iska caadi ahaa weeye, kolkaa xaaladdaa niyadjabka ah kama qaadin Baariistii aan arkay.

Hadda ogow oo weli Paris Syndrome iskama baadhin, ee xiniiyaan ku wadaa!